Skip to main content

Posts

Showing posts from September, 2015

Balaayo idinku dhacday, been bay noo sheegeen (Qeybta 3aad)

Salaan iyo nabdaadin ka dib gurigii uu u socday ayaa qol laga dajiyey. Isbarashadii qoyska iyo iswaraysigii ka dib waxaa u soo laabtay dumaradii darsika ahaa, waxaana la isbaray ninkii martida ahaa Waliba waxaa loo sheegay qof kasta iyo meesha ay qaraabo ama xidid ka yihiin. Alla aabbihiis baan aqaaney, aniga aabbahay baa magaaladaas askari ka ahaan jirey, anigu anoo inan ah ayaan macallimad ka soo ahaa magaaladaas,  aniga waa reer abtigay, waryaaya kaalaya abtigiin salaama, Alla waan maqli jirey in magaaladaas dad fiican dagaan. Wax yar ka diba salaaddii duhur baa la addimay, masaajidka oo aan ka fogayn ayaana raggii iyo dhaliyaradiiba u dareereen. Kolkii salaadda laga baxay ayaa Sheekhu dadkii wacdiyey, wuxuuna ka hadlay xaaraanimada dulmiga, dilka, boobka iyo qabyaalada, wuxuuna caddeeyey in muslimiintu walaalo wada yihiin, lagana doonayo inay is wada jeclaadaan. Arrintaas waxay ku noqotay yaab; waayo reer hebel in aysan culimo lahayn oo ay wada jirri yihiin ayuu maqli jire