Skip to main content

Nin walaalki cadow u maleeyey oo diley!

Goobaha colaaddu ka taagantahay nin walba digtooni ayuu ku joogaa gaar ahaan habeenkii iyo xilliyada la isu soo dhuuman karo; sidaa darteed waardiye ayaa la iska qabtaa laakiin ragga cabsanaya hadday tiro yar yihiin ama ay joogaan meel aan cadowgu ku ogayn iyaga oo digtooni qaba ayay waardiye la'aan seexdaan. Kolkaas waxaa dhacda in nin ragga ka mid ah kaadi u koco iyada oo ragga kale hurdaan. Mararka qaarkood waxaa dhacda marka ninkaasi dib usoo laabto in raggii klale nin ka mid ah uu ku tooso sharqantiisa oo uu u qaato cadow dalaq usoo yiri, ka dibna uu xabbadda kala hormaro oo meesha ku dilo!.

Arrinta noocaan oo kale ah aad bay u naxdin iyo xanuun badantahay. Ninka falkaas sameeyey, ciidanka la socda iyo dadkay ka dhasheena uur-kutaallo ayay ku noqotaa; waayo wuxuu gacantiisa isaga dilay walaalkiis oo u ahaa garab iyo gaashaan oo arrintu waa kaa dhimay oo kugu dhimay. Wuxuu waayayaa hiilkii iyo waxqabadkii uu ku qabey, dhinac kalena waxaa kusoo fakanaya culayskii uu kaga aadanaa oo ubad iyo maatiba lahaa.

Si kastaba ha ahaatee ninkaas waxaa hoday ismoodsiis aan xaqiiqo ahayn oo walaalki uu ugu muuqday cadow isaga dilaya, isaga oo ismoodsiiskaas ka ambaqaadayana uu go'aansaday inuu walaalki dilo isaga oo is leh cadow ku dili lahaa ayaad dishay. Sida aan sheegnayna naxdin, murugo iyo gocosho xanuun badan buu ninkaasi ku abaadaa, mana dhacdo inuu shilkaas u fahmo guul usoo hoyatay ama amaan iyo wax lagu faano.

Gabagabadii akhristow ninka gafkaas ka dhacay waxuun garowshiiyo ah ayuu leeyahay maadaama uu walaalki cadow u qaatay, falkiina uu ka shallaayayo laakiin muxuu kula yahay ninka walaalki sidaa ismoodsiiska ah u dilay, ka dibna ku farxay oo u arkay inuu guul soo hoyiyey, raggana ugu faanay inuu walaalki gacantiisa ku dilay!. Ninkaas waxaa la mid ah ninka walaalihiis muslimiin ah u qaatay cadow oo sidaas ismoodsiiska ah ku laayay, ka dibna ku farxay, kuna faanay inuu walaalihiis laayey!. Haddaba ragga dagaalada qabyaaladeed gala ama abaabula in yar ha fakareen oo ha is weydiiyeen dadka ay laayeen cidda ay yihiin, cidda ay ka dhinteen iyo cidda ka faa'iidaysa dilkooda.

Comments

Popular posts from this blog

Walaalnimo

1- waa in ummadda muslimka ah ka nabadgasho afkaaga iyo addinkaaga oo aadan midna ku waxyeelayn naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. 2- waa in aad ula dhaqantid sida naftaada adoo ka duulaya xadiiskii nabiga ee ahaa "qofkiin mu'min noqon maayo ilaa uu walaalki la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay" ogow walaalku waa walaalka diinta. 3- darajada seddexaad waxaa weeye inaad walaalka naftaada wax uga doortid oo aad u hurtid waxaad aad ugu baahantahay. Haddaba adiga oo xasiloon si dagan uga fakar ninka oranaya: diinta iyo ehelkeeda ayaan wax u tarayaa oo wax uu muslimiinta y tara iska daaye ay ka maan heli waayeen.

فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري

بسم الله الرحمن الرحيم فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري بعث بعض الطلاب الصوماليين في الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية سؤالا حول منهج حسان حسين العقدي إلى علماء الصومال، وفيما يلي نص السؤال: إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله وبعد: فإن الله سبحانه وتعالي قد قيض لهذا الدين في كل زمان عدولا ينفون عنه تحريف الغالين وانتحال المبطلين وتأويل الجاهلين، وأمر بالرجوع إليهم في أمور الدين حيث قال سبحانه (فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون)، فهم مصابيح الدجى وأئمة الهدى، إليهم يفزع بعد الله في أوقات الفتن، واشتباه الحق بالباطل، ونحن طلاب الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية  نكن محبة لا توصف واحتراماً تقتضيه الديانة لعلمائنا الأفذاذ في الصومال الذين أحيا الله بهم منهج السلف بعد موات، وهدى بسببهم جموعاً لا تعد ولا تحصى، ونسأل الله أن يجزيهم عنا وعن المسلمين في الصومال خير ما جزى عالماً عن أمته وداعياً

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday              Tusmada kitaabka   Mowduuca                                                Bogga 1. Tusmo ……….………………………………1 2. Ducada Furfurashada ……………………..4 3. Mahadnaq …………………………………..6 4. Gogoldhig ……...……………………………7 5. Hordhac ...……....…………………………..12 6. Nabi Ibraahiim, Xaaskiisa Iyo boqorkii faajirka ahaa ...............................................................17 7. Habar khayrka aad ugu hanweyn ..............26 8. Dhagaxii la cararay maradii Nabi Muuse.. 33 9. Qorraxda oo Ilaahay Nebi Yuushac u joojiyey ..38 10. Samirkii Nabi Ayyuub ..………......……......44 11. Labo dumara oo mid wiilkeedii Yey ka cunay …52 12. Nabi Suleymaan oo ilmo hal jeex   ah u dhashay 58 13. Shan waxyaabood oo Ilaahay Nabi Yaxye ku amray . ...64 14. Nabi ay qowmkiisii cajabgaliyeen! ..............76 15. Nabigii quraanyada gubay ………………..81 16. Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday!