Skip to main content

Booqashadii aan ku tagnay magaalada Dhahar

Waxaan subaxnimadii axadda ka ambabaxnay magaalada Garoowe annaga oo kusii jeedna magaalada Dahahar. Waxaa socdaalka igu weheliyey guddoomiye ku xigeenka Mu'assasada Alminhaaj Sh. Ciise Siciid Beerseexshe, madaxa xafiiska gobolada ee mu'assasada Alminhaaj Sh. Cismaan Maxamuud Xaaji Dirir iyo C/raxmaan Sh. C/qaadir Nuur Faarax oo ka tirsan xafiiska warbaahinta Mu'assasada Alminhaaj.

Aniga iyo C/raxmaan booqashadaani waxay noo lahayd xiiso gaar ah; waayo waxay ahayd markii ugu horaysay oo aan tagno magaalada Dhahar.

Waxaa si aad ah noo soo dhaweeyey culumada iyo ducaadda magaalada. Waxaan ahayn niman shaqo u socda laakiin magaaladu waxay naga dhigtay niman koolkoolin u socda. Koolkoolinta inteeda kale waa garaysan lahayn laakiin waxaa dheeraad nagu ahayd labo arrimood: in magaalo kale laga soo diro dad koolkoolintayada ka qaybqaata iyo in markii aan ambabaxaynay naloo raray joogag iyo alaabooyin kale oo aanan wali ogaan waxa ku jira. Waxaan is iri tolow gabdhahaa la dhibaadin jiraye raggiina ma lagu daray?!.

Si kastaba ha ahaatee waxaan kala kulnay magaalada Dhahar soo dhaweyn iyo maamuusid dheeraad ah. Waxaa kale oo naga farxiyey sida magaaladu dhinacyo badan uga abaabulantahay gaar ahaan gabdhaha oo leh mac-had ay ku bartaan culuumta diinta iyo farsamada gacanta oo aan booqanay iyaga oo hawshii ku dhexjira.

Halkaan ka eeg warbixintii booqashada iyo masawiradii laga soo qaaday: http://halgan.net/2014/01/wafdi-culimo-ah-oo-socdaal-dacwadeed-ku-kala-bixiyay-gobolka-sanaag-masawiro/

Comments

Popular posts from this blog

Walaalnimo

1- waa in ummadda muslimka ah ka nabadgasho afkaaga iyo addinkaaga oo aadan midna ku waxyeelayn naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. 2- waa in aad ula dhaqantid sida naftaada adoo ka duulaya xadiiskii nabiga ee ahaa "qofkiin mu'min noqon maayo ilaa uu walaalki la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay" ogow walaalku waa walaalka diinta. 3- darajada seddexaad waxaa weeye inaad walaalka naftaada wax uga doortid oo aad u hurtid waxaad aad ugu baahantahay. Haddaba adiga oo xasiloon si dagan uga fakar ninka oranaya: diinta iyo ehelkeeda ayaan wax u tarayaa oo wax uu muslimiinta y tara iska daaye ay ka maan heli waayeen.

فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري

بسم الله الرحمن الرحيم فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري بعث بعض الطلاب الصوماليين في الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية سؤالا حول منهج حسان حسين العقدي إلى علماء الصومال، وفيما يلي نص السؤال: إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله وبعد: فإن الله سبحانه وتعالي قد قيض لهذا الدين في كل زمان عدولا ينفون عنه تحريف الغالين وانتحال المبطلين وتأويل الجاهلين، وأمر بالرجوع إليهم في أمور الدين حيث قال سبحانه (فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون)، فهم مصابيح الدجى وأئمة الهدى، إليهم يفزع بعد الله في أوقات الفتن، واشتباه الحق بالباطل، ونحن طلاب الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية  نكن محبة لا توصف واحتراماً تقتضيه الديانة لعلمائنا الأفذاذ في الصومال الذين أحيا الله بهم منهج السلف بعد موات، وهدى بسببهم جموعاً لا تعد ولا تحصى، ونسأل الله أن يجزيهم عنا وعن المسلمين في الصومال خير ما جزى عالماً عن أمته وداعياً

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday              Tusmada kitaabka   Mowduuca                                                Bogga 1. Tusmo ……….………………………………1 2. Ducada Furfurashada ……………………..4 3. Mahadnaq …………………………………..6 4. Gogoldhig ……...……………………………7 5. Hordhac ...……....…………………………..12 6. Nabi Ibraahiim, Xaaskiisa Iyo boqorkii faajirka ahaa ...............................................................17 7. Habar khayrka aad ugu hanweyn ..............26 8. Dhagaxii la cararay maradii Nabi Muuse.. 33 9. Qorraxda oo Ilaahay Nebi Yuushac u joojiyey ..38 10. Samirkii Nabi Ayyuub ..………......……......44 11. Labo dumara oo mid wiilkeedii Yey ka cunay …52 12. Nabi Suleymaan oo ilmo hal jeex   ah u dhashay 58 13. Shan waxyaabood oo Ilaahay Nabi Yaxye ku amray . ...64 14. Nabi ay qowmkiisii cajabgaliyeen! ..............76 15. Nabigii quraanyada gubay ………………..81 16. Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday!