Skip to main content

Ninkii xubnaha is jaray!

Qofka aadanaha ah wuxuu ka kooban yahay seddex quwadood oo kala ah: awooda jirka, tan caqliga iyo mida ruuxa. Seddexda awoodood way isdhamaystiraan. Haddii mid hawlgab noqotana inta kale si buuxda ayay u saamaynaysaa.

Dhinac kale jirka laftiisa ayaa ka kooban xubno isdhamaystiraya oo kii hawlgab noqda ama nusqaani ku dhacdo wuxuu saamaynayaa shaqada iyo waxqabadka xubnaha kale ee jirka.

Si qofku u noqdo mid dhamaystiran ama uu u guto xilkiisa waa inuu ilaaliyo awoodahaas aan soo sheegnay iyo qaybaha ay usii kala baxayaanba.

Maxay kula tahay haddii awoodda jirku hawlgabto oo qofku sariir ku aruuro ama dhaqaaqiisa iyo waxqabadkiisu koobmo?. Waa hubaal inay dhib tahay laakiin ka waran haddii qofka laftiisu xubnihiisa hadba qayb iska jaro isaga oo ay la tahay inuu horumar samaynayo ama guulo usoo hoyinayo naftiisa?. Ka waran haddii uu dadka kale ugu faano inuu xubnihiisa qayb iska jaray?. Kasii darane ka waran haddii bulshada oo dhan ama badankeedu isugu faanto anaa kaa xubna jaris badan iyo anaa kaa sii badan?.

Akhristow maxay kula tahay nimankii xubnohooda iska jaray haddii ay isqabtaan rag xubnohoodu u dhanyihiin?. Ma kula tahay inay guul kasoo hoyinayaan?. Maxayse kula tahay nimankii ay is hayeen inay ugu bishaareeyaan inay xubnohoodii iska soo jareen, iyaguna ay kusii dhiirrigaliyaan inay wali qaybo kale iska sii gooyaan oo sidaasi ay horumar iyo dan u tahay, ninkii dhaqso u fulin waayana ay caayaan ama amaanta ka daystaan?.

Ilaahay Qur'aanka wuxuu ku sheegay: "Mu'miniintu inay walaalo uun isu yihiin". Nabigeenuna wuxuu sheegay: "Mu'miniintu inay hal jir isku yihiin". dabcan jirku xubno ayuu ka kooban yahay. Xubnahana midba mida kale ayay dhamaystiraysaa, tii maqnaatana booskeedii iyo kaalinteedii way maran tahay. Ninkii mu'min dila waa nin jirkii xubin ka jaray, xubintaasna kaalinteedii baneeyey!.

Haddaba maxaa keenay in rag waaweyn ay xubnohooda maalin walba jaraan ama isuguba faanaan?. Jawaabtu waa mid uun: seddexdii awoodood ayaa labo maqantahay. Waxaa hawlgab noqday ruuxii oo diintii iyo iimaankii uu ku noolaan lahaa waayey, iyo caqligii oo dareenkii iyo indheer-garadnimadii waayey. Kolkaas baa jirkii laftiisu isjarjaray maadaama wixii jirkaan hagi lahaa meesha ka bexeen. Haddaba walaal/walaaley bal dhaqankeena dib u eeg, cid fogna ha sii eegine adiga iyo inta kugu xeeran dhaqankiina iyo waxa arrintaan idin kala gudboon dib u fiiri.

Comments

Popular posts from this blog

Walaalnimo

1- waa in ummadda muslimka ah ka nabadgasho afkaaga iyo addinkaaga oo aadan midna ku waxyeelayn naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. 2- waa in aad ula dhaqantid sida naftaada adoo ka duulaya xadiiskii nabiga ee ahaa "qofkiin mu'min noqon maayo ilaa uu walaalki la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay" ogow walaalku waa walaalka diinta. 3- darajada seddexaad waxaa weeye inaad walaalka naftaada wax uga doortid oo aad u hurtid waxaad aad ugu baahantahay. Haddaba adiga oo xasiloon si dagan uga fakar ninka oranaya: diinta iyo ehelkeeda ayaan wax u tarayaa oo wax uu muslimiinta y tara iska daaye ay ka maan heli waayeen.

فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري

بسم الله الرحمن الرحيم فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري بعث بعض الطلاب الصوماليين في الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية سؤالا حول منهج حسان حسين العقدي إلى علماء الصومال، وفيما يلي نص السؤال: إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله وبعد: فإن الله سبحانه وتعالي قد قيض لهذا الدين في كل زمان عدولا ينفون عنه تحريف الغالين وانتحال المبطلين وتأويل الجاهلين، وأمر بالرجوع إليهم في أمور الدين حيث قال سبحانه (فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون)، فهم مصابيح الدجى وأئمة الهدى، إليهم يفزع بعد الله في أوقات الفتن، واشتباه الحق بالباطل، ونحن طلاب الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية  نكن محبة لا توصف واحتراماً تقتضيه الديانة لعلمائنا الأفذاذ في الصومال الذين أحيا الله بهم منهج السلف بعد موات، وهدى بسببهم جموعاً لا تعد ولا تحصى، ونسأل الله أن يجزيهم عنا وعن المسلمين في الصومال خير ما جزى عالماً عن أمته وداعياً

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday              Tusmada kitaabka   Mowduuca                                                Bogga 1. Tusmo ……….………………………………1 2. Ducada Furfurashada ……………………..4 3. Mahadnaq …………………………………..6 4. Gogoldhig ……...……………………………7 5. Hordhac ...……....…………………………..12 6. Nabi Ibraahiim, Xaaskiisa Iyo boqorkii faajirka ahaa ...............................................................17 7. Habar khayrka aad ugu hanweyn ..............26 8. Dhagaxii la cararay maradii Nabi Muuse.. 33 9. Qorraxda oo Ilaahay Nebi Yuushac u joojiyey ..38 10. Samirkii Nabi Ayyuub ..………......……......44 11. Labo dumara oo mid wiilkeedii Yey ka cunay …52 12. Nabi Suleymaan oo ilmo hal jeex   ah u dhashay 58 13. Shan waxyaabood oo Ilaahay Nabi Yaxye ku amray . ...64 14. Nabi ay qowmkiisii cajabgaliyeen! ..............76 15. Nabigii quraanyada gubay ………………..81 16. Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday!