Ilaahay wuxuu u abuuray jinniga iyo insiga inay isaga kaliya caabudaan. Si loo xaqiijiyo ujeeddadaasna Ilaahay wuxuu soo diray rusul, wuxuuna ku soo dajiyey kutub. Kutubta iyo rusushu waxay ku baaqayeen in Alle kaliya la caabudo, wixii lagu caabudi lahaa iyo sidii loo caabudi lahaa. Kolkaas dadkii waxay u qaybsameen kuwo aqbalay oo mu'miniin ah iyo kuwo diiday oo gaalo ah. Kuwa mu'miniinta ah waxay noqdeen xisbiga Ilaahay iyo awliyadiisa, kuwa gaalada ahna waxay noqdeen xisbiga shaydaanka iyo awliyadiisa. Labada xisbi waxaa u dhexeeya loolan joogto ah oo ka soo bilowday nabi Aadam iyo Ibliis, loolankaasna ma joogsanyo ilaa qiyaamaha laga gaarayo. Loolankaas waa wadaamaysi (qoloba mar adkaanayso) laakiin ciribta dambe waxaa iska leh dadka Ilaahay ka baqa, Alle-na mar walba wuxuu la jiraa dadka xaqa xambaarsan. Si kasta oo dadka baadilka wata u xoog badanyihiin xaqa ayaa ka adag; waayo guushu waa noocyo badantahay, guusha xujada iyo gartu mar walba waxay