Skip to main content

Waar geelna ha noo soo dhicininee cawradiina naga qarsada!

Dad badan baa u labista inay xuquuq maqan ummadda u soo celiyaan am xaq la daboolay daaha ka qaadaan ama baadil la qurxiyey marada ka feydaan. Kolka hore qasadku waa fiicnaa, rajada in wax la qabtana ma xumayn laakiin markii goobta loo daadago ayay soo shaac baxdaa nin walba wixii uu xambaarsanaa iyo sidii uu daacada ugu ahaa, awooddiisa dhabta ah siday ahayd, inta uu loolan adag u adkaysan karo, inta uu doonista naftiisa iyo shaydaan hor istaagi karo.

Dadkaas intay ceebo muuqda astura islahaayeen ayaa iyaga cawradoodu bannaanka timaadaa ama ceebtay asturayeen ceebo kale kusoo kordhiyaan. Ragguna waa sii kala indha-adagyahaye qaar baa cawradooda ceeb la'aan u muujiyo ama ku dooda halka uu maanta joogaba inay tahay halkii loo socday ama waji diir ma xishoode ah ayuu usii dallacaayoo wuxuu duritaan iyo dicaayad ku furaa ahdaaftii uu awal hirgalinteeda u hawlgalay. Ninkaas wuxuu noqon karaa wadaad khayr jecel ama nin wadani ah oo loolanka siyaasada u galay inuu diinta iyo ummadda wax u qabto. Waxaa ka agdhow nin tolka wax u tar u gala oo aakhirka tolka dhiiggisa ku bolotiiga!.

Gabagabadii ninka gurmadka ku yimid ee cidii ama mabda'ii uu usoo gurmaday wax u goyn waaya ama ceeb uu asturo ha joogtee tiisii dibada usoo baxdo waxaan ku oranaynaa oraah uu hoary u yiri oday soomaaliyeed oo geeliisii goor abaar ah la qaaday oo arkay raggii usoo gurmaday oo taagdari la ordi la' , mid walbana intuu marada kor u xaytay qooraha lulayo, wuxuuna yiri: "waar geelna ha noo soo dhicininee cawradiina uun naga qarsada".

Axmed C/samad

alwaqaar@hotmail.com

Comments

Popular posts from this blog

Walaalnimo

1- waa in ummadda muslimka ah ka nabadgasho afkaaga iyo addinkaaga oo aadan midna ku waxyeelayn naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. 2- waa in aad ula dhaqantid sida naftaada adoo ka duulaya xadiiskii nabiga ee ahaa "qofkiin mu'min noqon maayo ilaa uu walaalki la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay" ogow walaalku waa walaalka diinta. 3- darajada seddexaad waxaa weeye inaad walaalka naftaada wax uga doortid oo aad u hurtid waxaad aad ugu baahantahay. Haddaba adiga oo xasiloon si dagan uga fakar ninka oranaya: diinta iyo ehelkeeda ayaan wax u tarayaa oo wax uu muslimiinta y tara iska daaye ay ka maan heli waayeen.

فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري

بسم الله الرحمن الرحيم فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري بعث بعض الطلاب الصوماليين في الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية سؤالا حول منهج حسان حسين العقدي إلى علماء الصومال، وفيما يلي نص السؤال: إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله وبعد: فإن الله سبحانه وتعالي قد قيض لهذا الدين في كل زمان عدولا ينفون عنه تحريف الغالين وانتحال المبطلين وتأويل الجاهلين، وأمر بالرجوع إليهم في أمور الدين حيث قال سبحانه (فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون)، فهم مصابيح الدجى وأئمة الهدى، إليهم يفزع بعد الله في أوقات الفتن، واشتباه الحق بالباطل، ونحن طلاب الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية  نكن محبة لا توصف واحتراماً تقتضيه الديانة لعلمائنا الأفذاذ في الصومال الذين أحيا الله بهم منهج السلف بعد موات، وهدى بسببهم جموعاً لا تعد ولا تحصى، ونسأل الله أن يجزيهم عنا وعن المسلمين في الصومال خير ما جزى عالماً عن أمته وداعياً

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday              Tusmada kitaabka   Mowduuca                                                Bogga 1. Tusmo ……….………………………………1 2. Ducada Furfurashada ……………………..4 3. Mahadnaq …………………………………..6 4. Gogoldhig ……...……………………………7 5. Hordhac ...……....…………………………..12 6. Nabi Ibraahiim, Xaaskiisa Iyo boqorkii faajirka ahaa ...............................................................17 7. Habar khayrka aad ugu hanweyn ..............26 8. Dhagaxii la cararay maradii Nabi Muuse.. 33 9. Qorraxda oo Ilaahay Nebi Yuushac u joojiyey ..38 10. Samirkii Nabi Ayyuub ..………......……......44 11. Labo dumara oo mid wiilkeedii Yey ka cunay …52 12. Nabi Suleymaan oo ilmo hal jeex   ah u dhashay 58 13. Shan waxyaabood oo Ilaahay Nabi Yaxye ku amray . ...64 14. Nabi ay qowmkiisii cajabgaliyeen! ..............76 15. Nabigii quraanyada gubay ………………..81 16. Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday!