Skip to main content

Aniga iyo odayaashii ila yaabay!

Maqaaxi ku taal xaafada Caziiziya Januubiya ee magaalada Makka ayaan shaah ka cabnay aniga iyo Eng. Axmed C/qaadir. Waxaa nala soo fariistay labo oday oo da' ah, diin iyo wanaagna ka muuqdo. Markiiba is barasho iyo iswaraysi degdeg ah baa na dhexmaray.

Anagu Soomaali baan nahay. Dadkayagu waa wada muslimiin. Diin kale iyo firqo aan Ehlu-sunna ahayn kama jirto, Alxamdu lillaah.

Waa maxay kuwaan dadka laaya ee Shabaab?. Waxaan ku jawaabnay gaalo maaha ee waa muslin qalloocan!.

Oo maad la hadashaan oo ummadda ka celisaan?. Waa lala hadlay oo la wacdiyey oo la baryay oo waxaad rabtaan sheegta la yiri, garowshiiyana lagama helin!.

Haddii dadkiinu wada muslin yahay mushkiladaan waqtiga dheer socotay maad xal u raadisaan?. Soo culumo iyo waxgarad ma lihidin?. Waa hadal gar ah oo meel loo dhaafo aan lahayn. Dadaalo badan baa la sameeyey, walina waa socdaan baan dhaafi waayey.

Ka dib kaligay baa isweydiiyey mala hubaa in culumada iyo samajeclaha soomaaliyeed awooddooda isugu geeyeen sidii dhibaatada dalka iyo dadka haysata xal looga gaari lahaa?, mise dhaqdhaqaaqa dowladaha dibada iyo siyaasiyiinta ayaa loo talasaartay?, mise nin walba intuu kaligi isqiimeeyey ayuu ku qancay in aanu arrintaan wax ka qaban karin, ka dibna meel iska fariistay?. Su’aashaan iyo su’aalo kale oo farabadan ayaa mudan in la isweydiiyo, ka dibna jawaabo munaasib ah loo raadiyo; si xal waara looga gaaro dhibaatadan waartay.

Comments

Popular posts from this blog

Walaalnimo

1- waa in ummadda muslimka ah ka nabadgasho afkaaga iyo addinkaaga oo aadan midna ku waxyeelayn naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. 2- waa in aad ula dhaqantid sida naftaada adoo ka duulaya xadiiskii nabiga ee ahaa "qofkiin mu'min noqon maayo ilaa uu walaalki la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay" ogow walaalku waa walaalka diinta. 3- darajada seddexaad waxaa weeye inaad walaalka naftaada wax uga doortid oo aad u hurtid waxaad aad ugu baahantahay. Haddaba adiga oo xasiloon si dagan uga fakar ninka oranaya: diinta iyo ehelkeeda ayaan wax u tarayaa oo wax uu muslimiinta y tara iska daaye ay ka maan heli waayeen.

فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري

بسم الله الرحمن الرحيم فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري بعث بعض الطلاب الصوماليين في الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية سؤالا حول منهج حسان حسين العقدي إلى علماء الصومال، وفيما يلي نص السؤال: إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله وبعد: فإن الله سبحانه وتعالي قد قيض لهذا الدين في كل زمان عدولا ينفون عنه تحريف الغالين وانتحال المبطلين وتأويل الجاهلين، وأمر بالرجوع إليهم في أمور الدين حيث قال سبحانه (فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون)، فهم مصابيح الدجى وأئمة الهدى، إليهم يفزع بعد الله في أوقات الفتن، واشتباه الحق بالباطل، ونحن طلاب الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية  نكن محبة لا توصف واحتراماً تقتضيه الديانة لعلمائنا الأفذاذ في الصومال الذين أحيا الله بهم منهج السلف بعد موات، وهدى بسببهم جموعاً لا تعد ولا تحصى، ونسأل الله أن يجزيهم عنا وعن المسلمين في الصومال خير ما جزى عالماً عن أمته وداعياً

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday              Tusmada kitaabka   Mowduuca                                                Bogga 1. Tusmo ……….………………………………1 2. Ducada Furfurashada ……………………..4 3. Mahadnaq …………………………………..6 4. Gogoldhig ……...……………………………7 5. Hordhac ...……....…………………………..12 6. Nabi Ibraahiim, Xaaskiisa Iyo boqorkii faajirka ahaa ...............................................................17 7. Habar khayrka aad ugu hanweyn ..............26 8. Dhagaxii la cararay maradii Nabi Muuse.. 33 9. Qorraxda oo Ilaahay Nebi Yuushac u joojiyey ..38 10. Samirkii Nabi Ayyuub ..………......……......44 11. Labo dumara oo mid wiilkeedii Yey ka cunay …52 12. Nabi Suleymaan oo ilmo hal jeex   ah u dhashay 58 13. Shan waxyaabood oo Ilaahay Nabi Yaxye ku amray . ...64 14. Nabi ay qowmkiisii cajabgaliyeen! ..............76 15. Nabigii quraanyada gubay ………………..81 16. Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday!