Skip to main content

Dadka go'doonsan!

Ma ciidamo cadaw ah baa isku hareereeyey?, mise biyo qulqulaya ayaa dhinac walba ka maray?, mise gubato ayaa jihooyinka oo dhan ka martay?, mise meel fog buu jiray oo gaadiid uu kusoo safro ayuu waayey?, mise waddadii uu soo mari lahaa baa go'an?, mise sahaydii baa ka go'day oo ma dhaqaaqi karo mise mise ...??

Intaas midna ma haleelin. Dadka go'doonada noocaan ah haleelaan si loogu gurmado ayaa la gartaa, waana la samatabixiyaa intay doonto ha qaadatee laakiin waxaa jira dad badan oo go'doonsan oo si loo samataxiyo ama loogu gurmadana ay adagtahay. Abooyoow waa kuwee?.

Jawaabta oo kooban waa kuwa xagga miskaxda ka go'doonsan oo laftoodu aan isku heer ka joogin go'doon miskexeedka. Waxaa ugu liita kuwa iyagu ka qaybqaadanaya siday go'doonka ugu sii jiri lahaayeen oo kolkii la doono in laga xoreeyo dadka miskaxda ka gumaystay laba soo safanaya ama ka soo hormaraya!!.

Si kale haddii loo yiraahdo waa dad doorbidaya in aysan miskaxdooda adeegsan ee ay ku socdaan miskaxda kay u qafaalanyihiin. Waxay u arkaan khalad wax kasta oo aan ka imaan ama soo marin kuwa ay raacsanyihiin. Waxa aad u sheegtid wuxuu ku qiimaynayaa siday u waafaqsanyihiin ama u dhinac marsanyihiin waxa sayidkiisu qabo.

Dadkaas qafaalan waxyaabo kala duwan baa loo adeegsaday gumaysi miskexeedka lagu hayo, waxaana ka mid ah diinta iyo magaca Eebbe oo ay jaahil ka yihiin, marinhabaabinta lagu samaynayana waxaa looga dhigayaa wax xagga Alle ka yimid oo u hoggaansankooda Ilaahay loogu dhawaanayo, ciddii khilaaftana ay Alle kaga fogaanayso.

Waa sii socdaa ....

Comments

Popular posts from this blog

Walaalnimo

1- waa in ummadda muslimka ah ka nabadgasho afkaaga iyo addinkaaga oo aadan midna ku waxyeelayn naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. 2- waa in aad ula dhaqantid sida naftaada adoo ka duulaya xadiiskii nabiga ee ahaa "qofkiin mu'min noqon maayo ilaa uu walaalki la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay" ogow walaalku waa walaalka diinta. 3- darajada seddexaad waxaa weeye inaad walaalka naftaada wax uga doortid oo aad u hurtid waxaad aad ugu baahantahay. Haddaba adiga oo xasiloon si dagan uga fakar ninka oranaya: diinta iyo ehelkeeda ayaan wax u tarayaa oo wax uu muslimiinta y tara iska daaye ay ka maan heli waayeen.

فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري

بسم الله الرحمن الرحيم فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري بعث بعض الطلاب الصوماليين في الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية سؤالا حول منهج حسان حسين العقدي إلى علماء الصومال، وفيما يلي نص السؤال: إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله وبعد: فإن الله سبحانه وتعالي قد قيض لهذا الدين في كل زمان عدولا ينفون عنه تحريف الغالين وانتحال المبطلين وتأويل الجاهلين، وأمر بالرجوع إليهم في أمور الدين حيث قال سبحانه (فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون)، فهم مصابيح الدجى وأئمة الهدى، إليهم يفزع بعد الله في أوقات الفتن، واشتباه الحق بالباطل، ونحن طلاب الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية  نكن محبة لا توصف واحتراماً تقتضيه الديانة لعلمائنا الأفذاذ في الصومال الذين أحيا الله بهم منهج السلف بعد موات، وهدى بسببهم جموعاً لا تعد ولا تحصى، ونسأل الله أن يجزيهم عنا وعن المسلمين في الصومال خير ما جزى عالماً عن أمته وداعياً

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday              Tusmada kitaabka   Mowduuca                                                Bogga 1. Tusmo ……….………………………………1 2. Ducada Furfurashada ……………………..4 3. Mahadnaq …………………………………..6 4. Gogoldhig ……...……………………………7 5. Hordhac ...……....…………………………..12 6. Nabi Ibraahiim, Xaaskiisa Iyo boqorkii faajirka ahaa ...............................................................17 7. Habar khayrka aad ugu hanweyn ..............26 8. Dhagaxii la cararay maradii Nabi Muuse.. 33 9. Qorraxda oo Ilaahay Nebi Yuushac u joojiyey ..38 10. Samirkii Nabi Ayyuub ..………......……......44 11. Labo dumara oo mid wiilkeedii Yey ka cunay …52 12. Nabi Suleymaan oo ilmo hal jeex   ah u dhashay 58 13. Shan waxyaabood oo Ilaahay Nabi Yaxye ku amray . ...64 14. Nabi ay qowmkiisii cajabgaliyeen! ..............76 15. Nabigii quraanyada gubay ………………..81 16. Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday!