Skip to main content

Qabyaalada dadban




Maxay icraabantahay marka mareeg (website) Soomaaliyeed lugu qoro magaalada Boosaaso ee Puntland, magaalada Kismaayo ee Jubbaland, magaalada Baydhabo ee Koonfur/galbeed, magaalada Burco ee Somaliland iyo magaalada Baladweyne ee Hirshabeelle?.
Qof soomaaliyeed oo far-soomaaliga akhrin kara oo aan aqoon magaalooyinkaan iyo meesha ay ku yaalaan ma jiro ee yaa kale oo far-soomaaliga akhrin karaa oo loo sheegayaa meelaha magaalooyinkaas dhacaan?.
Tan kale haddaynu kaba soo qaadno in aan dadka soomaaliyeed qaybtood aqoon magaalooyinkaan iyo meelaha ay dalka kaga yaalaan ma idin la tahay ninka garan waayey Kismaayo inuu garan doono Jubbaland?.
Waxaa hubaal ah si maamuladaan loo baro dadka aan aqoon in loo baahnaa in lugu baro waa dhulka ay ku yaalaan magaalooyinka Baladweyne, Boosaaso, Kismaayo, Baydhabo iyo Burco ee lidku sax maaha.
Summadda xoolaha lugu dhigto caan bay ka tahay xoolaleyda dhexdooda; sidaa darteed neefkii summaddaas lugu dhigo waxaa la garanayaa in reer hebel leeyihiin. Ninka neefkaas baadigoobayana wuxuu ku haybaariyaa summadda ku taal ee ma dhici karto in neefku summadda calaamad u noqdo; waayo labada shay kan caansan baa summad ah oo wax lugu calaamadiyaa ee kan majhuulka ah ee aan la garanay summad loogama dhigo shay ka caansan oo la wada yaqaan.
Haddaba su'aashu waxay tahay maadaama aysan aqoonsi u kordhinayn waa maxay sababta dadka qaybtood magaalooyinkaan ugu lammaaniyaan maamulada ay ka tirsanyihiin?.
Gabagabadii anigu waan garan waayey tafsiir aan ahayn inay sababtu tahay qabyaalad dadban iyo isugu faanis dahsoon ee bal idinkuna ila eega.

Comments

Popular posts from this blog

Walaalnimo

1- waa in ummadda muslimka ah ka nabadgasho afkaaga iyo addinkaaga oo aadan midna ku waxyeelayn naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. 2- waa in aad ula dhaqantid sida naftaada adoo ka duulaya xadiiskii nabiga ee ahaa "qofkiin mu'min noqon maayo ilaa uu walaalki la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay" ogow walaalku waa walaalka diinta. 3- darajada seddexaad waxaa weeye inaad walaalka naftaada wax uga doortid oo aad u hurtid waxaad aad ugu baahantahay. Haddaba adiga oo xasiloon si dagan uga fakar ninka oranaya: diinta iyo ehelkeeda ayaan wax u tarayaa oo wax uu muslimiinta y tara iska daaye ay ka maan heli waayeen.

فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري

بسم الله الرحمن الرحيم فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري بعث بعض الطلاب الصوماليين في الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية سؤالا حول منهج حسان حسين العقدي إلى علماء الصومال، وفيما يلي نص السؤال: إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله وبعد: فإن الله سبحانه وتعالي قد قيض لهذا الدين في كل زمان عدولا ينفون عنه تحريف الغالين وانتحال المبطلين وتأويل الجاهلين، وأمر بالرجوع إليهم في أمور الدين حيث قال سبحانه (فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون)، فهم مصابيح الدجى وأئمة الهدى، إليهم يفزع بعد الله في أوقات الفتن، واشتباه الحق بالباطل، ونحن طلاب الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية  نكن محبة لا توصف واحتراماً تقتضيه الديانة لعلمائنا الأفذاذ في الصومال الذين أحيا الله بهم منهج السلف بعد موات، وهدى بسببهم جموعاً لا تعد ولا تحصى، ونسأل الله أن يجزيهم عنا وعن المسلمين في الصومال خير ما جزى عالماً عن أمته وداعياً

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday              Tusmada kitaabka   Mowduuca                                                Bogga 1. Tusmo ……….………………………………1 2. Ducada Furfurashada ……………………..4 3. Mahadnaq …………………………………..6 4. Gogoldhig ……...……………………………7 5. Hordhac ...……....…………………………..12 6. Nabi Ibraahiim, Xaaskiisa Iyo boqorkii faajirka ahaa ...............................................................17 7. Habar khayrka aad ugu hanweyn ..............26 8. Dhagaxii la cararay maradii Nabi Muuse.. 33 9. Qorraxda oo Ilaahay Nebi Yuushac u joojiyey ..38 10. Samirkii Nabi Ayyuub ..………......……......44 11. Labo dumara oo mid wiilkeedii Yey ka cunay …52 12. Nabi Suleymaan oo ilmo hal jeex   ah u dhashay 58 13. Shan waxyaabood oo Ilaahay Nabi Yaxye ku amray . ...64 14. Nabi ay qowmkiisii cajabgaliyeen! ..............76 15. Nabigii quraanyada gubay ………………..81 16. Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday!