Waa qabiilka aadan dadkiisa iyo dhaqankiisa aqoon, isla markaasna warbixin xun lagaa siiyey. Arrintaa waxaa caddaynaya sheekadaan:
Wuxuu igu yiri: reer hebel waa dad xun oo wax khayr leh luguma arko!.
Waxaan ku iri: hebel ma taqaan?.
Wuxuu yiri: waan aqaan oo waa nin fiican.
Ok, hebel ma taqaan?.
Haa waa aqaan, isna waa nin fiican.
Waxaan u tiriyey ilaa toddobo nin oo qabiilkaas u dhashay oo uu wada yaqaan, wuxuuna yiri kulligood waa rag wanaagsan!.
Waxaan ku iri: haddaba reer hebel ma xuma ee inta aadan aqoon ayaa xun; waayo raggii aad qabiilkaas ka taqaaney waad wada ammaantay. Taa macneheedu waxaa weeye inta aadan aqoon ayaa xun, magicii qabiilkana inta aadan aqoon ee kula xumayd ayaad siisay!.
Waxaa kale oo meesha ku jira in ragga noocaaga oo kale ah ay qabiilkaas ka yaqaanaan rag aan ahayn kuwa aad taqaanid oo iyaguna ay oranayaan inta aan naqaan mooyee inta kale ayaa xun. Haddii la isku daro nin walba inta uu qabiilkaas ka yaqaan maxaad filaysaa?.
Dhinac kale marka laga eego nin walba qabiilka inta uu qaraabada la yahay way wanaagsan yihiin oo in la taabto ma oggola, inta kalena way la xuntahay oo haddii wax la yeelo shaqadiis maaha.
Haddaba mushkiladu waa is-aqoon la'aanta iyo qaraabonimo la'aanta ee maaha in qabiilku xunyahay.
Taa waxaa marag ka ah "geeri aqoon bay kugu dishaa" , "geeri waxay ku fiican tahay geeljire iyo nin aan la garanayn" .
Gabagabadii si aynu u xallino qayb weyn oo mashaakilka soomaali haysta ka mid ah aynu labo tillaabo qaadno:
1) in aynu dadkeena si wanaagsan isu barno oo qolo kasta ay ogaato wanaagga qolada kale, ayna tirtiranto beentii loo kala sheegay.
2) in aynu xoogsaarno kala guursiga qabaa'ilka iyo deegaanada kala durugsan; si loo xoojiyo isbarashada iyo, xiriirka xididnimo iyo abtinimo.
2) in aynu xoogsaarno kala guursiga qabaa'ilka iyo deegaanada kala durugsan; si loo xoojiyo isbarashada iyo, xiriirka xididnimo iyo abtinimo.
Comments
Post a Comment