Skip to main content

Gabadheena markii ninku ka dhinto waa sidee dareenkeenu?

Muslimku guud ahaan wuu la xanuunsadaa geerida muslimka ku dhacda gaar ahaan waalidku wuu la xanuunsadaa geerida gabadhiisa haleesha laakiin waxaan ka xanuun yarayn geerida ku timaada saygeedii ay jeclayd oo u ahaa ilqabowsiga ee ay nolosheeda oo dhan isaga ku salaysay. Xanuunku intaa wuu kasii badanyahay haddii geeridu kadis ahayd iyo haddii gabadha ninkeedu nin wanaagsan ahaa.

Waalidku wuxuu la murgayaa murugta gabadhiisa haysata iyo saamaynta geeridaani ku yeelan karto gabadhiisa caafimaadkeeda, moralkeeda iyo mustaqbalkeedaba.

Waxaa iyana naxdinta iyo xanuunka geeridiisa waalidka kusii xanuujinaya markuu ilmo yar yar ka tago. Haddii aanu xoolo iyo qoys ku filan uga tagina kaba sii daran.

Innagu (Soomaali) xagga caadiafada iyo naxariista kuma fiicnin, inta badana dareenka qofka gaar ahaan marka uu marayo xaalado gaar ah ma tixgalino. Qofkii naxariis iyo tixgalinba sameeyana ma cabbiro dareenkiisa, mana muujiyo ee waxaynu ku kaaftoonaa dhinaca maaddiga ah, sida: gabadha agoon bay haysataaye wax siiya, garar ciidan ah ha loo diro, cidda hala soo dagto, ilmaha qaar ha loo hayo iwm laakiin dhinaca samirsiiinta, niyad dhisida, muujinta dareenka iyo dhiirrigalinta waa inaga naaqus.

Qormadaan waxaa saaka igu dhaqaajiyey qoraal uu Dr. Maxamed Cuqlaa ka qoray gabadhiisa ninkeedii oo shil gaari ku dhintay. Waxaa dareenkayga kiciyay sida  dhaqankiisu keena uga wanaagsan yahay marka arrintaan laga hadlayo.

Waxaa kale oo fakarku ila sii galay waa inaga marka gabadheena laga dhinto maaddi ahaan la gurmana  ninka ka dhintay awgiise ee maxaynu marka hore ula gurman weyney si ay nin u hesho illaa marka horeba  way u baahnayde?.

Gabagabadii aynu xoojino naxariisteena iyo dareenkeena gaar ahaan marka qofku xaalad gaar ah marayo, aynu isku rabaynu in aynu muujino caadifadeena, aynu gabdheheena baahidooda tixgalino gaar ahaan inta ay gabadha tahay, aynu guurkeeda uga fakarno sida aynu guurka wiilka uga fakarno iyo ka badan, waliba aynu ka dulqaadno culayska dhaqaale ee guurka lagu lammaaniyey, isla markaasna aynu ka qaybqaadano dhismaha qoyska gabadheena.

Comments

Popular posts from this blog

Walaalnimo

1- waa in ummadda muslimka ah ka nabadgasho afkaaga iyo addinkaaga oo aadan midna ku waxyeelayn naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. 2- waa in aad ula dhaqantid sida naftaada adoo ka duulaya xadiiskii nabiga ee ahaa "qofkiin mu'min noqon maayo ilaa uu walaalki la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay" ogow walaalku waa walaalka diinta. 3- darajada seddexaad waxaa weeye inaad walaalka naftaada wax uga doortid oo aad u hurtid waxaad aad ugu baahantahay. Haddaba adiga oo xasiloon si dagan uga fakar ninka oranaya: diinta iyo ehelkeeda ayaan wax u tarayaa oo wax uu muslimiinta y tara iska daaye ay ka maan heli waayeen.

فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري

بسم الله الرحمن الرحيم فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري بعث بعض الطلاب الصوماليين في الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية سؤالا حول منهج حسان حسين العقدي إلى علماء الصومال، وفيما يلي نص السؤال: إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله وبعد: فإن الله سبحانه وتعالي قد قيض لهذا الدين في كل زمان عدولا ينفون عنه تحريف الغالين وانتحال المبطلين وتأويل الجاهلين، وأمر بالرجوع إليهم في أمور الدين حيث قال سبحانه (فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون)، فهم مصابيح الدجى وأئمة الهدى، إليهم يفزع بعد الله في أوقات الفتن، واشتباه الحق بالباطل، ونحن طلاب الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية  نكن محبة لا توصف واحتراماً تقتضيه الديانة لعلمائنا الأفذاذ في الصومال الذين أحيا الله بهم منهج السلف بعد موات، وهدى بسببهم جموعاً لا تعد ولا تحصى، ونسأل الله أن يجزيهم عنا وعن المسلمين في الصومال خير ما جزى عالماً عن أمته وداعياً

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday              Tusmada kitaabka   Mowduuca                                                Bogga 1. Tusmo ……….………………………………1 2. Ducada Furfurashada ……………………..4 3. Mahadnaq …………………………………..6 4. Gogoldhig ……...……………………………7 5. Hordhac ...……....…………………………..12 6. Nabi Ibraahiim, Xaaskiisa Iyo boqorkii faajirka ahaa ...............................................................17 7. Habar khayrka aad ugu hanweyn ..............26 8. Dhagaxii la cararay maradii Nabi Muuse.. 33 9. Qorraxda oo Ilaahay Nebi Yuushac u joojiyey ..38 10. Samirkii Nabi Ayyuub ..………......……......44 11. Labo dumara oo mid wiilkeedii Yey ka cunay …52 12. Nabi Suleymaan oo ilmo hal jeex   ah u dhashay 58 13. Shan waxyaabood oo Ilaahay Nabi Yaxye ku amray . ...64 14. Nabi ay qowmkiisii cajabgaliyeen! ..............76 15. Nabigii quraanyada gubay ………………..81 16. Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday!