Sheekh Muktaar Axmed Faarax oo hoggaaminayey gurmadkii Mu'assasada Al-minhaaj ee dacwada iyo Horumarintu ay ka dirtay magaalada Garoowe ayaa warbixintaan kasoo diray xalay isaga oo sii maraya deegaanka Xoola-keen ee gobolka Nugaal, wuxuuna sheegay:
1. In uusan weli gaarin meelihii ugu darnaa oo aadka looga dayrinaayey.
2. In uu la kulmay dhul aan ka dhib yarayn aagaga uu usocdo.
3. In degsiimoooyinka uu ilaa shalay dhex maraayey ay dhibaato wayn ka muuqato isagoo sheegay in ay isugu jiraan dad cayroobay gebi ahaanba iyo dad labo neef u yartay iyo kuwa toban neef u hartay iyo kuwa waxaan dhaamin ay u hartay.
4. Dadku macaluul ayey u dhamaanayaan oo xataa kuwa xoogaayadu u hareen irmaankii waa ka dhamaadeen waxa haray waa xoolihii gurranaa, raashinna warkiisaba daa.
5. Wuxuu kale oo sheegay shekh mukhtaar axmed faarax, in wixii ay wadeen oo ay ugu talo galeen in ay dadka u qaybiyaan ka dhowdhowdahay sidaas darted si dhaqso ah in xoolo naloola soo gaaro weeye ayuu yiri.
6. Ugu damayntii shekh mukhtaar axmed faarax wuxuu yiri dhibta meeshaan ka dhacday way ka wayntahay sida qofwalba oo aan iman u malaynaayo.
Wuxuuna ku baaqaay shekh mukhtaar axmed faarax oo ah gudoomiyihii hore ee alminhaaj garoowe in si degdeg ah ummadaan muslimka ah oo dhibaataysan loosoo gaaro wuxuuna sheegay annaga waxayagu dhiig joojin ayey ahayd ee baahidii oo sii laban laamaysa ayaa sideedii u taagan.
Waxaa xusid mudan in xogta laga helaayo deegaanada musiibadu ka dhacday ay aad u koobantahay, waxaana keenay dhulka oo aysan ka wada shaqayn khadadka telfonada gacanta lagu qaato, markii laga reebo marmar ay meel dheer ama buur la fuulaan telfoonka oo ay halkaas ka soo hadlaan.

Comments
Post a Comment