Skip to main content

Dhallinyarada yaa guurka ku qaaliyeeyay?

Wiilasha iyo gabdhaha qolaba gaar bay u shirtay, waxaana la is weydiiyey yaa ka dambeeya qaaliyeynta guurka?.
Wiilashu way isku raaceen in ay guur u baahanyihiin, si ay u guursadaana ay u baahanyihiin guur sahlan oo aan qaali ahayn. Waxay kale oo isku waafaqeen inaysan lug ku lahayn qaaliyeynta guurka.
Gabdhuhuna way isku raaceen in guur loo baahanyahay iyo haddii la qaaliyeeyo in guurku yaraanayo. Waxay kale oo isku raaceen in aysan gabdhuhu ka dambayn qaaliyeynta guurka.
Haddaba su'aashu waxay tahay haddii wiilkii iyo gabadhii is guursan lahaa midkoodna aanu guurkii qaaliyeyn yaa kale oo ku qaaliyeeyay?.
Cidda dhallinyarada guurka ka hortaagan oo ku qaaliyaysey waa bulshada!; waayo:
1- gabadhii waxaa lugu oranayaa: bal eega midaan haariga ah!, maxaa haya oo ay dhulka isu dhigaysaa?. Ninkaan miskiinka ah xaggee ayuu gaynayaa?. Naa asaaggaa 10 kun baa lugu meheriyey, dahabna waa lugu hilay, aqal iyo aroos laga yaabayna waa loo dhigay, heblaayo arooskeeda hoteel ayaa la geeyay, hobolo ka heesa iyo koox ka tuntana waa la keenay ee adigu ma kuwaas ayaad ka liidataa?.
2- gabadha hooyadeed iyo dumarka ku xeerana inta gabadha loo sheegay oo kale ayaa loo sheegayaa, waliba waxaa loogu darayaa way yartahaye nin u qalma iyo aroos u qalma ha sugato. Haddii kale way idin ceebaynaysaa. War naagtaan la hadla.
3. Hooyada iyo dumarka kale ee qaraabada ahna intii loo sheegay iyo naa meel fariiso ayay isugu darayaan. Waliba gabdhaha inamaha ah meel aan laga marin ayay ka taabanayaan oo ah " waa haari, balaayaa haysa" . Waadna ogtihiin in xishood darti aysan afka ku ballaarin karin ninkaan waan rabaa oo nabigu yiri aamuskeeda ayaa ogolaansho ah. Ka warama haddii lugu dhoho way qooqday, soo ma dhici karto xishood iyo yaxyax darti inay guur oo dhan isaga dayso ama ugu yaraan ninkaan raalli ahow ku dhahdo?.
4. Inta gabadha lugu yiri kaliya looga hari mayee suuqa waxaa la galinayaa ma maqasheen heblaayo faqiirka ay raacday iyo waxa lugu meheriyey iyo waxa loo dhigay, akhas iwm?.
5- haddii ay is waafaqaan wiilka, gabadha iyo qoyskeedu waxaa caqabad kale noqonaya reerkii wiilku ka dhashay oo odayaasha xigtadiisa ah oo uu ugu tago inay gabadha la doonaan ayaa ka bilaabaya sooryo immisaad wadaa?. Hadday la yaraato wuxuu oranayaa waar waxaas la shirtagi maynee ama sooryo qiime leh keen ama cid kale doono.
Kolkii golaha la yimaado ee meher iyaga la yar la sheegana jawaabtiisu waa: waar meher macquul ah sheega. Haddii gabadha reerka dhalay meher qaali ah sheegtaan oo wiilka ama Sheekha gabadha meherinaya yareeya dhahana wiilka xigtadiisa ayaa la soo boodin Sheekh waan aqbalnaye ku meheri.
Guurkaan labo qof oo isu baahan ayaa loogu danaynayey, qolada wiilku ka dhashay iyo kuwa gabadha dhalayna waxay ka dhiganayaan wax la isugu faano reer hebel intaas ayay baxsheen iyo gabadhii reer hebel intaas ayaa laga baxshey.
Gabdho badan ayaa wiilka guursanaya ku dhaha walaalow waxay sheegtaan iska aqbal anaa kaa cafin doonee si guurku u hirgalo, loogana fakado mowqifka adag iyo meherka qaaliga ah ee gabadha reerkeedu dalbanayaan iyo dicaayada lugu furayo gabadha guurkeeda sahasha. Wiilal iyo gabdho kale oo shahwadoodu ka adkaatayna wayba isla dhuuntaan.
6. Waxaa jira rag xoogaa haysta oo inta badan qurbaha ka yimaada oo guurkiisa ka dhiga faysto, dabbaaldeg, faan iyo fisqi magac guur wata oo ummadda siyaabo badan u fasaadinaya. Dhinac fisqigii iyo xoolo mubadarnimadii ayaa ilbaxnimo iyo hodontinimo loo qaadanayaa, qaaliyeyntii guurkana sunne xun oo looga daydo ayuu noqonayaa.
Gobol dhaqankiisu yahay in guurka la sahlo ayaa nin gobol kale ah gabar ka soo doonay, isagii iyo raggii la socday waxay keeneen sooryo aad u farabadan. Odayaashii waxay kala bexeen intii dhaqankoodu ahaa, lacagtii faraha badnaydna way u celiyeen!. Kolkay sababta weydiiyeena waxay ugu jawaabeen annaga gabdhahayaga guur tiri maysaan; waayo gabar walba hadday dhahdo intii hebla laga baxshay ha la iga bixiyo soo gabdhaha badankoodu guur la'aan noqon mayaan sida hadda innaga ina haysata.
Waxaa la ogaaday dadka sidaas u guursaday in aysan guurkaas ku khayrin oo inta badan dhaqso u burburto ama ay dhibaato ku wada joogaan ama ubad la'aan ku dhacdo ama jirro ay ka bixi waayaan.
Sababaha ay sidaas la noqdaan waxaa ka mid ah: cuquubada fisqiga, in il ku dhacdo iyo in ay dadkii aan wax haysan niyadjabiyeen iwm.
Gabagabadii bulshada guud ahaan iyo waalidiinta oo hooyo ugu horayso waxaa la gudboon inay tixgaliyaan baahida ubadkooda gaar ahaan mida gabdhaha, ayna dareemaan baahida ummaddu u qabto taran; si ay usii jirto. Dhalinyaradana waxaa la gudboon inay dantooda ka fakaraan ee aanay dadka hadalkooda isu dhiibin.

Comments

Popular posts from this blog

Walaalnimo

1- waa in ummadda muslimka ah ka nabadgasho afkaaga iyo addinkaaga oo aadan midna ku waxyeelayn naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. 2- waa in aad ula dhaqantid sida naftaada adoo ka duulaya xadiiskii nabiga ee ahaa "qofkiin mu'min noqon maayo ilaa uu walaalki la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay" ogow walaalku waa walaalka diinta. 3- darajada seddexaad waxaa weeye inaad walaalka naftaada wax uga doortid oo aad u hurtid waxaad aad ugu baahantahay. Haddaba adiga oo xasiloon si dagan uga fakar ninka oranaya: diinta iyo ehelkeeda ayaan wax u tarayaa oo wax uu muslimiinta y tara iska daaye ay ka maan heli waayeen.

فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري

بسم الله الرحمن الرحيم فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري بعث بعض الطلاب الصوماليين في الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية سؤالا حول منهج حسان حسين العقدي إلى علماء الصومال، وفيما يلي نص السؤال: إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله وبعد: فإن الله سبحانه وتعالي قد قيض لهذا الدين في كل زمان عدولا ينفون عنه تحريف الغالين وانتحال المبطلين وتأويل الجاهلين، وأمر بالرجوع إليهم في أمور الدين حيث قال سبحانه (فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون)، فهم مصابيح الدجى وأئمة الهدى، إليهم يفزع بعد الله في أوقات الفتن، واشتباه الحق بالباطل، ونحن طلاب الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية  نكن محبة لا توصف واحتراماً تقتضيه الديانة لعلمائنا الأفذاذ في الصومال الذين أحيا الله بهم منهج السلف بعد موات، وهدى بسببهم جموعاً لا تعد ولا تحصى، ونسأل الله أن يجزيهم عنا وعن المسلمين في الصومال خير ما جزى عالماً عن أمته وداعياً

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday              Tusmada kitaabka   Mowduuca                                                Bogga 1. Tusmo ……….………………………………1 2. Ducada Furfurashada ……………………..4 3. Mahadnaq …………………………………..6 4. Gogoldhig ……...……………………………7 5. Hordhac ...……....…………………………..12 6. Nabi Ibraahiim, Xaaskiisa Iyo boqorkii faajirka ahaa ...............................................................17 7. Habar khayrka aad ugu hanweyn ..............26 8. Dhagaxii la cararay maradii Nabi Muuse.. 33 9. Qorraxda oo Ilaahay Nebi Yuushac u joojiyey ..38 10. Samirkii Nabi Ayyuub ..………......……......44 11. Labo dumara oo mid wiilkeedii Yey ka cunay …52 12. Nabi Suleymaan oo ilmo hal jeex   ah u dhashay 58 13. Shan waxyaabood oo Ilaahay Nabi Yaxye ku amray . ...64 14. Nabi ay qowmkiisii cajabgaliyeen! ..............76 15. Nabigii quraanyada gubay ………………..81 16. Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday!