Salaan iyo nabdaadin ka dib gurigii uu u socday ayaa qol laga dajiyey. Isbarashadii qoyska iyo iswaraysigii ka dib waxaa u soo laabtay dumaradii darsika ahaa, waxaana la isbaray ninkii martida ahaa Waliba waxaa loo sheegay qof kasta iyo meesha ay qaraabo ama xidid ka yihiin.
Alla aabbihiis baan aqaaney, aniga aabbahay baa magaaladaas askari ka ahaan jirey, anigu anoo inan ah ayaan macallimad ka soo ahaa magaaladaas, aniga waa reer abtigay, waryaaya kaalaya abtigiin salaama, Alla waan maqli jirey in magaaladaas dad fiican dagaan.
Wax yar ka diba salaaddii duhur baa la addimay, masaajidka oo aan ka fogayn ayaana raggii iyo dhaliyaradiiba u dareereen. Kolkii salaadda laga baxay ayaa Sheekhu dadkii wacdiyey, wuxuuna ka hadlay xaaraanimada dulmiga, dilka, boobka iyo qabyaalada, wuxuuna caddeeyey in muslimiintu walaalo wada yihiin, lagana doonayo inay is wada jeclaadaan.
Arrintaas waxay ku noqotay yaab; waayo reer hebel in aysan culimo lahayn oo ay wada jirri yihiin ayuu maqli jirey, tan kale nin ka digaya dilka iyo dhaca, isla markaasna oranaya muslimiinta oo dhan waa walaalo meeshaan kama aanu fileyn. Intii guriga loo sii socday ayuu weydiiyey: wadaadka ina wacdiyey waa qolama?. Mise waaba reer hebelkii bahalada looga dhigay!.
Gurigii markii lugu soo noqday ayaa waxaa isugu yimid dhalinyaradii xaafada oo iskoolada iyo jaamacadaha ka soo rawaxay oo dhamaantood salaan ugu yimid martiga cusub. Isaguna mid walba markuu boxo ayuu leeyahay qolamuu ahaa; waayo ninkaan cid kasta oo salaanta ama ixsaan u gasha inay tolkii yihiin baa ku soo dhacaysa ee marna is oran maayo waa muslinimo ama waa qaraabo kale.
Ninkii mar walba wuxuu la kulmayey wax ka duwan wixii uu filayey laga soo bilaabo markii uu gaariga ka soo raacay magaaladiisa ilaa maanta oo uu dhex joogo gurigii uu ku socday.
Waa socotaa ....
Comments
Post a Comment