Skip to main content

Gabar iyo gabar la mood 2aad

Gabar iyo gabar la'aan ayaynu qormada ku summadnay laakiin waxaan jeclaystay inaan gabadhii fariidda ahayd ka reebo middaan aan ducaysnayn.

Hooyadeed markii la guursaday waa lugu farxay, kolkay uurka yeelatayna farxad kale ayay ahayd, kolkay dhashayna mashxaradda iyo raynraynta waa loogu roonaaday, intaysan caqlisana koolkoolinta iyo korintaba waa loogu roonaaday laakiin waxaa la kala tagey kolkii la caqlisaday oo gashaanti la noqday.

Tan aan ducaysnayn intay yaraydba jacaylka iyo kalsoonida loo hayey way soo yaraanaysey; maxaa yeelay markii maalin u korortaba waxaa soo muuqanayey kasoo darsiteeda.

Dhaga-adayg, af-buuris, santaag, is-dhifasho, dhibsi, yah iyo caku, cag-culays, jiitan, bocoolo-gurasho (muran iyo af-celis ay yaryarka kale ku samayso), ka fogaansho waalidka iyo qoyska, iyo u dhawaansho dhallinyarada shiikh-habaabisyada ah iyo dumarka liita, ku xirasho wiilasha dayacan, kasoo daahis guriga, warwareeg, waxbarasho diid, dhicitaan iyo darajo hoose, salaad xumo, xijaab dhigasho, af-xumo, xishood yari, sheeko-baraley, xan iyo warqaadis.

Qofkii shay ku barbaara waa ku cirraystaa, habar balona gabar balo ayay ahaan jirtey. Inantu dhaqankaas bay ku qaangaartay oo gashaanti ku noqotay. Weel walbana wixii ,u jira ayuu dhididaa, nin walbana wuxuu beertay buu goostaa.

Socdaalkaas dheer oo dhaqan-xumada iyo kasoo darista ah ayay ku khatintay inay xulato kii rag u liitay xag diineed, xag dhaqan iyo xag dadnimaba. Ha xulatee hadday xalalaysato maxay kaa dhimi lahayd. Way meher xaday oo hadana qarsatay ilaa iyadoo uur-buuran lugu warhelay!.

Naa yaa kaa dhalay iyo yaa ku qaba ahaa??!!. Hebelkii ina hebel ....

Iyada say u caqlisatayba lama jeclayn, lugumana faraxsanayn, guurkeeda waa laga naxay ee luguma farxin, loomana mashxaradin, loomana ducayn ee habaar iyo catow ayaa waalid iyo ehelba kasoo haray, kan qarsadayna luguma farxin, mana lasoo dhaweyn, uurkeeda iyo waxay dhashayna lama jeclaysan, loomana mashxaradin, iyada iyo qoyskeedana il-kalgacal iyo mid farxadeed midna luguma eegin.

Labadaas qof (gabadhii hore iyo tan maanta) miyaanay kala ahayn gabar iyo gabar la'aan. Ninka tii hore u dhalatay iyo ninka tan dambe ku abtirsatay soo ma kala ayaan badna?.

Gabagabadii gabdhuhu kala aabbe iyo hooyo fiican, wayna kala walaalo wanaagsan yihiin, iyaguna ma sinnee waa gabdho iyo gabdho la mood, iyaguna way kala niman iyo ubad wanaagsanaan doonaan ee Ilaahay isagaa awoodee intaba ha inoo wanaajiyo, gabar walbana ha doorato labadaas gabdhood midday la mid noqonayso.

Comments

Popular posts from this blog

Walaalnimo

1- waa in ummadda muslimka ah ka nabadgasho afkaaga iyo addinkaaga oo aadan midna ku waxyeelayn naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. 2- waa in aad ula dhaqantid sida naftaada adoo ka duulaya xadiiskii nabiga ee ahaa "qofkiin mu'min noqon maayo ilaa uu walaalki la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay" ogow walaalku waa walaalka diinta. 3- darajada seddexaad waxaa weeye inaad walaalka naftaada wax uga doortid oo aad u hurtid waxaad aad ugu baahantahay. Haddaba adiga oo xasiloon si dagan uga fakar ninka oranaya: diinta iyo ehelkeeda ayaan wax u tarayaa oo wax uu muslimiinta y tara iska daaye ay ka maan heli waayeen.

فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري

بسم الله الرحمن الرحيم فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري بعث بعض الطلاب الصوماليين في الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية سؤالا حول منهج حسان حسين العقدي إلى علماء الصومال، وفيما يلي نص السؤال: إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله وبعد: فإن الله سبحانه وتعالي قد قيض لهذا الدين في كل زمان عدولا ينفون عنه تحريف الغالين وانتحال المبطلين وتأويل الجاهلين، وأمر بالرجوع إليهم في أمور الدين حيث قال سبحانه (فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون)، فهم مصابيح الدجى وأئمة الهدى، إليهم يفزع بعد الله في أوقات الفتن، واشتباه الحق بالباطل، ونحن طلاب الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية  نكن محبة لا توصف واحتراماً تقتضيه الديانة لعلمائنا الأفذاذ في الصومال الذين أحيا الله بهم منهج السلف بعد موات، وهدى بسببهم جموعاً لا تعد ولا تحصى، ونسأل الله أن يجزيهم عنا وعن المسلمين في الصومال خير ما جزى عالماً عن أمته وداعياً

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday              Tusmada kitaabka   Mowduuca                                                Bogga 1. Tusmo ……….………………………………1 2. Ducada Furfurashada ……………………..4 3. Mahadnaq …………………………………..6 4. Gogoldhig ……...……………………………7 5. Hordhac ...……....…………………………..12 6. Nabi Ibraahiim, Xaaskiisa Iyo boqorkii faajirka ahaa ...............................................................17 7. Habar khayrka aad ugu hanweyn ..............26 8. Dhagaxii la cararay maradii Nabi Muuse.. 33 9. Qorraxda oo Ilaahay Nebi Yuushac u joojiyey ..38 10. Samirkii Nabi Ayyuub ..………......……......44 11. Labo dumara oo mid wiilkeedii Yey ka cunay …52 12. Nabi Suleymaan oo ilmo hal jeex   ah u dhashay 58 13. Shan waxyaabood oo Ilaahay Nabi Yaxye ku amray . ...64 14. Nabi ay qowmkiisii cajabgaliyeen! ..............76 15. Nabigii quraanyada gubay ………………..81 16. Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday!