Nin dhallinyaro ah ayuu ahaa. Reer qaraabo ah ayuu la joogay. Kolkii uu shaqada yartaa helay bay dheheen naga guur. Markaas ayuu sariir yar soo gatay oo dhallinyaro iskaabulo ah la dagey.
Wuxuu ku shaqeynayey 2000 shilin oo biilkiisa ciriiri ku ah. Wuxuu garwaaqsaday in aanu xoolo iyo shaqo fiican midna haysan, meel kale iyo cid kale oo wax kasoo galayaana uma muuqan. Kolkaas ayuu goostay inuu isku tashado oo reer dhisto.
Wuxuu soo qaatay kartoon weyn, bil walba waxa yar ee biilka uga soo hara ayuu maacuun kusoo iibiyaa oo uu kartoonka ku ridaa ilaa uu buuxsamay.
Ka dib sariirtii ayuu mid kale foormiig iskula dhajiyey, qolna waa kiraystay, gabarna waa doonay, aroos taariikhda galayna waa dhigtay!.
Dhab ahaan haddii sida ninkaas saaxiibkay ah la isugu tashado, wixii tabartu dhaafi weydana lugu hawlgalo, raallina lugu wada noqdo qaybta Ilaahay, dadaalna la sameeyo dhallinyaradeena wiilal iyo gabdhaba guur bay heli lahaayeen laakiin ....
Gabagabadii xaalka saaxiibkay hadda ku sugan yahay ma ogtahay?. Reerkii waa bulaalay, dad iyo duunyana Alle waa siiyey. Waxaa kale oo Alle isugu daray diin, magac iyo maamuus.

Comments
Post a Comment