Skip to main content

Lagdankii carruurnimada iyo loolanka siyaasadda

Qormadaan muddo dheer ayaan ku taamayey Laakiin fursad uma helin maanta ka hor. Waxaa igu bixiyey qormadaan loolanka aan jidka iyo jihada midna lahayn ee siyaasiyiinta Soomaaliyeed qiime tiray, isla markaasna sii kala fogeeyey bulshadii awalba qaybsanayd.

Intaa waxaa sii dheer in dadkii xilka ummadda u hayey iyagu isku mashquulaan, ayna loolankaas darti u dayacaan hawlihii ay hayeen. Dhinaca kalena ay Isu isticmaalaan awooddii dowladda iyo xooleheedii, sumcaddii dalka iyo dadkana ay foolxumeeyaan. Waxaa Kaloo xusid mudan in si loo kala adkaado nin walba ama koox kasta ay gaashaanbuuraysato dowlado iyo ururro shisheeye, ayna dhici karto inay xoolihii ummadda ku laaluushaan ama uga tanaasulaan mabaadi' ama xuquuq ummaddu leedahay.

Haddaba waxaa is weydiin leh sababaha keenay in madaxda soomaaliyeed caadaystaan loolan iyo isqabqabsi joogto ah oo raggii isku kooxda iyo isku aragtida ahaa maalmo ka dib isku mashquulaan?.

Dhaqanka soomaalidu wuxuu ahaa in xilliga barwaaqada ee ay joogsadaan dhaaminta iyo aroorintu carruurta iyo dhallinyarada xoolaha raaca isu yimaadaan oo ay isugu baxaan lagdan, bootimaalaysi iyo tartan (orotan). Dadka waaweyn ee carruurtaas weheliya way hareera fariistaan oo daawadaan, waliba ilmaha way isku diraan iyaga oo dhahaya: lagdama, is gala, labadiina kee adag, sanka ka taabo, aabbahaa waranka gaalaad ka bixi, ma ka baqaysaa iwm. Haddii midkood gabbado midka kale ayaa lugu diraa oo sanka ayuu ka taabtaa ama si kale ayuu u daandaansadaa; si lagdanka loogu khasbo.

Lagdankaas iyo baratanada kale ee xilliga barwaaqada miyiga ku dhexmara carruurta iyo dhallinyarada dharagtay ee ciyaarta iyo madadaalada u baahan wax dhibaato ah oo ka badan ilmo mar jaba kama dhici jirin, wax shaqo ahna kuma dayacmi jirin, cid kalena dhibaato kama soo gaari jirin. 

Haddaba waxaa hubaal ah  in madaxda soomaalida dhammaantood ama badankoodu soo mareen dhaqankaas iyo noloshaas, ayna ku tababarteen lagdan iyo baratan lugu jimicsado oo aan wax dhibaato ah u geysan kuwa lagdamaya iyo dadka xiriirka la leh midna. Taas waxay keentay inay u xiisaan lagdankii iyo loolankii markay ladnaan dareemaan iyaga oo aan tixgalin sumcad xumida kasoo gaaraysa, dhibaatada ummaddooda soo gaaraysa iyo shisheeyaha ay gacanta usii galayaan. Waxaas oo dhan waxaa uga xiiso badan inuu guuleysto iyo inuu raggay is hayeen boorka uga tagey.

Waxaa kale oo loolankaan qayb ka qaadanaya waxa loo yaqaan Beesha caalamka oo iyagu siyaasiyiinteena ku dhiirrigaliya inay lagdamaan, kolkay is galaana daawada oo mid walba ku dhaha adigaa gar leh, waana kula jirnaa ee ninka iskaraw. Waa dhaqan shabbaha hareera fariisigii iyo isku juqayntii dadka waaweyn u samayn jireen carruurta lagdamaysa.

Dhinac kale labada nin ama labada kooxood ee lagdamaya waxaa la kala safta reeraha ay ka dhasheen ama gobolada ay kasoo jeedaan iyaga oo u arkaya haddii ninkii ka dhashay laga adkaado in iyaga oo dhan la lagdaday. Dadka waaweyn ee daawadayaasha ah ha ahaadeen shisheeyaha ama sokeeyaha labada kooxood la kala safane waa moogyihiin ama waa is moogaysiinayaan dhibaatada loolankaan u leeyahay dadka iyo dalka Soomaaliyeed iyo diintaba.

Gabagabadii wada aragnay dhibaatada uu inagu hayo hurdanka iyo lagdanka joogtada ah ee siyaasiyiinteena, waana ogaanay sababta ay sidaas u noqdeen ee aynu u wada fakarno sidaynu u kala saari lahayn dhaqan carruureedkii miyiga iyo hab-dhaqanka hoggaankeena siyaasadeed.

Comments

Popular posts from this blog

Walaalnimo

1- waa in ummadda muslimka ah ka nabadgasho afkaaga iyo addinkaaga oo aadan midna ku waxyeelayn naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. 2- waa in aad ula dhaqantid sida naftaada adoo ka duulaya xadiiskii nabiga ee ahaa "qofkiin mu'min noqon maayo ilaa uu walaalki la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay" ogow walaalku waa walaalka diinta. 3- darajada seddexaad waxaa weeye inaad walaalka naftaada wax uga doortid oo aad u hurtid waxaad aad ugu baahantahay. Haddaba adiga oo xasiloon si dagan uga fakar ninka oranaya: diinta iyo ehelkeeda ayaan wax u tarayaa oo wax uu muslimiinta y tara iska daaye ay ka maan heli waayeen.

فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري

بسم الله الرحمن الرحيم فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري بعث بعض الطلاب الصوماليين في الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية سؤالا حول منهج حسان حسين العقدي إلى علماء الصومال، وفيما يلي نص السؤال: إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله وبعد: فإن الله سبحانه وتعالي قد قيض لهذا الدين في كل زمان عدولا ينفون عنه تحريف الغالين وانتحال المبطلين وتأويل الجاهلين، وأمر بالرجوع إليهم في أمور الدين حيث قال سبحانه (فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون)، فهم مصابيح الدجى وأئمة الهدى، إليهم يفزع بعد الله في أوقات الفتن، واشتباه الحق بالباطل، ونحن طلاب الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية  نكن محبة لا توصف واحتراماً تقتضيه الديانة لعلمائنا الأفذاذ في الصومال الذين أحيا الله بهم منهج السلف بعد موات، وهدى بسببهم جموعاً لا تعد ولا تحصى، ونسأل الله أن يجزيهم عنا وعن المسلمين في الصومال خير ما جزى عالماً عن أمته وداعياً

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday              Tusmada kitaabka   Mowduuca                                                Bogga 1. Tusmo ……….………………………………1 2. Ducada Furfurashada ……………………..4 3. Mahadnaq …………………………………..6 4. Gogoldhig ……...……………………………7 5. Hordhac ...……....…………………………..12 6. Nabi Ibraahiim, Xaaskiisa Iyo boqorkii faajirka ahaa ...............................................................17 7. Habar khayrka aad ugu hanweyn ..............26 8. Dhagaxii la cararay maradii Nabi Muuse.. 33 9. Qorraxda oo Ilaahay Nebi Yuushac u joojiyey ..38 10. Samirkii Nabi Ayyuub ..………......……......44 11. Labo dumara oo mid wiilkeedii Yey ka cunay …52 12. Nabi Suleymaan oo ilmo hal jeex   ah u dhashay 58 13. Shan waxyaabood oo Ilaahay Nabi Yaxye ku amray . ...64 14. Nabi ay qowmkiisii cajabgaliyeen! ..............76 15. Nabigii quraanyada gubay ………………..81 16. Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday!