Skip to main content

Xeeladii labadii nin ee reerka ku soo hoyday

Reer bay soo martiyeen iyaga oo labo nin ah. Wuxuu yiri: waryaa reerka ama neefka hilbihiisa ina ka wada sii ama labada neef caanohooda ina ka wada sii!.
Dhaqanku wuxuu ahaa in lagga iyo barida mid loo geeyo martida. Kolkii hilbihii loo keenay ayuu qori dab ah qaatay oo gogoshoodii iyo reerka dhexdoodii hadba dhinac ula socday.
Maxaa raadinaysaa?. Cad idinkana idinka yimid annagana aan na soo gaarin ayaan baadigoobayaa.
Ninkii inta halhaleel u noqday ayuu cadkii la soo orday oo u keenay.
Labadii halaad ee reerka u irmaanayd ayaa mid loo soo lisay. Kolkii gaawihii loo dhiibay buu saaxiibki ku yiri: Hoo, suu yiri mayee adigu dhan, suu yiri: aniga waa la ii soo lisayaaye hoo adigu dhan!. Kolkii uu toobkihii ka fuuqsaday ayuu miskiinkii la noqday oo hashii labaadna kii kale u soo lisay.
Halkaas ayay labadii tuug reerkii habeenkii cad iyo caanaba uga qadiyeen iyaga oo ka faa'iidaysanaya gobanimada, xishoodka iyo deeqsinimada qoyskaas Soomaaliyeed.
Asxaabtu bal ha faalleeyeen sheekadaan iyo xeelada la isticmaalay, dhaqanka nimankan, dhaqanka qoyska la martiyey iyo bal sidii aad yeeli lahayd haddii kuwaas oo kale lugugu imtixaano.

Comments

Popular posts from this blog

Walaalnimo

1- waa in ummadda muslimka ah ka nabadgasho afkaaga iyo addinkaaga oo aadan midna ku waxyeelayn naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. 2- waa in aad ula dhaqantid sida naftaada adoo ka duulaya xadiiskii nabiga ee ahaa "qofkiin mu'min noqon maayo ilaa uu walaalki la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay" ogow walaalku waa walaalka diinta. 3- darajada seddexaad waxaa weeye inaad walaalka naftaada wax uga doortid oo aad u hurtid waxaad aad ugu baahantahay. Haddaba adiga oo xasiloon si dagan uga fakar ninka oranaya: diinta iyo ehelkeeda ayaan wax u tarayaa oo wax uu muslimiinta y tara iska daaye ay ka maan heli waayeen.

فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري

بسم الله الرحمن الرحيم فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري بعث بعض الطلاب الصوماليين في الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية سؤالا حول منهج حسان حسين العقدي إلى علماء الصومال، وفيما يلي نص السؤال: إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله وبعد: فإن الله سبحانه وتعالي قد قيض لهذا الدين في كل زمان عدولا ينفون عنه تحريف الغالين وانتحال المبطلين وتأويل الجاهلين، وأمر بالرجوع إليهم في أمور الدين حيث قال سبحانه (فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون)، فهم مصابيح الدجى وأئمة الهدى، إليهم يفزع بعد الله في أوقات الفتن، واشتباه الحق بالباطل، ونحن طلاب الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية  نكن محبة لا توصف واحتراماً تقتضيه الديانة لعلمائنا الأفذاذ في الصومال الذين أحيا الله بهم منهج السلف بعد موات، وهدى بسببهم جموعاً لا تعد ولا تحصى، ونسأل الله أن يجزيهم عنا وعن المسلمين في الصومال خير ما جزى عالماً عن أمته وداعياً

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday              Tusmada kitaabka   Mowduuca                                                Bogga 1. Tusmo ……….………………………………1 2. Ducada Furfurashada ……………………..4 3. Mahadnaq …………………………………..6 4. Gogoldhig ……...……………………………7 5. Hordhac ...……....…………………………..12 6. Nabi Ibraahiim, Xaaskiisa Iyo boqorkii faajirka ahaa ...............................................................17 7. Habar khayrka aad ugu hanweyn ..............26 8. Dhagaxii la cararay maradii Nabi Muuse.. 33 9. Qorraxda oo Ilaahay Nebi Yuushac u joojiyey ..38 10. Samirkii Nabi Ayyuub ..………......……......44 11. Labo dumara oo mid wiilkeedii Yey ka cunay …52 12. Nabi Suleymaan oo ilmo hal jeex   ah u dhashay 58 13. Shan waxyaabood oo Ilaahay Nabi Yaxye ku amray . ...64 14. Nabi ay qowmkiisii cajabgaliyeen! ..............76 15. Nabigii quraanyada gubay ………………..81 16. Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday!