Skip to main content

Tolow qofkan dhineceen raacinaa?

Diyaarada ayaa la fuulayey. Inankii rarayey wuxuu yiri: raggu xaggan ha safteen, dumarkuna dhinaca kale. Waxaa soo haray qof xiran surweel jiinis ah, shaati gacma-gaab ah, caato ah, timuhuna u jaranyihiin laakiin ay ka muuqato calaamad ka mida calaamada dumarka!.

Kolkii dadkii kala bexeen buu yiri: waar qofkan muxuu ahaa?, waar tolow dhineceen raacinaa?. Hadalkiisa iyo fara-taagtaagiisa ayaa keenay in dadkuba qofkii wada eegaan!!.

Yaab bay ahayd in gabar Soomaaliyeed laga helo calaamado badan oo kuwii ragga ah iyo hal calaamad oo tii dumarka ah. Waxaa kale oo yaab ah in aan inanta si munaasib ah loogu sheegin in aanay sidaan ku habboonayn (ugu yaraan munaasabadaas). Waxaa yaab kale ah faduusha inanka diyaarada rarayey oo inantii faduuliyey isaga oo aan u faa'iidayn, iyadiina laga yaabo inuu dadkeedii iyo dalkeedii kusii diray.

Inantu gabarnimada waxbay ku tari lahayd ee waxaa isweydiin leh hadday gabarnimadii ka baydhay tolow miyay wiilnimo wax inoogu taraysaa?.

Gabagabadii inantani dibada ayay ka timid, dabcan dad aan diin iyo dhaqan ina la wadaagin bay ugu yaraan dhaqankii la wadaagtay. Xaaladaas oo kale waxaa munaasib ah in aynu ka faa'iidaysano xiriirka ay ina la leedahay oo ah mid dhalasho iyo mid diimeed; si ay ugu dambaynta inoogu raacdo dhaqanka. Tan kale usluubka hadalka iyo fahamka thaqaafada qofka wax loo sheegayo saamayn bay ku leedahay aqbalida naseexada. Waxaa iyana muhiim ah in aan qofka weerar iyo jeesjees lagu bilaabin ee is barasho iyo sheeko soo dhaweyn ah ka dibna loo dhaadhoco mowduuca hanuuninta iyo naseexada. Waliba haddii qof dhaqankaas iyo luqadaas garanaya uu goobta joogo waxaa quman in isaga loo daayo inuu qanciyo.

Comments

Popular posts from this blog

Walaalnimo

1- waa in ummadda muslimka ah ka nabadgasho afkaaga iyo addinkaaga oo aadan midna ku waxyeelayn naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. 2- waa in aad ula dhaqantid sida naftaada adoo ka duulaya xadiiskii nabiga ee ahaa "qofkiin mu'min noqon maayo ilaa uu walaalki la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay" ogow walaalku waa walaalka diinta. 3- darajada seddexaad waxaa weeye inaad walaalka naftaada wax uga doortid oo aad u hurtid waxaad aad ugu baahantahay. Haddaba adiga oo xasiloon si dagan uga fakar ninka oranaya: diinta iyo ehelkeeda ayaan wax u tarayaa oo wax uu muslimiinta y tara iska daaye ay ka maan heli waayeen.

فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري

بسم الله الرحمن الرحيم فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري بعث بعض الطلاب الصوماليين في الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية سؤالا حول منهج حسان حسين العقدي إلى علماء الصومال، وفيما يلي نص السؤال: إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله وبعد: فإن الله سبحانه وتعالي قد قيض لهذا الدين في كل زمان عدولا ينفون عنه تحريف الغالين وانتحال المبطلين وتأويل الجاهلين، وأمر بالرجوع إليهم في أمور الدين حيث قال سبحانه (فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون)، فهم مصابيح الدجى وأئمة الهدى، إليهم يفزع بعد الله في أوقات الفتن، واشتباه الحق بالباطل، ونحن طلاب الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية  نكن محبة لا توصف واحتراماً تقتضيه الديانة لعلمائنا الأفذاذ في الصومال الذين أحيا الله بهم منهج السلف بعد موات، وهدى بسببهم جموعاً لا تعد ولا تحصى، ونسأل الله أن يجزيهم عنا وعن المسلمين في الصومال خير ما جزى عالماً عن أمته وداعياً

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday              Tusmada kitaabka   Mowduuca                                                Bogga 1. Tusmo ……….………………………………1 2. Ducada Furfurashada ……………………..4 3. Mahadnaq …………………………………..6 4. Gogoldhig ……...……………………………7 5. Hordhac ...……....…………………………..12 6. Nabi Ibraahiim, Xaaskiisa Iyo boqorkii faajirka ahaa ...............................................................17 7. Habar khayrka aad ugu hanweyn ..............26 8. Dhagaxii la cararay maradii Nabi Muuse.. 33 9. Qorraxda oo Ilaahay Nebi Yuushac u joojiyey ..38 10. Samirkii Nabi Ayyuub ..………......……......44 11. Labo dumara oo mid wiilkeedii Yey ka cunay …52 12. Nabi Suleymaan oo ilmo hal jeex   ah u dhashay 58 13. Shan waxyaabood oo Ilaahay Nabi Yaxye ku amray . ...64 14. Nabi ay qowmkiisii cajabgaliyeen! ..............76 15. Nabigii quraanyada gubay ………………..81 16. Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday!