Soomaaliyeey islaamnimada iyo Qur'aanka ku farxa, waxyaabaha dadku uruursanayaan iyagaa ka khayr badane
Intaasi waa macnaha aayad Qur'aan ah oo inoo sheegaysa nicmooyinka
Ilaahay inoo galay oo ah islaamnimada iyo barashada Qur'aanka inay ka
wanaagsan tahay dhamaan waxyaabaha ilma aadan uruursanayaan ee ah maal,
xaasas, carruur, jagooyin, shahaadooyin, aqoono, afkaaro, xirfado iwm.
Nicmada Alle ina siiyey weynankeeda waxaynu aad u fahmaynaa markaynu aragno dad kaa badan caqli iyo
aqoon aduunyo oo Ilaah ka dhigtay lo' ama dhagax ama xayawaano kale ama
mugdi ama iftiin ama dad ama jinni iwm oo har iyo habeen cibaado ula
jeensanaya wax aan ogayn cibaadadooda.
Sawiradaan hoose ka eeg dad Hinduus ah oo lo' u cibaadaysanaya, waadna
aragteen iyagoo faantada iyo kaadida lo'da isu dhigaya ama isku
dhayaya!.
Dadkaas qaar baa haysta PHD oo ah shahaadooyinka ugu sarreeya ee la qaato, isla markaasna aqoontooda iyo caqligoodu aysan ka leexin gaalnimada, kuna duwin xaqa.Halka xilligii Rasuulka ay dadka qaarkood ku soo islaameen markay arkeen SANAM-koodii oo dawaco dusha ka fuushay, kuna kaadiday.
Nin raggaas ka mid ah gabay ayuu ka tiriyey, waxaana ka mid ahaa:
Ma (waxaan caabudaa) Rabbi dawac madaxa kaga kaadshayo, dhab ahaan waxaa u dulloobay ciddii dawac dusha kaga kaadshay!.
Gabagabdii aynu ogaano dadka lo'da Ilaaha ka dhiganaya waxay la dagaallamayaan dadka Rabbigii abuurtay kaliya caabudaya; waayo arrintaas waxay khatar ku tahay caabudista lo'da, waana tan keentay in dowladda Hindiya la dirirto Dr. Zakir Naik.

Comments
Post a Comment