Skip to main content

Eed la'aan dheh!




Ma tukade ayuu ahaa. Tuulada ayuu saaka aaday. Wadaad salaadda ka hadlaya ayuu maqlay: salaadda marna la iskama dayn karo. Haddii salaadda laga tago waa dambi weyn.

Wuxuu go'aansaday inuu hadda ka dib tukado. galabtii ayuu carraabay. Naa weysa isii salaadda la iskama dayn karaa la yiriye. Say tiri: biyo ma leh. Wuxuu ku jawaabay: haddaba eed la'aan dheh!.

Nin caamo ah buu kaasi ahaa, inkastoo aan nin muslin ah oo dhul muslin ku dhashay kuna koray loogu cududaarayn salaada waajibnimadeeda ma ogi haddana koley waa uun caamo oo inuu u qaato haddii weyso la waayo inaan salaad la iska rabin wax aad u fog maaha laakiin waxaa yaab leh:

1- rag xaqa garanaya oo markii xaalku adkaado dan uga baxa ku baaqida xaqa iyagoo sida caamaygaas dhahaya: eed la'aan dheh.
2- niman samaha fara, xumahana reeba oo markii dadku dhinaca xuma raacista iyo sama ka tagida u bato iyaguna yiraahda: eed la'aan dheh.
3- dhibta iyo burburka ummadda haysta arkaya oo si nuxuusa u yiraahda: war iska daaya baaba'a oo kolkii wax u mahadceliya oo hadalkooda qaata ay waayaan iayguna dhaha: eed la'aan dheh!.

Si kastaba ha ahaatee waa qof xilkiisii gudan waayey oo isla markaasna qiil waa la idiiday ah sii samaysanaya. Haddii arrintu eed la'aan tahay nabiyaasha ayaa iska fariisan lahaa ee diinta qaadashadeeda, barashadeeda, ku dhaqankeeda, faafinteeda iyo difaaceedu waa imtixaan la marayo oo lagu kala saarayo ninka markii xaalku adkaado eed la'aan leh oranaya iyo ninka dadaalkiisa sii labanlaabaya; si uu guul uga soo hoyiyo xilka Rabbigiis saaray.

Comments

Popular posts from this blog

Walaalnimo

1- waa in ummadda muslimka ah ka nabadgasho afkaaga iyo addinkaaga oo aadan midna ku waxyeelayn naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. 2- waa in aad ula dhaqantid sida naftaada adoo ka duulaya xadiiskii nabiga ee ahaa "qofkiin mu'min noqon maayo ilaa uu walaalki la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay" ogow walaalku waa walaalka diinta. 3- darajada seddexaad waxaa weeye inaad walaalka naftaada wax uga doortid oo aad u hurtid waxaad aad ugu baahantahay. Haddaba adiga oo xasiloon si dagan uga fakar ninka oranaya: diinta iyo ehelkeeda ayaan wax u tarayaa oo wax uu muslimiinta y tara iska daaye ay ka maan heli waayeen.

فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري

بسم الله الرحمن الرحيم فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري بعث بعض الطلاب الصوماليين في الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية سؤالا حول منهج حسان حسين العقدي إلى علماء الصومال، وفيما يلي نص السؤال: إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله وبعد: فإن الله سبحانه وتعالي قد قيض لهذا الدين في كل زمان عدولا ينفون عنه تحريف الغالين وانتحال المبطلين وتأويل الجاهلين، وأمر بالرجوع إليهم في أمور الدين حيث قال سبحانه (فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون)، فهم مصابيح الدجى وأئمة الهدى، إليهم يفزع بعد الله في أوقات الفتن، واشتباه الحق بالباطل، ونحن طلاب الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية  نكن محبة لا توصف واحتراماً تقتضيه الديانة لعلمائنا الأفذاذ في الصومال الذين أحيا الله بهم منهج السلف بعد موات، وهدى بسببهم جموعاً لا تعد ولا تحصى، ونسأل الله أن يجزيهم عنا وعن المسلمين في الصومال خير ما جزى عالماً عن أمته وداعياً

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday              Tusmada kitaabka   Mowduuca                                                Bogga 1. Tusmo ……….………………………………1 2. Ducada Furfurashada ……………………..4 3. Mahadnaq …………………………………..6 4. Gogoldhig ……...……………………………7 5. Hordhac ...……....…………………………..12 6. Nabi Ibraahiim, Xaaskiisa Iyo boqorkii faajirka ahaa ...............................................................17 7. Habar khayrka aad ugu hanweyn ..............26 8. Dhagaxii la cararay maradii Nabi Muuse.. 33 9. Qorraxda oo Ilaahay Nebi Yuushac u joojiyey ..38 10. Samirkii Nabi Ayyuub ..………......……......44 11. Labo dumara oo mid wiilkeedii Yey ka cunay …52 12. Nabi Suleymaan oo ilmo hal jeex   ah u dhashay 58 13. Shan waxyaabood oo Ilaahay Nabi Yaxye ku amray . ...64 14. Nabi ay qowmkiisii cajabgaliyeen! ..............76 15. Nabigii quraanyada gubay ………………..81 16. Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday!