Markii la doortay
madaxweyne shariif oo dadka qaarki ay GAAL ku sheegeen ayaa arrintaas la weydiiyey
C/laahi Yusuf oo isaga laftiisa horay loo gaalaysiiyey, wuxuuna ku jawaabay:
anigu gaal maahi ee kursigaa gaal ah. Wuxuu u jeedaa hadba ninkii kursigaas ku
fariista ayaa gaal noqonaya.
Muddo dheer baa dad aan
mudnayn horseed siyaasadeed u ahaayeen shacabka Soomaaliyeed, waxaana bulshadu
u hanqaltaagaysey maalinta aqoonyahan daacad u ah hoggaanka u qabandoono oo ay
haakah oran doonto.
Way dhacday in marxalado
kala Duwan aqoonyahan hoggaanka siyaasadeed ee dalka qabteen, sida: madaxweyne
C/qaasim iyo R/wasaare Galaydh, madaxweyne shariif iyo Koox Raysal wasaareyaal
ah oo wada aqoonyahan ah, ka dibna madaxweyne Xasan Sheekh iyo R/wasaareyaal
aqoonyahan ah. Intaasba waxaa weheliyey tiro badan oo aqoonyahan ah oo isugu
jirey xildhibaano, wasiiro iyo hawlwadeeno kale.
Hadday dadkaas taladii
iyo hoggaankii dadka iyo dalka qabteen waxaa caado u noqday inay sidii raggii
ka horreeyey isu qabqabsadaan oo ay loolanka dhexdooda ah kaga mashquulaan
xilkii iyo shaqadii ay ummadda u hayeen, ayna kala qaybshaan dadkay madaxda u
ahaayeen, iskana horkeenaan, isla markaasna laga sheegto badanka eedihii laga
sheegan jirey qabqablayaasha.
Haddaba su'aashu waxay
tahay aqoonyahanadii ikhyaarta wada ahaa intaysan xilkaan qaban ee in badan oo
ka mid ah wadaadada ahaayeen maxaa kala mid dhigay baarlamaankii iyo xukuumadii
Empaghati ee lugu magacaabi jirey qabqablayaal iyo dagaal oogayaal?.
Ma laga yaabaa in meesha
(madaxnimada) ay taal balaayo inaga qarsoon oo ninkii soo galaba dafaysa ama
marinhabaabinaysa?. Si kale haddii loo yiraahdo Malaga yaabaa inay rumowday
oraahdii madaxweyne C/laahi Yusuf ee ahayd: ANIGU GAAL MAAHI EE KURSIGAA GAAL
AH oo aan hadda ula jeedno dadku ma wada xuma ee ninkii kursiga ku fariista ayaa
xumaanaya. Haddii aan meesha balaayo qarsooni ku jirin maxay kale oo noqon
kartaa?, bal aynu qaybta labaad ku eegno ee la soco.
Waa socotaa ...
Comments
Post a Comment