Markiiba waxaa kugu soo dhacaysa nin jawaano lacag ah hal maalin helay oo sidaas hodon ku noqday laakiin siyaabo kale oo hal maalin loogu hodmana waa jiraan, waxaana ka mid ah:
1- Nin habowsanaa oo Ilaahay towbada iyo toosnaanta waafajiyey oo go'aan uu maalin qaatay darti noloshiisu 100% jihada kale u jeensatay oo intaa ka dib noqday nin wixii xumaan ahaa xalay dhalay ka ah.
2- Nin haba toosnaadee wado caadi ah hayey oo ay hal mar u iftiintay wadadii cilmigu oo isna jihada kale u jeestay, xilligaas ka dibna noqday nin ku socda wadada jannada.
3- Nin xoolo haystay oo ku mashquulsanaa kobcintooda, kaydintooda iyo tirintooda, ka dibna damiirkiisu hal mar toosay oo baahi weyn oo muslimiinta ku habsatay ka jawaabay, sidaasna ku noqday maalin taajir; waayo Ilaahay wuxuu ajarka sadaqada laalaabaa 100/1000 - 100/70,000 iyo kasii badan.
In kasta oo magaca maalin taajir ah si xun u baxay haddana taasi ma diidayso in maalin taajirnimo wanaagsani jidho ee ragow ha la isku dayo in ninba sida u munaasibka ah uu u maalin taajiro.

Comments
Post a Comment