Skip to main content

Qabri qaali ah iyo geeri ka qaalisan

Soomaaligu geerida lugihiisa kuma doonan jirin ee goortii ajalkiisu dhamaado ayuu iska dhiman jirey marka laga reebo dagaalo ay mar mar galaan. Tan kale geerida lacag kagama bixi jirin ee markii uu naf baxo dadka ugu dhow baa god u faar faari jirey oo si dhib yar ugu asturi jirey. Lacag iyo kharash midna kuma bixi jirin geerida iyo qabriga midna. Dhibta u weyn oo lagala kulmo waxay ahayd baadiyaha ay ku le'daan baa mararka qaarkood biyo la'aan noqon jirey.

Kolkii Soomaalidu dibadaha u qaxday gaar ahaan xero-gaalo ayay la kulmeen godadkii ay bilaashka isugu xabaali jireen oo lacag noqday!. Aakhirkii way la qabsadeen oo qabriyadooda iyagaa hadda maalgashada.

La dagista gaalada waxaan ka baranay qabri iib ah, waxaase kasii daray waddada dhul-gaalo loo maro oo na bartay geeri lacag lugu bixinayo oo curadyadaadii aad waayeysid adiga oo aan garanayn cid aad u raacatid, kaaga darane ay geeridaas kaaga baxday beeso aad u fara badan.

Hayaanka xero-gaalo loo galayo oo naf iyo maalba loo hurayo oo aan labadaas midna wax kasoo noqonayn wuxuu tusaya jacaylka loo qabo aadista meeshaas, waxayna i xusuusisay xadiiskii nabigeena صلى الله عليه وسلم ee uu ku sheegay in camalka la sameeyo 10 bisha Dul-xijja uu ka fadli badanyahay jihaadka marka laga reebo nin naftiisa iyo maalkiisa la baxay oo aan midna wax ka soo laaban ( ولا الجهاد في سبيل الله إلا رجل خرج بنفسه وماله ولم يرجع من ذلك بشيء ).

Ninka nafta iyo maalka u hura koryeelida diinta Alle oo ay ikhlaas ka tahay janno ayuu ku helayaa laakiin nafta iyo maalka loo hurayo tagista xero-gaalo dambi iyo cadaab ayaa lugu mutaa, waxa kaa baxayana waa is le'egyihiin laakiin qasadka iyo hawsha nafta iyo maalku ku baxayaan baa kala qiime badan.

Intaa ka dib aan MIC ku wareejiyo:
1- Sheekh Maxamed Idriis iyo buuggii Socdaalka geerida: http://somalitalk.com/qiso/socdaal.pdf
2- Amiin Caamir iyo sawir-gacmeedkiisii safarka geerida ee uu ku muujiyey arrintaan.

Comments

Popular posts from this blog

Walaalnimo

1- waa in ummadda muslimka ah ka nabadgasho afkaaga iyo addinkaaga oo aadan midna ku waxyeelayn naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. 2- waa in aad ula dhaqantid sida naftaada adoo ka duulaya xadiiskii nabiga ee ahaa "qofkiin mu'min noqon maayo ilaa uu walaalki la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay" ogow walaalku waa walaalka diinta. 3- darajada seddexaad waxaa weeye inaad walaalka naftaada wax uga doortid oo aad u hurtid waxaad aad ugu baahantahay. Haddaba adiga oo xasiloon si dagan uga fakar ninka oranaya: diinta iyo ehelkeeda ayaan wax u tarayaa oo wax uu muslimiinta y tara iska daaye ay ka maan heli waayeen.

فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري

بسم الله الرحمن الرحيم فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري بعث بعض الطلاب الصوماليين في الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية سؤالا حول منهج حسان حسين العقدي إلى علماء الصومال، وفيما يلي نص السؤال: إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله وبعد: فإن الله سبحانه وتعالي قد قيض لهذا الدين في كل زمان عدولا ينفون عنه تحريف الغالين وانتحال المبطلين وتأويل الجاهلين، وأمر بالرجوع إليهم في أمور الدين حيث قال سبحانه (فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون)، فهم مصابيح الدجى وأئمة الهدى، إليهم يفزع بعد الله في أوقات الفتن، واشتباه الحق بالباطل، ونحن طلاب الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية  نكن محبة لا توصف واحتراماً تقتضيه الديانة لعلمائنا الأفذاذ في الصومال الذين أحيا الله بهم منهج السلف بعد موات، وهدى بسببهم جموعاً لا تعد ولا تحصى، ونسأل الله أن يجزيهم عنا وعن المسلمين في الصومال خير ما جزى عالماً عن أمته وداعياً

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday              Tusmada kitaabka   Mowduuca                                                Bogga 1. Tusmo ……….………………………………1 2. Ducada Furfurashada ……………………..4 3. Mahadnaq …………………………………..6 4. Gogoldhig ……...……………………………7 5. Hordhac ...……....…………………………..12 6. Nabi Ibraahiim, Xaaskiisa Iyo boqorkii faajirka ahaa ...............................................................17 7. Habar khayrka aad ugu hanweyn ..............26 8. Dhagaxii la cararay maradii Nabi Muuse.. 33 9. Qorraxda oo Ilaahay Nebi Yuushac u joojiyey ..38 10. Samirkii Nabi Ayyuub ..………......……......44 11. Labo dumara oo mid wiilkeedii Yey ka cunay …52 12. Nabi Suleymaan oo ilmo hal jeex   ah u dhashay 58 13. Shan waxyaabood oo Ilaahay Nabi Yaxye ku amray . ...64 14. Nabi ay qowmkiisii cajabgaliyeen! ..............76 15. Nabigii quraanyada gubay ………………..81 16. Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday!