Toddobaadyadii la soo dhaafay dareenkeenu xagga Xamar cadde ayuu u sii jeeday iyo dadkeenii cadaawuhu ku gumaaday laakiin saaka dareenkeenu xaggaa iyo Somaliland buu u sii jeedaa oo waxaa wadnaha farta lagaga hayaa sida doorashadu ku dhammaanayso. Ilaahow sidii khayr ah oo diinta iyo ummadda dan u ah noogu dhammee.
Walwalka badan ee dadkeena meelay joogaanba haya maaha ninkee madaxweyne noqon doona ee waa doorashadu si nabad ah ma nagaga dhammaan doontaa?. Haddii doorashadu nabad inoogu dhammaato waxaan rajeynaynaa in aan wax dhib ah oo ka dambeeyaa dhicin.
Shaki ma leh in aynu u baahanahay inuu soo boxo madaxweyne wanaagsan oo diinta iyo ummadda waxtaraya ama ugu yaraan aan dhib u geysanayn laakiin waxaynu ka hadlaynaa in aanay inagu dhicin "wax badso wax beel bay leedahay" .
Ilaahow nabadgalyo noogu dhammee, inta tartamaysa kan noogu nafci badana noo soo saar.
Comments
Post a Comment