Skip to main content

Dumarka guryaha dumiya!

Guryihii ayaa si joogto ah u dumaya, kaaga darane qoysaskii ugu qiimaha badnaa rag yo dumarba ayaa burburaya. Waxay noqotay arrin dadkii wareerisay oo tafsiir loo waayey. Ka dib guddi arrintaan soo baara oo ka salgaara ayaa loo xulay. Kulamo badan oo kala gaar gaar ah ayay la yeesheen raggii iyo dumarkii is furay.

Guddigii waxay ogaadeen inay jiraan koox dumar ah oo isku xiran oo u labbistay inay qoysaska kala furaan. Ka dib kooxdii ayay soo heleen, waxayna goosteen inay salgaaraan sababta dumarkaan ku bixisay kala dirka qoysaska. Dood iyo dabagal badan ka dib dumarkii waxay caddeeyeen inay iyagu sharkaan ka dabeeyeen, sababtuna ay tahay in aysan iyagu niman haysan, nin walbana uu oranayo gabar yar ha la ii soo raadiyo, annaguna waxaan go'aansanay inaan iyagana isa seejino. Guddigii dantu waxay ku kalliftay inay naagihii u dhaartaan haddaysan dhibaatada joojin, waxaana lugu yiri risiqa Ilaahay doonta, shar wax luguma helee, sidaas ayaana ololohoodii ku dhammaaday.

Ragow isbarbardhiga dumarkii shiray ee go'aansaday inay shuruud la'aan guursadaan iyo kuwaan shiray ee go'aansaday inay qoysaska dhisan dumiyaan.

Gabagabadii dumarka guryaha dhisan dumiya waxaa ka farabadan kuwa guryo dhismi lahaa hor-istaaga oo dicaayad iyo kala shakisiin ula taagan ee aynu ka foojignaano dhagartooda. Taa macneheedu maaha inaysan jirin rag shaqadaas ka qaybqaata.

Comments

Popular posts from this blog

Walaalnimo

1- waa in ummadda muslimka ah ka nabadgasho afkaaga iyo addinkaaga oo aadan midna ku waxyeelayn naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. 2- waa in aad ula dhaqantid sida naftaada adoo ka duulaya xadiiskii nabiga ee ahaa "qofkiin mu'min noqon maayo ilaa uu walaalki la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay" ogow walaalku waa walaalka diinta. 3- darajada seddexaad waxaa weeye inaad walaalka naftaada wax uga doortid oo aad u hurtid waxaad aad ugu baahantahay. Haddaba adiga oo xasiloon si dagan uga fakar ninka oranaya: diinta iyo ehelkeeda ayaan wax u tarayaa oo wax uu muslimiinta y tara iska daaye ay ka maan heli waayeen.

فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري

بسم الله الرحمن الرحيم فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري بعث بعض الطلاب الصوماليين في الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية سؤالا حول منهج حسان حسين العقدي إلى علماء الصومال، وفيما يلي نص السؤال: إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله وبعد: فإن الله سبحانه وتعالي قد قيض لهذا الدين في كل زمان عدولا ينفون عنه تحريف الغالين وانتحال المبطلين وتأويل الجاهلين، وأمر بالرجوع إليهم في أمور الدين حيث قال سبحانه (فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون)، فهم مصابيح الدجى وأئمة الهدى، إليهم يفزع بعد الله في أوقات الفتن، واشتباه الحق بالباطل، ونحن طلاب الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية  نكن محبة لا توصف واحتراماً تقتضيه الديانة لعلمائنا الأفذاذ في الصومال الذين أحيا الله بهم منهج السلف بعد موات، وهدى بسببهم جموعاً لا تعد ولا تحصى، ونسأل الله أن يجزيهم عنا وعن المسلمين في الصومال خير ما جزى عالماً عن أمته وداعياً

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday              Tusmada kitaabka   Mowduuca                                                Bogga 1. Tusmo ……….………………………………1 2. Ducada Furfurashada ……………………..4 3. Mahadnaq …………………………………..6 4. Gogoldhig ……...……………………………7 5. Hordhac ...……....…………………………..12 6. Nabi Ibraahiim, Xaaskiisa Iyo boqorkii faajirka ahaa ...............................................................17 7. Habar khayrka aad ugu hanweyn ..............26 8. Dhagaxii la cararay maradii Nabi Muuse.. 33 9. Qorraxda oo Ilaahay Nebi Yuushac u joojiyey ..38 10. Samirkii Nabi Ayyuub ..………......……......44 11. Labo dumara oo mid wiilkeedii Yey ka cunay …52 12. Nabi Suleymaan oo ilmo hal jeex   ah u dhashay 58 13. Shan waxyaabood oo Ilaahay Nabi Yaxye ku amray . ...64 14. Nabi ay qowmkiisii cajabgaliyeen! ..............76 15. Nabigii quraanyada gubay ………………..81 16. Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday!