Skip to main content

Posts

Showing posts from April, 2015

Qabri qaali ah iyo geeri ka qaalisan

Soomaaligu geerida lugihiisa kuma doonan jirin ee goortii ajalkiisu dhamaado ayuu iska dhiman jirey marka laga reebo dagaalo ay mar mar galaan. Tan kale geerida lacag kagama bixi jirin ee markii uu naf baxo dadka ugu dhow baa god u faar faari jirey oo si dhib yar ugu asturi jirey. Lacag iyo kharash midna kuma bixi jirin geerida iyo qabriga midna. Dhibta u weyn oo lagala kulmo waxay ahayd baadiyaha ay ku le'daan baa mararka qaarkood biyo la'aan noqon jirey. Kolkii Soomaalidu dibadaha u qaxday gaar ahaan xero-gaalo ayay la kulmeen godadkii ay bilaashka isugu xabaali jireen oo lacag noqday!. Aakhirkii way la qabsadeen oo qabriyadooda iyagaa hadda maalgashada. La dagista gaalada waxaan ka baranay qabri iib ah, waxaase kasii daray waddada dhul-gaalo loo maro oo na bartay geeri lacag lugu bixinayo oo curadyadaadii aad waayeysid adiga oo aan garanayn cid aad u raacatid, kaaga darane ay geeridaas kaaga baxday beeso aad u fara badan. Hayaanka xero-gaalo loo galayo oo naf iyo ma

Naa heblaay adaa darane carar!

Maanta ayuu magaalada aaday, wuxuuna ka soo helay qori kuwa darandooriga u dhaca ah (otomatic) oo ku cusub.  Isaga oo faraxsan buu galab gaabkii qorigii la yimid guriga. Qoyskii xaas iyo carruurba waa lugu soo heentay; si loo wada arko qorigan cusub ee cajaa'ibta leh. Reerkii wuxuu noqday mid qorigii dul taagan, mid hareer fadhiya iyo mid ku soo foorara. Isaga oo farxadda iyo rayraynta reerka la wadaaga ayuu qorigii oo la dul xoonsanyahay farafareeyey. Kolkaas baa qorigii tacshiirad (xabbado fara badan) ka dhacday, isagiina waa ku barkaday oo si uu yeelo ama xabbadda u joojiyo ayuu garan waayey. Waxaa u muuqatay reerkii oo rasaastaasi laysay, wuxuuna si gaara u soo xusuustay gacaladiisii (xaaskii), wuxuuna ku qayliyey: Naa heblaay adaa darane carar!. Mar haddii aanu xabbadaha joojin karin, reerkana khatartu wada haysato meeshii ugu darnayd buu xusuustay oo uu ku sasay, waana xaaskiisa oo meel weyn uga taaley. Argagaxa iyo lexajeclada xaaskiisa ka haysey waxay hilmaansiis