Skip to main content

Illaa Maraykankana waa lagu dhintaa!

Illaa Maraykankana waa lagu dhintaa!

Caawa ayaan kulanay Sheekh Maxamed Idriis oo xalay ka yimid Maraykanka. Warbixintii ayuu ku daray usbuucaan ilaa shan qof oo Soomaali ah baan xabaalnay. Wuxuu sii raaciyey dalka waa la dagay oo qabuuro badan baan ku leenahay. Wuxuu sheegay shanta qof in labo shil gaari ku dhimatay, seddexda kalena ay jirrooyin kala duwan sababsadeen.

Waxaa markiiba miskaxdayda ku soo dagdagtay dadka Maraykan iyo meelaha la mida u dhoofaya in aysan miskaxdooda ku soo dhicin inay meesha ku dhiman doonaan markay baadigoobka ugu jireen dhoofka. Miskaxdu way sii taraaraxday oo waxay meesha soo dhigtay dadka dhoofay badankoodu inay filayeen maalinta ay dhulkaas cagaha dhalaan inay ugu dambayso busaarad, jirro iyo dhibaato adduun oo dhan.

Waxaa dhab ah in xaqiiqadu sidaas ka duwanaatay oo meesha loogu tagay geeri qabri la'aan ah!; waayo qabriga hal qof lagu xabaalo wuxuu kuugu fadhiyaa lacag u dhaxaysa seddex kun ilaa shan kun oo dollar!. Waxaan ogaaday meesha in dadka xabbad lagu laayo oo Soomaali badan toogasho lagu laayay haba u badnaadeen taksiilayaale. Waxaa kale oo sugnaatay in dadka qaarkood meesha ku waasheen, kuwana buufis ku dhacay, kuwana jirrooyin khatar ah ku habsadeen, sida: kansar iwm.

Waxaa taa ka yaab badan in meesha dad badani faqri weyn kala kulmeen halka kuwo kalena ay dhibaato aan la soo koobi karin kaga timid xagga xaasaskii oo colaad aan dhamaad lahayn dhexgashay oo rag badan dumarku guryaha ka eryeen. Kaaga darane ubadkii aad uba dhooftay yaanay gaajo arag ayaa dad farabadan laga faramaroojiyey indhohooda oo shan ah!.

Kolkaan hoygii aan daganaa ku soo noqday ayaa sheekh C/qani Awsaalax oo Internet-ka ku jirey wuxuu akhriyey diraasad ka hadlaysa khatarta guumaysnimada ee ku habsatay dalalka khaliijka, hadalkii ayuu sii waday oo wuxuu sheegay inay diraasadu sheegtay in dalalka khaliijka afartii ilmood ee u dhashaba seddex hablo tahay. Kaaga sii darane dalka Sucuudiga kaligi sanad walba waxaa shilalka gawaarida ku dhinta toban kun oo wiil. Taas oo kordhinaysa faraqa u dhexeeya tirada wiilasha iyo tan gabdhaha. Tan kale diraasadu waxay sheegtay in sanadkii 2010 ay dalka sucuudiga u joogtay hal milyan iyo bar hablood oo guumayso ah. Waxaa iyana is weydiin leh inta la soo furay oo iyana guryaha dhooban!.

Aniga oo ka yaaban dhibaatooyinka faraha badan ee ka taagan dhulalkii dadkeenu u qabeen in dhib oo dhan lagaga baxayo ayaan xusuustay inay meeshu adduunyo tahay!. Waxaana gartay in loo baahanyahay in aad ummadda loo xusuusiyo inay meeshu adduunyo tahay!.

Comments

Popular posts from this blog

Walaalnimo

1- waa in ummadda muslimka ah ka nabadgasho afkaaga iyo addinkaaga oo aadan midna ku waxyeelayn naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. 2- waa in aad ula dhaqantid sida naftaada adoo ka duulaya xadiiskii nabiga ee ahaa "qofkiin mu'min noqon maayo ilaa uu walaalki la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay" ogow walaalku waa walaalka diinta. 3- darajada seddexaad waxaa weeye inaad walaalka naftaada wax uga doortid oo aad u hurtid waxaad aad ugu baahantahay. Haddaba adiga oo xasiloon si dagan uga fakar ninka oranaya: diinta iyo ehelkeeda ayaan wax u tarayaa oo wax uu muslimiinta y tara iska daaye ay ka maan heli waayeen.

فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري

بسم الله الرحمن الرحيم فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري بعث بعض الطلاب الصوماليين في الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية سؤالا حول منهج حسان حسين العقدي إلى علماء الصومال، وفيما يلي نص السؤال: إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله وبعد: فإن الله سبحانه وتعالي قد قيض لهذا الدين في كل زمان عدولا ينفون عنه تحريف الغالين وانتحال المبطلين وتأويل الجاهلين، وأمر بالرجوع إليهم في أمور الدين حيث قال سبحانه (فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون)، فهم مصابيح الدجى وأئمة الهدى، إليهم يفزع بعد الله في أوقات الفتن، واشتباه الحق بالباطل، ونحن طلاب الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية  نكن محبة لا توصف واحتراماً تقتضيه الديانة لعلمائنا الأفذاذ في الصومال الذين أحيا الله بهم منهج السلف بعد موات، وهدى بسببهم جموعاً لا تعد ولا تحصى، ونسأل الله أن يجزيهم عنا وعن المسلمين في الصومال خير ما جزى عالماً عن أمته وداعياً

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday              Tusmada kitaabka   Mowduuca                                                Bogga 1. Tusmo ……….………………………………1 2. Ducada Furfurashada ……………………..4 3. Mahadnaq …………………………………..6 4. Gogoldhig ……...……………………………7 5. Hordhac ...……....…………………………..12 6. Nabi Ibraahiim, Xaaskiisa Iyo boqorkii faajirka ahaa ...............................................................17 7. Habar khayrka aad ugu hanweyn ..............26 8. Dhagaxii la cararay maradii Nabi Muuse.. 33 9. Qorraxda oo Ilaahay Nebi Yuushac u joojiyey ..38 10. Samirkii Nabi Ayyuub ..………......……......44 11. Labo dumara oo mid wiilkeedii Yey ka cunay …52 12. Nabi Suleymaan oo ilmo hal jeex   ah u dhashay 58 13. Shan waxyaabood oo Ilaahay Nabi Yaxye ku amray . ...64 14. Nabi ay qowmkiisii cajabgaliyeen! ..............76 15. Nabigii quraanyada gubay ………………..81 16. Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday!