Dhurwaa aaminimo sheegtay
ayaa hal iyo nirigteedii la raaciyey. Dabcigiisii dhurwaanimada ayaa ka
adkaaday, kolkaas ayuu go'aansaday inuu hasha iyo nirigta ka cuno meelo
aan laga dareemi karin.
Hashii wuxuu ka goostay naasaha, nirigtiina wuxuu ka goostay faruuryaha. Dabadeed markii loo yimid baa la yiri nirigta hasha u soo daa. Kolkaas buu gartay inuu fashilan yahay. Qosol buu la dhacay , wuxuuna yiri : maxay ku nuugtaa illaa anaa nirigta bushimihii ka goostaye, maxayse hasha ka nuugtaa illaa anaa naasihii ka cunaye!.
Madaxda soomaalida badankeeda dhaqan bay u noqotay in xoolaha dowlada la xado ilaa ay gaartey heer aan la iskulaba yaabin. Sidaas oo ay tahay waxaa kale oo caado noqotay in lugu khudbeeyo musuqmaasuq ma ogoli iwm laakiin waxaa yaab noqotay inay xadaan mushaarkii Shaqaalaha oo ay noqdaan dhurwaagii hasha iyo nirigteeda la raaciyey oo faruuryaha iyo naasaha ka goostay.
Gabagabadii yaan xoolaha ummadda la xadin. Haddaan la daynayn wixii xadmi kara hala xado ee yaan sida dhurwaagii aaminka ahaa loo fadhalmin.

Comments
Post a Comment