Skip to main content

Gabar iyo gabar la'aan (Qeybta 1aad)

Gabar kasta reerkooda qiime ayay la leedahay, way ku kalsoon yihiin, wayna u hanweynyihiin xataa kuwa aan waxbarin, tarbiyad fiicana aan siin.

Laakiin gabdhuhu isku mid maaha ee waa mid is og inay qiime leedahay oo qaali tahay, sidii gabar qaali ahna u dhaqanta, midna suuqii lugu naadiyaba way yeelin, sarrif iyo sanuud wixii lugu baayacana waa la siisan karaa.

Gabadhaan waalidkeed iyo ehelkeeda waa xubin ka mid ah ee ka gaar maaha, sheekada kama qarsato ee way ku qarsataa, nafteeda iyo mustaqbalkeeda gaar ahaan guurka inay uga garasho dheeryihiin, ugana dadaal badan yihiin way u ogtahay, wayna uga dambaysaa ee ma feer orodo.

Waalidkeed iyo ehelkeeda ayay arrin walba ula noqotaa ee gabdhaha saaxiibada ah iyo dadka suuqa maraya sirteeda iyo taladeedu ma dhextaal; waayo waxay ogtahay in waalidkeed yahay cidda kusoo tacabtay, haddana danteeda har iyo habeen usoo jeedda, hadday dhib la kulantana kaligeed kusoo haraysa.

Gabadhaan gurigii markay dhalatay loogu mashxaraday ayaa laga galbiyey, guri u qalma iyo say geeyaan u ah ayaana loo galbiyey, labo qoys oo lammaanuhu ka kala dhasheen ayaana mashxarada iyo galbinta ka wada qaybgalay, duco iyo farxad ayayna guri uga wareegtay, gurina ugu wareegtay.

Uma aha inay gurigoodii iyo ehelkeedii ka tagtay ee waxay u wareegtay guri ka mid ah guryihii reerka oo iyadu ay aasaas u tahay halka kii ay ka timid hooyadeed aasaas u ahayd. Dhinac kale reerkii waxay usoo kordhisay ehel iyo qaraabo la is jecel yahay. Tan kale waalid iyo ehelba qalbigoodu gabadhoodii ayuu ku xiranyahay, iyaduna kamacay go'ine qalbigeedu wuu ku xiran yahay.

Reerku siday ugu farxeen dhalashada gabadhooda ayay ugu farxayaan marxalad kasta iyo xaalad walba oo ay marayso. Gabarnimadeedii iyo joogisteedii ilku qabawsi ayay ahayd, guurkeediina waa lugu farxay, kolkay uur yeelatayna waa farxad kale, kolkay dhsshayna kaba sii daran, booqashada ay reerka ugu timaado waa farxad, haddii iyada lasoo booqdana waa farxad, haddii carruurteeda la arkana waa farxad farxad dhaaftay, ninkeeda araggiisa iyo xiriirkiisuba waa farxad xataa ninkeeda qaraabadiisa waa farxad iyo soo dhaweyn.

Hadalhaynta, ammaanta iyo ducada gabadhaas xisaab ma leh, iyaduna ninkeeda, ubadkeeda iyo xididkeedba waxay deeqsiisaa qiimihii, kalsoonidii iyo farxaddii ay gurigooda kala timid.

Comments

Popular posts from this blog

Walaalnimo

1- waa in ummadda muslimka ah ka nabadgasho afkaaga iyo addinkaaga oo aadan midna ku waxyeelayn naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. 2- waa in aad ula dhaqantid sida naftaada adoo ka duulaya xadiiskii nabiga ee ahaa "qofkiin mu'min noqon maayo ilaa uu walaalki la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay" ogow walaalku waa walaalka diinta. 3- darajada seddexaad waxaa weeye inaad walaalka naftaada wax uga doortid oo aad u hurtid waxaad aad ugu baahantahay. Haddaba adiga oo xasiloon si dagan uga fakar ninka oranaya: diinta iyo ehelkeeda ayaan wax u tarayaa oo wax uu muslimiinta y tara iska daaye ay ka maan heli waayeen.

فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري

بسم الله الرحمن الرحيم فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري بعث بعض الطلاب الصوماليين في الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية سؤالا حول منهج حسان حسين العقدي إلى علماء الصومال، وفيما يلي نص السؤال: إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله وبعد: فإن الله سبحانه وتعالي قد قيض لهذا الدين في كل زمان عدولا ينفون عنه تحريف الغالين وانتحال المبطلين وتأويل الجاهلين، وأمر بالرجوع إليهم في أمور الدين حيث قال سبحانه (فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون)، فهم مصابيح الدجى وأئمة الهدى، إليهم يفزع بعد الله في أوقات الفتن، واشتباه الحق بالباطل، ونحن طلاب الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية  نكن محبة لا توصف واحتراماً تقتضيه الديانة لعلمائنا الأفذاذ في الصومال الذين أحيا الله بهم منهج السلف بعد موات، وهدى بسببهم جموعاً لا تعد ولا تحصى، ونسأل الله أن يجزيهم عنا وعن المسلمين في الصومال خير ما جزى عالماً عن أمته وداعياً

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday              Tusmada kitaabka   Mowduuca                                                Bogga 1. Tusmo ……….………………………………1 2. Ducada Furfurashada ……………………..4 3. Mahadnaq …………………………………..6 4. Gogoldhig ……...……………………………7 5. Hordhac ...……....…………………………..12 6. Nabi Ibraahiim, Xaaskiisa Iyo boqorkii faajirka ahaa ...............................................................17 7. Habar khayrka aad ugu hanweyn ..............26 8. Dhagaxii la cararay maradii Nabi Muuse.. 33 9. Qorraxda oo Ilaahay Nebi Yuushac u joojiyey ..38 10. Samirkii Nabi Ayyuub ..………......……......44 11. Labo dumara oo mid wiilkeedii Yey ka cunay …52 12. Nabi Suleymaan oo ilmo hal jeex   ah u dhashay 58 13. Shan waxyaabood oo Ilaahay Nabi Yaxye ku amray . ...64 14. Nabi ay qowmkiisii cajabgaliyeen! ..............76 15. Nabigii quraanyada gubay ………………..81 16. Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday!