Skip to main content

Sheekh wasiirkii dhimayaye anaga ha nagu darin!

Dhul Sheekhu magaalada ku lahaa ayaa wasiirku warqado foojari ah u samaystay, waana calaamadaystay. Sheekhii ergo ayuu ugu tagey, wuxuuna ka codsaday in la wadahadlo oo ninkii qaldan dadkiisuqabto. Wasiirku wuxuu ku jawaabay waan dhisanayaa, wadahadal iyo wax kaloo aan ka ogolahayna ma jiraan!.

Wasiirku Daydaynimo ayuu soo maray, mooryaan hubaysana wuu haystaa, waliba duqa magaaladana saaxiib ayuu la yahay. Saaxiibkiis ayuu warqado ka samaystay, dhulkiina dhisme ayuu ku bilaabay!. Sheekhii ciidan buu keensaday oo wixiiba wuu ka kala tuuray.

Dabadeed muddo ayaa la kala nastay, sanad ka dib ayuu wasiirkii meel walba oo mowduucu khuseeyey warqado ka soo dhamaystay. Waxaa hay'adihii oo dhan lagu wargaliyey in wasiirku dhulkiisa dhisto, ciddii soo agmartana xabsiga la dhigo.

Sheekhu maalin ka hor ayuu ogaaday halka wax marayaan, meelihii awal sheekhu isku halaynayey oo dhana waa la kala furfuray. Sheekhu wuxuu arkay inay arrintu taagantahay in la xiro iyo inuu dhulkiisa faraha ka qaado.

Sheekhu wuxuu ogaa inay jirto awood ka sarraysa tan maamulka iyo tan mooryaanta. Habeenimadii ayuu usoo toosay inuu Rabbigiis cabasho u gudbisto, una cawdo.

Subaxnimadii ayuu soo aaday xafiiskii d/hoose; si uu arrinta ugala hadlo. Markiiba waxaa albaabka uga horyimid madaxdii iyo shaqaalihii d/hoose oo Sheekhii ka baryaya in aanu wasiirka raacin!.

Waar waa maxay?. Markiiba waxaa lala gaaray in wasiirkii xalay 2dii dambe wadnaha lagaga soo booday 6dii subaxnimana uu go'ay!.

Gabagabadii dad badan bay u muuqataa awooddooda iyo tan ehelkoodu, waxayna hilmaamaan awoodda Allihii cirka iyo dhulka abuurtay ee iyagaba awooddaan siiyey, waxayna ku xadgudbaan addoomada Ilaahay iyaga oo aan ciqaab adduun ka baqayn, tan aakhirana aysan xisaabtaba ugu jirin laakiin waxay ku warhelaan wax aysan filanayeyn oo adduunka ku haleela, aakhirana waxaysan filanayn baa uga horreeya, haddaysan Alle u noqon intay noolyihiin.

Haddaba dadow dulmigu waa cirib xunyahaye iska ilaaliya, cidda aad is haysaana ha eeginina ee Allihii abuurtay eega. Ninkaan taa yeelina ha ogaado in aanay wax xijaab ah u dhaxayn Alle iyo habaarka qofka madluunka ah, wuxuuna oranayaa: waan kuu hiilinayaa waqti ka dibba ha noqotee.

Comments

Popular posts from this blog

Walaalnimo

1- waa in ummadda muslimka ah ka nabadgasho afkaaga iyo addinkaaga oo aadan midna ku waxyeelayn naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. 2- waa in aad ula dhaqantid sida naftaada adoo ka duulaya xadiiskii nabiga ee ahaa "qofkiin mu'min noqon maayo ilaa uu walaalki la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay" ogow walaalku waa walaalka diinta. 3- darajada seddexaad waxaa weeye inaad walaalka naftaada wax uga doortid oo aad u hurtid waxaad aad ugu baahantahay. Haddaba adiga oo xasiloon si dagan uga fakar ninka oranaya: diinta iyo ehelkeeda ayaan wax u tarayaa oo wax uu muslimiinta y tara iska daaye ay ka maan heli waayeen.

فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري

بسم الله الرحمن الرحيم فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري بعث بعض الطلاب الصوماليين في الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية سؤالا حول منهج حسان حسين العقدي إلى علماء الصومال، وفيما يلي نص السؤال: إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله وبعد: فإن الله سبحانه وتعالي قد قيض لهذا الدين في كل زمان عدولا ينفون عنه تحريف الغالين وانتحال المبطلين وتأويل الجاهلين، وأمر بالرجوع إليهم في أمور الدين حيث قال سبحانه (فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون)، فهم مصابيح الدجى وأئمة الهدى، إليهم يفزع بعد الله في أوقات الفتن، واشتباه الحق بالباطل، ونحن طلاب الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية  نكن محبة لا توصف واحتراماً تقتضيه الديانة لعلمائنا الأفذاذ في الصومال الذين أحيا الله بهم منهج السلف بعد موات، وهدى بسببهم جموعاً لا تعد ولا تحصى، ونسأل الله أن يجزيهم عنا وعن المسلمين في الصومال خير ما جزى عالماً عن أمته وداعياً

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday              Tusmada kitaabka   Mowduuca                                                Bogga 1. Tusmo ……….………………………………1 2. Ducada Furfurashada ……………………..4 3. Mahadnaq …………………………………..6 4. Gogoldhig ……...……………………………7 5. Hordhac ...……....…………………………..12 6. Nabi Ibraahiim, Xaaskiisa Iyo boqorkii faajirka ahaa ...............................................................17 7. Habar khayrka aad ugu hanweyn ..............26 8. Dhagaxii la cararay maradii Nabi Muuse.. 33 9. Qorraxda oo Ilaahay Nebi Yuushac u joojiyey ..38 10. Samirkii Nabi Ayyuub ..………......……......44 11. Labo dumara oo mid wiilkeedii Yey ka cunay …52 12. Nabi Suleymaan oo ilmo hal jeex   ah u dhashay 58 13. Shan waxyaabood oo Ilaahay Nabi Yaxye ku amray . ...64 14. Nabi ay qowmkiisii cajabgaliyeen! ..............76 15. Nabigii quraanyada gubay ………………..81 16. Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday!