Ha u malayn inaan ka hadlayo inan-gumeed iyo mid hooyadiis ka dhalatay qolo farta lugu fiiqo ee waxaan dirayaa farriin hooyooyinka oo dhan ku socota. Dabcan aabbayaashuna farriintaan way ka sii mudanyihiin hooyooyinka laakiin qisada maqaalka saldhigga u ah baa hooyo ku saabsan.
Gabar waalan oo muddo dheer xargo ku xirnayd baa u joogtay. Marka aan xarguhu ku xirnayna maaha qof garaad leh oo is maamulaysa. Waxay go'aansatay inay gabadheeda u guuriso oo ubad uga haro!.
Wixii loo dadaalo oo Alle lala kaashado wax badan baa ka hirgalee gabadhii gurigeeda ayay ugu guurisay oo ku aroosisay. Waa mahad Allee gabadhii uur bay leedahay, xargihiina waa laga furay.
Carruurta ay dhali doonto waxaa laga yaabaa inay dhinac walba uga fiicnaadaan carruurta ay dhaleen dumarka caafimaadka qaba illaa waa qayb Ilaahay'e.
Dhinaca kale waxaa jira hooyooyin dhalay gabdho caafimaad qaba oo qurux iyo qiime isku darsaday oo hooyooyinkood ku ag guumaysooba; waayo inay iyadu u guuriso iska daaye ciddii soo doonata ama ay keensato oo geeyaan ah ayay ka hor-istaagaysaa ilaa ay da'da quusta gaarto.
Aynu is weydiinee soo labadaas hooyo ma kala fiicna?. Hooyada ka fakaraysa inay gabadheeda u danayso iyo tan rabta inay ku danaysato?.
Aabbeyaashana qormo kale ayaynu ku eegi doonaa, idanka Alle ee soo duceeya.

Comments
Post a Comment