Skip to main content

Naa heblaay adaa darane carar!

Maanta ayuu magaalada aaday, wuxuuna ka soo helay qori kuwa darandooriga u dhaca ah (otomatic) oo ku cusub. Isaga oo faraxsan buu galab gaabkii qorigii la yimid guriga. Qoyskii xaas iyo carruurba waa lugu soo heentay; si loo wada arko qorigan cusub ee cajaa'ibta leh.
Reerkii wuxuu noqday mid qorigii dul taagan, mid hareer fadhiya iyo mid ku soo foorara. Isaga oo farxadda iyo rayraynta reerka la wadaaga ayuu qorigii oo la dul xoonsanyahay farafareeyey.
Kolkaas baa qorigii tacshiirad (xabbado fara badan) ka dhacday, isagiina waa ku barkaday oo si uu yeelo ama xabbadda u joojiyo ayuu garan waayey. Waxaa u muuqatay reerkii oo rasaastaasi laysay, wuxuuna si gaara u soo xusuustay gacaladiisii (xaaskii), wuxuuna ku qayliyey: Naa heblaay adaa darane carar!.
Mar haddii aanu xabbadaha joojin karin, reerkana khatartu wada haysato meeshii ugu darnayd buu xusuustay oo uu ku sasay, waana xaaskiisa oo meel weyn uga taaley.
Argagaxa iyo lexajeclada xaaskiisa ka haysey waxay hilmaansiisay carruurtiisii iyo in aan xabbad qoriga caaraddiisa ka baxday laga carari karin, waase nin jacayl qaaday iyo xaalki.
Gabagabadii sheekadaan oo la garanayo goorta, goobta iyo cidda ay ka dhacdayba waxaan u wariyey in aan ku wacyigaliyo gabdhaheena Soomaaliyeed ee Gaalo iyo inta la halmaasha u sheegeen in aan ragga soomaaliyeed dumarkooda jeclayn, una roonayn; si aan diintooda iyo dadkooda loogu dirin iyada oo looga faa'iidaysanayo caadifadooda iyo dareenkooda jilicsan.
Halkaan ka akhri qormo kale oo muujinaysa sida ragga soomaaliyeed afooyinkooda u jecelyihiin, ayna iyaga ugu mashquulsanyihiin:
https://www.facebook.com/alwaqaar/posts/510328415689034

Comments

Popular posts from this blog

Walaalnimo

1- waa in ummadda muslimka ah ka nabadgasho afkaaga iyo addinkaaga oo aadan midna ku waxyeelayn naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. 2- waa in aad ula dhaqantid sida naftaada adoo ka duulaya xadiiskii nabiga ee ahaa "qofkiin mu'min noqon maayo ilaa uu walaalki la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay" ogow walaalku waa walaalka diinta. 3- darajada seddexaad waxaa weeye inaad walaalka naftaada wax uga doortid oo aad u hurtid waxaad aad ugu baahantahay. Haddaba adiga oo xasiloon si dagan uga fakar ninka oranaya: diinta iyo ehelkeeda ayaan wax u tarayaa oo wax uu muslimiinta y tara iska daaye ay ka maan heli waayeen.

فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري

بسم الله الرحمن الرحيم فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري بعث بعض الطلاب الصوماليين في الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية سؤالا حول منهج حسان حسين العقدي إلى علماء الصومال، وفيما يلي نص السؤال: إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله وبعد: فإن الله سبحانه وتعالي قد قيض لهذا الدين في كل زمان عدولا ينفون عنه تحريف الغالين وانتحال المبطلين وتأويل الجاهلين، وأمر بالرجوع إليهم في أمور الدين حيث قال سبحانه (فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون)، فهم مصابيح الدجى وأئمة الهدى، إليهم يفزع بعد الله في أوقات الفتن، واشتباه الحق بالباطل، ونحن طلاب الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية  نكن محبة لا توصف واحتراماً تقتضيه الديانة لعلمائنا الأفذاذ في الصومال الذين أحيا الله بهم منهج السلف بعد موات، وهدى بسببهم جموعاً لا تعد ولا تحصى، ونسأل الله أن يجزيهم عنا وعن المسلمين في الصومال خير ما جزى عالماً عن أمته وداعياً

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday              Tusmada kitaabka   Mowduuca                                                Bogga 1. Tusmo ……….………………………………1 2. Ducada Furfurashada ……………………..4 3. Mahadnaq …………………………………..6 4. Gogoldhig ……...……………………………7 5. Hordhac ...……....…………………………..12 6. Nabi Ibraahiim, Xaaskiisa Iyo boqorkii faajirka ahaa ...............................................................17 7. Habar khayrka aad ugu hanweyn ..............26 8. Dhagaxii la cararay maradii Nabi Muuse.. 33 9. Qorraxda oo Ilaahay Nebi Yuushac u joojiyey ..38 10. Samirkii Nabi Ayyuub ..………......……......44 11. Labo dumara oo mid wiilkeedii Yey ka cunay …52 12. Nabi Suleymaan oo ilmo hal jeex   ah u dhashay 58 13. Shan waxyaabood oo Ilaahay Nabi Yaxye ku amray . ...64 14. Nabi ay qowmkiisii cajabgaliyeen! ..............76 15. Nabigii quraanyada gubay ………………..81 16. Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday!