Skip to main content

Haddaan lix kun haysto maanba soo dago!

Wuxuu goostay inuu dhoofo, dabadeedna wuxuu u tagay markab furdada taagan, wuxuuna ku yiri: waxaan doonayaa inaan dhoofo, iyaguna waxay u sheegeen in lix kun oo shilin laga doonayo. Wuxuu ku jawaabay oo haddaan lix kun haysto maanba soo dago!.

Wuxuu uga jeedaa haddaan lix kun heli karo nin hodon ah oo dibada kasoo dagay ayaanba noqon lahaaye miyaan sii dhoofi lahaa!.

Ninkan Soomaaliyeed ee reer miyiga ah wuxuu garanayey sababta loo dhoofayo inay tahay in lasoo shaqaysto, dababdeedna dib loola soo noqdo wixii aad soo shaqaysatay. Dhinac kale wuxuu garanayaa in aanay meesha ku jirin nin xoolo wanaagsan haysta inuu dhoofo ee ay tahay inuu xoolahaas dalkiisa ku maalgashado.

Waxaan kale oo ka fahmayaa haddii aad qurbaha ujeeddadaadii ka gaartid in loo baahanyahay in ummadda loo soo celiyo maalka lasoo kasbay oo ay ka faa'iidaysato ee aan lagu kobcin dhul shisheeye oo xoolahaas iyagu dantooda uga faa'iidaysta; waayo maalkaaga marka aad dalkaaga uga shaqaysataid dadkaagu waxay ka helayaan shaqo ay ku noolaadaan, dowladaaduna waxay qaadanaysaa wixii dowladdaas kale kaa qaadan lahayd.

Imminka dadka badankoodu waxay u dhoofaan dhoof uun. Waxaa ka daran kuwii dadka u ladnaa ayaaba dhoofaya ha haadeen rag iyo dumar waaweyn ama ha noqdeen ubadkii dadka ladani dhaleen oo waliba kaaga darane tahriibaya.

Dhinac kale hadday xoolo helaan dad badan meeshay tageen bay ku maalgaliyaan ee dalkooda iyo dadkooda ugama faa'iideeyaan.

Intaasba waxaa iiga xanuun badan nin guryo, gaadiid, goobo ganacsi iyo xoolo kala nooc ah haysta oo xaaji hebelow gaaray ayaa intaba xaraash ku dhufta oo gaalo ag yuurursada oo hadduu doono gaaweeto hoorsada ama dadka qaar jidka kaga haftaan ama isaga iyo qoysku kala lumaan. Taas oo ku xusuusinaysa aayaddii ahayd: "ma kii liitay baad ku badalanaysaan kii khayrka badnaa?". Ilaahow golo ceebeed hana fariisin, nicmadaada kuwa ku kufriyana ha naga dhigin .. Aamiin.

Comments

Popular posts from this blog

Walaalnimo

1- waa in ummadda muslimka ah ka nabadgasho afkaaga iyo addinkaaga oo aadan midna ku waxyeelayn naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. 2- waa in aad ula dhaqantid sida naftaada adoo ka duulaya xadiiskii nabiga ee ahaa "qofkiin mu'min noqon maayo ilaa uu walaalki la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay" ogow walaalku waa walaalka diinta. 3- darajada seddexaad waxaa weeye inaad walaalka naftaada wax uga doortid oo aad u hurtid waxaad aad ugu baahantahay. Haddaba adiga oo xasiloon si dagan uga fakar ninka oranaya: diinta iyo ehelkeeda ayaan wax u tarayaa oo wax uu muslimiinta y tara iska daaye ay ka maan heli waayeen.

فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري

بسم الله الرحمن الرحيم فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري بعث بعض الطلاب الصوماليين في الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية سؤالا حول منهج حسان حسين العقدي إلى علماء الصومال، وفيما يلي نص السؤال: إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله وبعد: فإن الله سبحانه وتعالي قد قيض لهذا الدين في كل زمان عدولا ينفون عنه تحريف الغالين وانتحال المبطلين وتأويل الجاهلين، وأمر بالرجوع إليهم في أمور الدين حيث قال سبحانه (فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون)، فهم مصابيح الدجى وأئمة الهدى، إليهم يفزع بعد الله في أوقات الفتن، واشتباه الحق بالباطل، ونحن طلاب الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية  نكن محبة لا توصف واحتراماً تقتضيه الديانة لعلمائنا الأفذاذ في الصومال الذين أحيا الله بهم منهج السلف بعد موات، وهدى بسببهم جموعاً لا تعد ولا تحصى، ونسأل الله أن يجزيهم عنا وعن المسلمين في الصومال خير ما جزى عالماً عن أمته وداعياً

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday              Tusmada kitaabka   Mowduuca                                                Bogga 1. Tusmo ……….………………………………1 2. Ducada Furfurashada ……………………..4 3. Mahadnaq …………………………………..6 4. Gogoldhig ……...……………………………7 5. Hordhac ...……....…………………………..12 6. Nabi Ibraahiim, Xaaskiisa Iyo boqorkii faajirka ahaa ...............................................................17 7. Habar khayrka aad ugu hanweyn ..............26 8. Dhagaxii la cararay maradii Nabi Muuse.. 33 9. Qorraxda oo Ilaahay Nebi Yuushac u joojiyey ..38 10. Samirkii Nabi Ayyuub ..………......……......44 11. Labo dumara oo mid wiilkeedii Yey ka cunay …52 12. Nabi Suleymaan oo ilmo hal jeex   ah u dhashay 58 13. Shan waxyaabood oo Ilaahay Nabi Yaxye ku amray . ...64 14. Nabi ay qowmkiisii cajabgaliyeen! ..............76 15. Nabigii quraanyada gubay ………………..81 16. Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday!