Skip to main content

Eeddo ninka inanta iga guursaday waa noocaas maaska ah!


Dadku waxay kala leeyihiin midabo, muuqaalo, mabaadi’ iyo mawaaqif lagu kala sooco. Nin walbana waxaa la gartaa waxa uu xambaarsan yahay ee ah diin, dhaqan, afkaar iwm, halkaas ayaana loogu soo hagaagaa laakiin waxaa jira dad aan lahayn midab iyo dhadhan loogu soo hagaago midna ee maalin walba xidha shaatiga suuqa yaal ama nin walba la qaata midabka iyo muuqaalka uu leeyahay sida jirjirroolihii.

Tilmaanta noocaan ah waxay tusisaa xumaan iyo liidnimo qarsoon oo lagu dado hadba dahaarkii ama daboolkii la is leeyahay kanaa qarin kara. Xumaantaas waxay noqon kadhaa tan u liidata oo ah munaafiqnimo oo ah inuu qofku mabda’ gaalnimo ah qalbiga ku haysto, islaamnimana muujisto. Waxay kale oo noqon kadhaa shakhsiyad xumo ku keenaysa inuu cid walba u nacamleeyo ama waxay noqon kadhaa hunguri aan wax xukumi kara jirin wuxuu liqayo maahee ama fulaynimo naftu ka bixi rabto oo meeshii mawd ama asbaabtiisu ka dhawdahayba uu nacam iyo isu ekeysiin isaga gudbayo.

Hooyo Soomaaliyeed la weydiiyey da’da ninka gabadheeda guursaday waxay ku jawaabtay: eeddo waa noocaas maaska ah!. Waxay ka wadaa waa gar maleyte malaasan oo wada siman sida haraga maaska ah, una muuqda inuu da’ walba la fil yahay!.

Ninkaan waxa soddohdi ku sheegayso isagu eed kuma laha oo waa abuur Ilaahay laakiin waxaa jira rag badan oo xagga mabaadi’da iyo afkaarta maas ka ah oo la moodo inuu qolo walba la diin yahay ama la tol yahay!.

Ninka maaska ah haddii uu munaafiqnimo ka badbaado oo hunguri xumo iyo fulaynimo ka fakado waxaanu ka fakanayn inuu yahay nin shakhsiyad liita oo xataa haddii uu niyad ahaan fiicanyahay aan wax weyn lagu halaysan karin; waayo ninka qoladii uu la kulmaba NACAM oranaya ma aha nin isbadal iyo horumar keeni kara ama xaq meel marin kara ama baadil hor istaagi kara ee ragow jirjirroolaha garna-maxajiyaha ah yaan lagu dagmin, isaguna ha isdabaqabto.

Axmed C/samad

alwaqaar@hotmail.com

Comments

Popular posts from this blog

Walaalnimo

1- waa in ummadda muslimka ah ka nabadgasho afkaaga iyo addinkaaga oo aadan midna ku waxyeelayn naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. 2- waa in aad ula dhaqantid sida naftaada adoo ka duulaya xadiiskii nabiga ee ahaa "qofkiin mu'min noqon maayo ilaa uu walaalki la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay" ogow walaalku waa walaalka diinta. 3- darajada seddexaad waxaa weeye inaad walaalka naftaada wax uga doortid oo aad u hurtid waxaad aad ugu baahantahay. Haddaba adiga oo xasiloon si dagan uga fakar ninka oranaya: diinta iyo ehelkeeda ayaan wax u tarayaa oo wax uu muslimiinta y tara iska daaye ay ka maan heli waayeen.

فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري

بسم الله الرحمن الرحيم فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري بعث بعض الطلاب الصوماليين في الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية سؤالا حول منهج حسان حسين العقدي إلى علماء الصومال، وفيما يلي نص السؤال: إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله وبعد: فإن الله سبحانه وتعالي قد قيض لهذا الدين في كل زمان عدولا ينفون عنه تحريف الغالين وانتحال المبطلين وتأويل الجاهلين، وأمر بالرجوع إليهم في أمور الدين حيث قال سبحانه (فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون)، فهم مصابيح الدجى وأئمة الهدى، إليهم يفزع بعد الله في أوقات الفتن، واشتباه الحق بالباطل، ونحن طلاب الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية  نكن محبة لا توصف واحتراماً تقتضيه الديانة لعلمائنا الأفذاذ في الصومال الذين أحيا الله بهم منهج السلف بعد موات، وهدى بسببهم جموعاً لا تعد ولا تحصى، ونسأل الله أن يجزيهم عنا وعن المسلمين في الصومال خير ما جزى عالماً عن أمته وداعياً

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday              Tusmada kitaabka   Mowduuca                                                Bogga 1. Tusmo ……….………………………………1 2. Ducada Furfurashada ……………………..4 3. Mahadnaq …………………………………..6 4. Gogoldhig ……...……………………………7 5. Hordhac ...……....…………………………..12 6. Nabi Ibraahiim, Xaaskiisa Iyo boqorkii faajirka ahaa ...............................................................17 7. Habar khayrka aad ugu hanweyn ..............26 8. Dhagaxii la cararay maradii Nabi Muuse.. 33 9. Qorraxda oo Ilaahay Nebi Yuushac u joojiyey ..38 10. Samirkii Nabi Ayyuub ..………......……......44 11. Labo dumara oo mid wiilkeedii Yey ka cunay …52 12. Nabi Suleymaan oo ilmo hal jeex   ah u dhashay 58 13. Shan waxyaabood oo Ilaahay Nabi Yaxye ku amray . ...64 14. Nabi ay qowmkiisii cajabgaliyeen! ..............76 15. Nabigii quraanyada gubay ………………..81 16. Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday!