Seddex iyo soddon
qiso oo rasuulka ka sugnaaday
Tusmada kitaabka
Mowduuca Bogga
1. Tusmo ……….………………………………1
2. Ducada Furfurashada ……………………..4
3. Mahadnaq …………………………………..6
4. Gogoldhig ……...……………………………7
5. Hordhac ...……....…………………………..12
6. Nabi Ibraahiim, Xaaskiisa Iyo boqorkii faajirka ahaa ...............................................................17
7. Habar khayrka aad ugu hanweyn ..............26
8. Dhagaxii la cararay maradii Nabi
Muuse.. 33
9. Qorraxda oo Ilaahay Nebi Yuushac u
joojiyey ..38
10. Samirkii Nabi Ayyuub ..………......……......44
11. Labo dumara oo mid wiilkeedii Yey
ka cunay …52
12. Nabi Suleymaan oo ilmo hal
jeex ah u dhashay 58
13. Shan waxyaabood oo Ilaahay Nabi
Yaxye ku amray ....64
14. Nabi ay qowmkiisii cajabgaliyeen! ..............76
15. Nabigii quraanyada gubay ………………..81
16. Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday! …………………..............................................85
17. Sac iyo Yey hadlay! ………………………..89
18. Ilmihii Ilaahay ka baryey in aanu gaal ka dhigin …………………….………………………………..............................93
19. Nin Alle ku jeclaaday, Nin uu Alle darti u jeclaaday awgii …………………….………...............................................................99
20. Seddex nin oo god galay, uuna ku awdmay .105
21. Daruur lagu amray inay waraabiso nin suubban beertiis ..…………..……………………………….............................…112
22. Nin dadka wax u dhaafi jirey oo Ilaahay u dhaafay .………………………………………………………..115
23. Qofkii Eyga waraabiyey ee Alle u dambi dhaafay …………….................................................……..118
24. Nin yiri markii aan dhinto i guba! .....................122
25. Nin boqol qof diley ………………………..……125
26. Nin jannada ku galay dhibaato uu jidka ka leexshay ………………………………………………………..132
27. Ninkii kunka diinaar daynsaday ………….…..136
28. Dahabka qaado iyo qaadan maayo! …………141
29. Boqorkii ka cararay boqortooyadiisa …………144
30. Qisada Jurayjkii caabidka ahaa .......................152
31. Seddex nin oo Ilaahay uu imtixaanay..............160
32. Nin naar ku galay nin uu ku yiri Ilaahay kuu dambi dhaafi maayo! ………………………………………………………...168
33. Nin is cajabiyay oo Ilaahay dhulka la gooyay! ....................................................................174
34. Nin ku faanay awoowayaashiis gaalo ah .........178
35. Haween naar ku gashay bisad ay xirtay .…….183
36. Wafdigii Reer Caad …..…………………………188
37. Nin khamro cabbay oo ay dambiyo kale galisay ……………….…………....…………………………….......................................195
38. Naag samaysatay lugo
qori ah oo ay isku dheerayso ……………………..……...….………………………..............................................203
خطبة الحاجة
إن الحمد
لله نحمده ، و نستعينه ، ونستغفره ، ونعوذ بالله من شرور
أنفسنا ، ومن سيئات أعمالنا .
من يهده الله فلا مضل له ، ومن يضلل فلا هادي له ،
وأشهد أن لا إله إلا الله [ وحده لا شريك له ] .وأ شهد أن محمداً عبدُه و رسولُه .
] يَاأَيها الذين آ مَنُوا اتقُوا اللهَ حَق تُقَا ته ولاتموتن إلا وأنتم
مُسلمُون
[
] يَا أَيُّهَا النَّاسُ اتَّقُوا رَبَّكُمْ الَّذِي خَلَقَكُمْ مِنْ نَفْسٍ
وَاحِدَةٍ وَخَلَقَ مِنْهَا زَوْجَهَا وَبَثَّ مِنْهُمَا رِجَالاً كَثِيراً
وَنِسَاءً وَاتَّقُوا اللَّهَ الَّذِي تَسَاءَلُونَ بِهِ وَالأَرْحَامَ إِنَّ
اللَّهَ كَانَ عَلَيْكُمْ رَقِيباً[
] يَا أيها الذين آمنوا اتقوا الله وقولوا قَولاً سَديداً يُصلح لَكُم أَعما لكم
وَ يَغفر لَكُم ذُنُوبَكُم وَمَن يُطع الله وَرَسُولَهُ فَقَد فَازَ فَوزاً
عَظيماً[
أما بعد : فإن خير الحديث كتاب الله، وخير الهدي هدي
محمد، وشر الأمور محدثاتها، وكل محدثة بدعة، وكل بدعة ضلالة، وكل ضلالة في النار.
Ducada furfurashada
Mahad oo dhan
Allaah ayaa iska leh, waan mahadineynaa Alle, waan kaalmo weydiisaneynaa,
waanna dambidhaaf weydiisaneynaa, waxaan Alle ka magan-galeynaa sharka
nafaheenna iyo acmaasheenna xunxun.
Qofkii Alle uu
hanuuniyo cid baadiyeysa ma leh, qofkii uu (Alle) lumiyana cid hanuunisa ma
leh, waxaan qirayaa Ilaah xaq lagu caabudo inuusan jirin Allaah mooyee isagoo
kaligii ah cidina aanay la wadaagin cibaadada, waxaanna qirayaa in Muxammad uu
yahay addoonkii Alle iyo rasuulkiisii.
“Kuwii iimaanka
lahaayow ka dhowrsada Allaah, ka dhowrsashadiisa xaqqa ah, hana geeriyoonnina
idinkoo muslimiin ah mooyee”
“Dadoow ka
dhowrsada Rabbigiinnii idinka abuuray naf kaliya (Nabi Aadam), deedna
lammaaneheedii (Xaawo) iyada ka beeray, kana tarmiyay labadoodaas (Aadam iyo
Xaawo) rag tiro badan iyo haween, kana dhowrsada Allaha aad isaga magaciisa wax
isku weydiisataan, qaraabadana ka dhowrsada (in aad goysaan) Ilaahay waa mid
idin ilaalinaya”.
“Kuwii iimaanka
lahaayow Ilaahay ka dhowrsada oo hadal toosan ku hadla, camalkiinna ayuu idiin
hagaajinayaa, dunuubtiinnana wuu idiin dhaafayaa, qofkii Ilaahay u
hoggaansamana wuxuu liibaanay liibaanid aad u weyn”.
Intaa kadib;
hadal waxaa ugu khayr badan kitaabka Alle, jid la marana waxaa ugu khayr badan
jidkii nabi Muxammad s.c.w., umuuraha waxaaugu shar badan tan soo darrisa,
arrin walba oo lagu soo darriyo (diinta) waa bidco, bidco walbana waa baadi,
baadi walbana naarta ayey ahaatay dhexdeeda.
Mahadnaq
Rabbigay ayaan
uga mahadnaqayaa nicmooyinka waaweyn ee uu ii galay, kuwa muuqda iyo kuwa
qarsoonba, ha ugu horrayso islaamnimada oo ah nicmo uu bixiyo tan ugu weyn. Si
gaara waxaan Rabbigay uga mahadcelinayaa inuu i waafajiyey, iina sahlay
turjumidda qisooyinkaan iyo faafintooda.
Waxaan Rabbigay
Cazza Wajalla ka baryayaa inuu iiga dhigo camal suubban oo agtiisa ii yaal,
uuna igu anfaco maalinta aysan wax tarayn xoolo iyo wiilal toonna. Waxaan kale
oo ka baryayaa inuu muslimiinta ku anfoco adduun iyo aakhiraba.
Intaa ka dib
waxaan u mahadcelinayaa cid kasta oo gacan igu siisay soo saaridda buuggaan
gaar ahaan Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo waqti badan ii huray, si weyna iiga
caawiyey sixitaanka kitaabka iyo walaalaha kale ee gacanta iga siiyey
sixitaanka iyo farsamada oo uu ugu horeeyo Eng. C/qani Qorane Maxamed oo
kitaabka dib u akhriyey, waqtina galiyey sixidda kitaabka iyo habayntiisa iyo
Ustaad C/risaaq Cirro oo isna habaynta iga caawiyey. Waxaa kale oo mahad gaara
leh walaalihii igu boorriyey turjumidda qisooyinkaan iyo bogagga Internet-ka
Soomaaliyeed ee sida taxanaha ah u faafiyey intii aan qisooyinkaan buugga loo
badalin.
Axmed C/Samad
10/8/ 1432 –
11/7/ 2011 Galdogob – Soomaaliya
Gogoldhig
Kitaabkaan
wuxuu ka koobanyahay seddex iyo soddon qiso oo laga soo qaatay kitaabka
“Qisooyinka nabiga ee saxiixa ah” ee Dr. Cumar Suleymaan Al-ashqar, marka laga
reebo qisada Nabi Yaxye iyo Nabi Ciise. Qiso walba waxaan ku muujiyay saxaabiga
nabiga ( صلى الله عليه وسلم ) ka wariyey iyo
culumadii ka soo guurisey.
Qisooyinka afar
iyo labaatan ka mida waxaa wada wariyey ama gaar gaar u kala wariyey Bukhaari
iyo Muslim, sagaalka soo hartayna muxaddisiin kale ayaa wariyey, sida: Imaamu
Axmad, Tirmidi, Nasaa’i, Xaakim, Dabaraani iwm. Waxaan isku dayey in qiso walba
asalkii sheekhu ka soo qaatay aan dul istaago.
Habka
axaadiista loo turjumay waxay xigtaa xarfi (erey erey ku turjumid); si aan
qalinku u taraarixin, waxaanse intii tabar ah isku dayey in macnuhu caddaado.
Qiso walba
markii la turjumay waxaa la raaciyey wax ka mida faa’iidooyinka iyo duruusta
laga qaadan karo qisadaas. Faa’iidooyinkaas marka la isku daro waxay kor u
dhaafayaan afar boqol oo faa’iido, qeyb ka midana waxaa laga soo guuriyey
kitaabka Dr. Cumar Al-ashqar, qeybna waxaa laga soo qaatay kutubta sharaxday
axaadiista, sida: Fatxul-baari sharaxa saxiix Albukhaari, Sharaxa Nawawi ee
Saxiixu Muslimka iwm, qeyb kalena qoraaga ayaa ku kordhiyey.
Waxaa xusid mudan
in qeybta qoraagu ku kordhiyey aysan wada ahayn faa’iidooyin axaadiista toos
looga wada qaatay ee waxaa ka mida waano, hoga-tusaalayn iyo guubaabo ka dheeri
ah duruustii qisada tooska looga fahmey maadaama ujeeddada ugu weyn ee loo
faafiyey qisooyinkaan ay ahayd in bulshada Soomaaliyeed lagu waaniyo, laguna
wacyigaliyo.
Qisooyinkaan
waxaa si taxane ah loogu faafiyey qaar ka mida bogagga Internet-ka Soomaaliyeed,
markii la bilaabayeyna looguma talagalin in kitaab laga dhigo, waxaana la
faafinayey turjumaada af soomaaliga ah kaliya, laakiin markay noqotay in kitaab
ahaan loo faafiyo ayaa la goostay in xadiiska iyo turjumidiisa la isla daaboco;
si qofka carabiga akhriyi kara uga faa’iidaysto, axaadiistana waa la
xarakeeyey; si aan loo qaldin.
Qaybaha qisooyinka
Qisooyinkaan
waxay u qaybsan yihiin shan qaybood oo kala ah:
1) Qisooyinka nabiyaasha oo toban qiso ah
2) Qisooyin muujinaya awoodda Alle weynankeeda oo seddex qiso ah
3) Qisooyin muujinaya fadliga acmaasha qaarkeed leedahay oo siddeed qiso
ah
4) Qisooyin xambaarsan tusaalayaal wanwanaagsan oo shan qiso ah
5) Iyo qisooyin xambaarsan
tusaalayaal xunxun oo toddobo qiso ah.
Kaalinta tarbiyo ee
qisooyinkaan
Qisooyinkaan bulshada waxay barayaan, kuna
xirayaan Rabbigood, waxayna ku tarbiyeynayaan weynaynta Alle, jacaylkiisa,
cabsidiisa, xuskiisa iyo baryadiisa. Waxay kale oo ku tarbiyaynayaan in xagga
Alle loo cararo, salaaddana loo degdego gaar ahaan markii ciriiri la galo iyo
in Ilaahay lagu baryo camalka wanaagsan ee dar Alle loo sameeyey, tusaale
ahaan:
a) Nabi Ibraahiim iyo Xaaskiisu salaad iyo baryada Alle ayay u istaageen
markii boqorkii gaalka ahaa isku dayey inuu fara-xumeeyo xaaska Nabi Ibraahiim
(Saara), markaas baa Ilaahay gaalkii qabtay, Saara-na uu ka badbaadiyey
dhagartiisii.
b) Markii ninkii Jureyj ahaa ee caabidka ahaa xumaanta lagu tuhmay, lana
soo weeraray wuxuu u kacay salaad iyo Rabbi bari , markaas baa Ilaahay ka hadalsiiyey
cunuggii dhashay, wuxuuna sheegay in qawsaarku aabbihi yahay, sidaas baana
Ilaahay Jureyj ku beri yeelay.
c) Nimankii seddexda ahaa ee godka cidlada ah ku dumayna Alle weyne
kaliya ayay u yeerteen, nin walbana wuxuu Alle ku baryey camal suubban oo uu
dar Alle u falay, markaas baa Alle kurbadii ay ku jireen ka feydey.
Qisooyinkaan waxay ka digayaan in Rabbi
lagu dhiirrado, sidii uu yeelay ninkii ku dhaartay in aan Ilaahay u dambi
dhaafayn hebel, taas oo dhaxalsiisay in isagii naarta la galiyo, kii uu lahaa
Alle u dambi-dhaafi mayana Alle u dambidhaafo. Tan kale waxay dadka ku
boorrinayaan inay ka cararaan waxyaabaha Ilaahay ka fogaynaya ama diintiisa ka
fitnaynaya siday yeeleen labadii boqor ee xukunkooda dar Alle uga tagey.
Qisooyinkaan waxay ummadda ku
barbaarinayaan tiirarka waaweyn ee diinta, sida: tawxiidka, salaadda, sakada
iyo soonka. Waxay kale oo ku boorrinayaan acmaasha kale ee wanaagsan, sida:
baarrinimada waalidka, sadaqada, u turista dadka lala macaamilayo, waraabinta
xayawaanka, in waddada muslimiinta laga wareejiyo waxa dadka dhibaya,
toobadkeenka iwm.
Qisooyinkaan waxay bulshada ku rabbaynayaan
dhaqanka iyo akhlaaqda wanaagsan ee islaamka, sida: xishoodka, dhowrsanaanta,
amaanada, xalaal-miirashada, ballan-oofinta, iska ilaalinta xoolo doonka iyo
xukun raadiska, samirka, caddaaladda, deeqsinimada, Alle u shukrinta,
tawaaduca, shaqaysiga iyo ka dheeraanshaha is-qaadqaadka, is cajabinta,
kibirka, iyo in la duro dadka nasabkooda ama dhalasho loogu faano.
Sidoo kale waxay qisooyinkaan ku
tarbiyeynayaan ummadda: hanweynida iyo isku kalsoonida, kobcinta caqliga iyo ka
ilaalinta waxyaabaha dhaawacaya, garashada halbeegga saxan ee islaamku wax ku
miisaamo iyo inaan lagu kadsoomin muuqaallada dhalanteedka ah.
Qisooyinkaan waxay farta inoo ku fiiqayaan
tiirarka ummadi ku istaagi karto, sida: midnimada, walaalnimada, isu kaashiga
khayrka, is maqalka iyo kala dambaynta, hijrada iyo jihaadka, heshiisiinta
ciddii is qabata, in loo guursado raadinta ubad diinta koryeela, in la fahmo
dhagarta cadawgu u maleegayo diinta iyo ehelkeeda, lagana digtoonaado
shirqoolladiisa, loona jilib-dhigo dhagartiisa iyada oo Ilaahay lala
kaashanayo.
Hordhac
Rasuulkeena ( صلى الله عليه وسلم ) shaqadiisa waxaa ka
mid ahayd soo gudbinta farriinta Alle, tarbiyaynta dadka iyo waxbaristooda,
isla markaana Alle wuxuu ina faray in aynu ku dayanno; sidaas darteed ayaynu u
doorannay soo bandhigista qisooyinka isaga ka sugnaaday.
Tan labaad waxyaabo fara badan buu Rasuulku
( صلى الله عليه وسلم
) ummadda wax ku bari
jirey, kuna tarbiyayn jiray, sida: soo
dhaweynta iyo maamuusidda, naxariista iyo turista, ammaanta iyo dhiirrigalinta,
ka faa’iidaynta dhacdooyinka, qancinta caqliga ah iyo warinta qisooyinka oo ka
mid ahayd kuwa ugu muhiimsan ee uu wax
ku tarbiyeeyo.
Qur’aanka iyo Axaadiista nabiga ( صلى الله عليه وسلم
) waxaa lagu xusay qisooyin farabadan oo ka hadlaya dhacdooyin dunida soo
maray, xiriir weyna la leh nolosheenna adduun iyo aakhiro; si aynu uga
faa’iidaysano, uguna cibro qaadano.
Qisada iyo duullaan
miskaxeedka
Qisadu waa in looga sheekeeyo dhacdooyinka
iyo hawlaha hab suugaaneed oo ku dhammaanaya ujeeddo laga lahaa warinteeda,
waana nooc ka mida noocyada suugaanta oo dadka naftoodu jeceshahay, ayna u dheg
raariciyaan, una daneeyaan si aysan u danayn suugaanta kale.
Beryahaan dambe waxaa batay qisooyinka,
qaar badanna waxaa loo badalay bandhigyo iyo filimo lagu matalo qisadu sidii ay
u dhacday ama kan
allifay u mala awaalay. Waxaa lagu soo bandhigaa shineemooyinka, buugaagta,
jaraa’idka, idaacadaha iyo telefishinada.
Qisooyinka iyo filimyadu waxay xambaarsan
yihiin dadka qoray caqiidadooda, afkaartooda, dhaqankooda iyo
akhlaaqdooda, dawladuhuna waxay ku
dadaalaan inay dunida kale ku faafiyaan caqiidooyinkooda, afkaartooda iyo
dhaqankooda iyaga oo u maraya qisooyin la matalay ama la qoray; si ay dadka
qalbigooda iyo caqligooda ugu qafaashaan, ka dibna ay uga dhigtaan nacamlayaal
iyaga iska daba jooga oo u sacabiya, wax kasta oo ay sameeyaan ama u sheegaanna
la quruxsan yahay.
Waxaa kale oo bulshadeenu isu warisaa
qisooyin isugu jira sheeko-xariir iyo dhacdooyin aan badankoodu ubadka waxba u
tarayn ama dhaawacaya caqiidadooda, miskaxdooda, dhaqankooda iyo
tarbiyadoodaba. Waxaa iyana la isu wariyaa qisooyin been-abuur ah ama daciif ah
oo loo tiiriyo nabiga (عليه الصلاة والسلام ), asxaabtiisa iyo culumadii muslimiinta ee caanka ahayd.
Qisooyinkaas badankoodu waxay xambaarsan
yihiin caqiidooyin, cibaadooyin, afkaar iyo dhaqamo diinta khilaafsan, waxaana
bulshadu u haysataa diin sax ah oo sugan. Haddaba si looga badbaado sheekooyinka suntu ku dheehantahay
ee siyaabaha kala duwan gaaladu inoo ku soo dusinayso, kuwa been-abuurka ah ee
shaatiga diimeed loo galiyey iyo kuwa aynu bulshadeenna ka dhaxalnay ee wax u
dhimaya ubadka waxaa lagama maarmaan ah in aynu dadkeenna gaar ahaan ubadka u
soo bandhigno sheekooyin xiiso leh oo sugan, isla markaana ka anfacaya xagga
Alle ku xirnaanshaha, aqoonta, caqliga, dhaqanka iyo tarbiyada guudba, waxaana
la rajeynayaa in qisooyinkaan qayb ka qaataan buuxinta furintaas ina ku furan.
Ahmiyadda ay leeyihiin qisooyinka Qur’aanka iyo kuwa
Xadiiska:
Qisooyinka Qur’aanka iyo kuwa xadiisku
waxay ka midaysan yihiin meesha ay ka yimaadeen iyo ujeeddada laga leeyahay;
waayo labaduba waa waxyi xagga Alle ka yimid, ujeeddada loo soo dajiyeyna waa
in addoomadu ku waano-qaataan, kana faa’iidaystaan. Waxyaabaha ina tusinaya
ahmiyaddooda gaarka ahna waxaa ka mida:
1. Inay ugu wanaagsan yihiin qisooyinka. Ilaahay wuxuu yiri: (Waxaan
kaaga qisaynaynaa qisooyinka kuwiii ugu wanaagsanaa). Qisooyinka Nabiguna ( صلى الله عليه وسلم
) waa darajada ku xigta
kuwa Qur’aanka; maxaa yeelay iyaguna waa waxyi xagga Rabbi ka yimid.
2. Qisooyinka Qur’aanka iyo kuwa Xadiisku waa wada run, waana wada dhab,
waxayna ka sheekaynayaan waxyaabo dhacay oo aan siyaado iyo nusqaan midna ku
jirin. Ilaahay wuxuu yiri: (Annaga ayaa kaagaga qisaynayna warkooda (asxaab
alkahf) si dhab ah). Wuxuu kale oo yiri Alle: (kani isaga uun baa ah qisooyin
dhab ah). Qisaduna dhab ma noqon karto say u dhacday in loo wariyo mooyee.
Ilaahayna been waa ka hufan yahay, mana dhici karto inuu sheego qiso aan dhicin
ama u sheego si aysan u dhicin. Halka qisooyinka kale ay isugu jiraan wax dhab
ah oo dhacay iyo wax la mala-awaalay.
3. Tan kale Ilaahay qisada uu ka warramayo waa wax cilmi ku dhisan oo
aan mala-awaal ahayn, illeyn waa Alle cilmi badane. Wuxuu yiri Rabbigeen: (waan
u qisaynaynaa annaga oo xog ogaal ah, mana aannaan ahayn cid maqan).
4. Ilaahay wuxuu Nabiga ( صلى الله عليه وسلم ) ku amray inuu dadka
uga sheekeeyo qisooyinka uu og yahay; si ay ugu fakaraan xaaladaha ummadihii
hore, ugu daydaan hadday wanaagsan yihiin, ugana dheeraadaan falalkooda hadday
xumaayeen. Alle wuxuu yiri: (Qisooyinka uga qisee ; si ay u fakaraan). Wuxuu
kale oo yiri: (Qisooyinkooda (Ilma Nabi Yacquub) waxaa ugu sugan dadka caqliga
leh cibra qaadasho, mana ahayn sheeko la been abuuray).
5. Addoomadu markay ogaadaan qisooyinka Alle uga waramayo ee runta ah
waxay naftooda ku yeelanaysaa saamayn weyn, waxaana ku toosaya dhaqankooda iyo
akhlaaqdooda, waxayna ka qaadanayaan waansamid iyo cibra-qaadasho.
6. Qisooyinka Qur’aanka iyo kuwa Nabigu ( صلى الله عليه وسلم ) waa sahay quluubta
xaqa ku sugaysa. Ilaahay wuxuu yiri: (Waxaan kaaga qisaynaynaa wax kasta oo aan
laabtaada ku sugayno oo akhbaartii rususha ah).
Isu Ekaansha Samannada Iyo Qaruumaha
Nolosha dadku way isu eg-tahay xagga
toosnaanta iyo xagga qalloocaba. Dadka wanaagsan iyo kuwa xumina waa koobbi soo
noqnoqonaya; sidaa aawadeed Qur’aanka iyo Xadiisku waxay inooga sheekeeyaan
qisooyin aynu ka dhex arkayno nafteenna ama rag hareereheenna jooga ha
xumaadeen ama ha samaadeene. Waxaad mooddaa in laga warramayo hebelka madaxda ah ee caadilka ah ama hebelka xun ee
daalimka ah oo aynu samankaan wada nool nahay.
Mar kale waxay kula noqon in laga
sheekaynayo hebelka ganacsadaha ah ama beeraleyda ah ee wanaagsan, marna waxaa
kuu muuqanaya niman shirkad ah oo ballan Ilaahay ku galay inaysan masaakiinta
xaqeeda siin oo kuwa maanta jooga la moodo.
Ugu dambayn qisooyinku waa tusaale nool oo
qofka isu barbardhigaya naftiisa iyo bii’adiisa oo dhinac ah iyo uumankii hore
iyo xaaladohoodii oo dhinac ah. Ilaahayna wuxuu dadka ku amray inay dhulka ku
socdaan oo ay eegaan siday ku dambeeyeen kuwii iyaga ka horreeyay; si ay ugu
cibra-qaataan.
FG:RIWAAYAD KALE: waxaa looga jeedaa: si kale oo xadiiska looga wariyey
saxaabiga
Marka aad akhridid hordhacyadaan waxaad fikrad buuxda ka qaadanaysaa kitaabka seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday.
ReplyDeleteWalaal marka aad akhridid hordhacyadaan adoo mahadsan u soo gudbi qoraaga wixii talo ah oo kuu muuqda.
Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com
Wllo qisooyinkii aad sheegtay ee ahaa saddex iyo soddonku meeday?
DeleteWll meeday 33kii qiso
ReplyDeleteXageen ka heli karaa kitaabka 33 da qiso
ReplyDelete