11. dowlada Puntland waxay soo
jeedisay in lala yimaado istraatijiyad lagaga hortago kooxdan iyadoo la
kaashanayo culumada iyo dowladda federaalka. Maxay noqonaysaa istartaajiyaddaas:
ma in jamaacada xoog lagu muquuniyaa sida Somaliland ay samaysay, mise waa xal
kale?
Jawaab: horta in baadilka ama
qaladka laga hortago waa waajib muslimiinta oo dhan saaran qof walba intii
awooddiisa ah gaar ahaan dowlada iyada oo la marayo maraatibtii inkirida
munkarka (xoog, carrab iyo qalbi). Mid kasta oo maraatibtaas ka mid ahna waa la
isticmaali karaa markii uu noqdo xalka ugu wanaagsan. Tan labaad culimada iyo
maamulada ka jira meelaha kala duwan iyagaa qiimeyn kara nooca ay yihiin dadka
fikradaan xambaarsan ee deegaankooda jooga iyo habka ugu habboon ee loo daweyn
karo.
Midda kale jamaacadan waxay soo
bandhigtay waxay aaminsanayd ama la saxnaa, fahamkeeda qaldana kuma ay tarjumin
fal-dambiyeedyo. Haddaba masuuliyada koowaad ee dowlada iyo culimada saaran waa
inay raggaas qanciyaan; si ay safka ummadda ugu soo noqdaan oo ay u noqdaan
xubno bulshada muslimka ah waxtar u leh, halka ay hadda isu dhigeen kuwo
ummadda liddi ku ah.
Shakhsi ahaan waxaa ila quman in aan
xoog lugu qaabilin arrintaan iyada oo la ogyahay in ragga ku baaqaya ay yihiin
odayaal hawlgab ah ama u dhow, dalkana ay joogaan kooxo iyaga ka fog caqiida
ahaan oo aan xoog loo isticmaalin. Afkaartuna waxay ku fiican tahay in qancin
lugu daweeyo ee jajuub kuma fiicna. Dhinaca kalena dad baa caadifo ahaan ula
safanaya marka awood loo isticmaalo iyagoon geysan fal-dambiyeedyo loo wada
jeedo.
Waan qabaa in wax guud oo heshiis
lugu yahay la isaga ogaado sida loola dhaqmayo afkaarta iyo dhaqamada kala
duwan ee diinta ka soo horjeeda ee dalka soo galaya ha ahaadeen kuwo magac diimeed
xambaarsan ama kuwo magacyo kale sitee, P/land-na way ku ammaanantahay
soojeedintaas. Haddii kale waxaa suurtagal ah in aynu maalinta dambe soo toosno
iyada oo guri kasta qaybsan yahay ama dadkeenu kooxo u kala safanyahay sida ka
dhacday Yaman, Suuriya iyo Ciraaq.
12. Ma laga yaabaa inay ajendayaal
kale wataan oo ka qoto-dheer midkan ay hadda soo bandhigeen?.
Jawaab : Sida ay sheegeen afartan
sano ayay ku qaadatay marxaladii dacwada qarsoodiga ahayd, marxalada dacwada
jahriga ahna Ilaahay baa og intay ku qaadan doonto. Rag falanqeeyey waxay
yiraahdeen marxaladii dacwada qarsoodiga ee rasuulka seddexda sano ku qaadatay
iyaga waxay ku qaadatay afartan sano; sidaa darteed marxaladii dacwada jahriga
ee rasuulkeena tobanka sano ku qaadatay waxay iyaga ku qaadan doontaa in ka
badan 130 sano!.
Haddii la raaco marxaladahaas,
dacwada jahriga ah ee ay hadda bilaabeen intay doonto ha ku qaadatee waxaa ku
xigi doona marxalad ay xoog isaga difaacaan ciddii dhib u geysata, ka dibna
inay iyagu dagaalka ku bilaabaan ciddii aan soo raacin.
Way dhici kartaa dhinaca taktiiga
inay wax intaas ka duwan soo kordhiyaan ama ay haddaba u qarsoontahay laakiin
anigu ma filayo inay qarsanayaan ahdaaf iyo ajandeyaal intaas ka duwan.
13. Kooxdan waxay u badan yihiin rag
da'doodu ka weyn tahay 50 sano, aragtidaada ma iyaga kaliya ayay ku kooban
tahay mise dhalinyaro ayaa jirta oo raacsan caqiiqadooda?
Jawaab: Qoraal aan akhriyey oo aan
isleeyahay dad xog-ogaal ahbaa qoray wuxuu sheegayaa in aysan jirin afartankaas
sano dacwo loo gudbinayey dad ka baxsan raggaas qoysaskooda. Taa macneheedu
waxaa weeye in aysan jirin cid ka baxsan iyaga iyo qoysaskooda oo fikradaan la qabta.
14. Sheekh sidee looga hortagi karaa
afkaarta takfiirka iyo afkaarta kale ee gurracan ee dadkeena lugu dhex faafinayo?
Jawaab: Waxaa looga hortagi karaa in
qof kasta oo muslim ah xil iska saaro barashada, ku dhaqanka, faafinta iyo
difaaca diinta, arrintaasna ay isu kaashadaan muslimiinta oo dhan: culimo,
madax iyo dadweynaba, qolo kastana furinta ku aaddan ay buuxiso.
Ka hortagga ugu weyn waa in si gaara
xoog loo saaro sidii dadkeena looga haqabtiri lahaa aqoonta diimeed; waayo meel
aan cilmi ool baa bidco iyo qallooc diimeed ka hirgalaa, waliba dadka ummadda
hormuudka u ah waa inay diinta aqoon u yeeshaan, sida: madaxda siyaasadeed,
madaxda dhaqanka, madaxda dhaqaalaha, madaxda aqoonta maaddiiga ah iwm; si ay diinta
ugu dhaqmaan, dadkoodana ugu hagaan, ayna u noqdaan dad hirgalinaya oo difaacaya
wax ay garanayaan.
Waxaa kale oo qeyb weyn ka qaadanaya
ka hortagga afkaarta qalloocan in qof kasta oo muslim ah naftiisa iyo inta
hoostimaada ku dhaqo diinta, isla markaasna nolosheena gaarka ah iyo teena
guudba lugu saleeyo shareecada islaamka, si wadajir ahna looga hortago wax
kasta oo diinta ka soo horjeeda oo ah caqiido, afkaar iyo dhaqan.
Ugu dambayn in dadkeena loo caddeeyo
xaqiiqada afkaartan iyo halka ay ku biyo-shubanayso, loogana digo; si aysan ugu
kadsoomin.
15. Maxaad ku talin lahayd, oo soo
jeedin lahayd?
Jawaab:
a)
Xubnaha
Jamaacadan waxaan u soojeedinayaa inay ugu horrayn iyagu ku dhaqamaan dhammaan
axkaamta diinta ee ay dadka kale ugu yeerayaan oo aysan diinta qaybna ku
dhaqmin, qaybna ka tagin. Waxaa yaab leh in rag waaweyn oo aqoonyahan ah dadka
muslimiinta ah ku eedeeyaan ama ku gaalaysiiyaan wax ay iyaguba sameynayaan.
Tan labaad inay garwaaqsadaan muddadii afartanka sano ahayd
ee ay aamusnaayeen oo isqarinayeen in culimadii iyo ducaaddii fikradooda diiday
ay bulshada soomaaliyeed diinta ku dhex faafiyeen cilmi ahaan iyo dhaqan ahaanba,
ayna maanta bulshada Soomaaliyeed gaarsiiyeen heer ay tusaale wanaagsan shucuubta
kale ugu noqdaan haysashada diinta iyo faafinteeda, halka fikradihii
takfiirinta muuqata iyo tan qarsoonba ay ka noqdeen ma dhalays dhinaca
waxqabadka, taasna ay keenayso in aysan dariiqaas mugdiga ah waqti dambe isaga
lumin ee ay culimada iyo ducaada kala qaybqaataan koryeelida diinta iyo
dhaqangalinteeda.
b)
Culimada
iyo ducaada waxaan ugu baaqayaa gaar ahaan kuwii la soo rafiiqay ragga
jamaacadan horseedka u ah inay waqti iyo dadaal galiyaan sidii raggaas loogu
qancin lahaa in ku dhaqanka diinta la isku raacsan yahay laakiin gaalaysiinta
muslimiinta ee ay ku dabreen ay khalad tahay, ayna ku dadaalaan sidii raggaas
loogu soo dari lahaa safka culimada iyo ducaada, ayna uga qayb qaadan lahaayeen
khidmada diinta iyo ummadda, maadaama ay yihiin rag xul ah oo leh aqoon,
khibrad iyo waji ay wax badan ku qaban karaan. Dhinaca kalena waxaan culimada u
soojeedinayaa inay labanlaabaan faafinta diinta iyo barista culuumta
shareecada; si dadkeenu u helaan tallaal aqooneed iyo mid wacyi oo ay kaga
badbaadaan afkaarta iyo dhaqamada qalloocan gaar ahaan kuwa magaca diinta
huwan.
c)
Madaxda
siyaasadeed waxaan xusuusinayaa xilka weyn ee Ilaahay horti ka saaran u
khidmaynta diinta iyo ummadda, waxaana u soo jeedinayaa inay hormuud ka noqdaan
faafinta diinta, ku dhaqankeeda iyo ilaalinteeda; waayo muslimiintu waxay
dowlada iyo maamulka u dhistaan in lugu waardiyeeyo diinta, adduunyadana loo
maamulo si waafaqsan diintaas. Si arrintaas loo xaqiijiyana waa in xoog la saaro
barashada diinta; si loo soo saaro culimo, ducaad, garsoorayaal iwm oo ummadda
ku filan.
d)
Dadweynaha
soomaaliyeed meel ay joogaanba waxaan ku boorrinayaa barashada diinta iyo in
qof walba uu ku dhaqmo inta uu awoodo, isla markaasna qof walba dacwada uu kaga
qaybqaato wixii uu awoodo oo ah caqli, cilmi, khibrad, xoog, xoolo iyo waji
(sumcad); waayo waa masuuliyad rabbi uu wada saaray intii Nabigeena rumaysay oo
raacday oo dhan.
Comments
Post a Comment