Gooni isu-taagga tuulooyinka iyo jifooyinka
Jifo walba waxay laamiga ka dhisatay tuulo u gaara; si ay ugu noqoto xarun iyaga loo yaqaan. Tuulooyinkaas la weegaaray maaha deegaan samaysi iyo magaalo dhisasho midna ee waa ficil lagu muujinayo jiritaanka gaar ahaaneed ee jifadaas. Si kale haddii loo dhoho waa ku dhawaaqid dawlad gaara iyo gooni isu-taag ay jifadu isaga soocayso dadka kale ee dhalashada ama deegaanka la wadaaga.
Si arrintaa loo xaqiijiyana jifadu waxay tuuladeeda dhigataa kaantarool ama isbaaro, dadka kalena waxay u diiddaa inay la dagaan, ilaa la wariyey in meelaha qaarkood aan loo oggolayn inuu ninka inan layaalka ah guri ka dhisto; si aanu marna gooni isu-taagga jifada u carqaladayn!. Si kastaba ha ahaatee waxaynu ku jirnaa samankii gooni isu-taagga iyo ictiraaf raadinta oo heer jifo iyo heer tuulo maraysa.
Dagaalada ilaalooyinka xuduudaha
Waxaa arrintaa aad u sii caddaynaya colaadaha waaweyn ee lagu hoobtay ee ka dhacay ama ka socda deegaanada qabaa’ilku iska soo galaan, sida: Qubays iyo Saleebaan, Celi iyo reer Biciidyahan, Cumar Maxamuud iyo Bah ararsame, Habar yoonis iyo Ciidagale, Jibriil Abokor iyo reer Nuur, Cali Saleebaan iyo Cali Jibraahiil oo intaba colaadohoodu salka ku hayaan dhul la isku haysto ha ahaado barkado ama dhul daaqsina ama dhul beereede. Meelahaas qabaa’ilku iska soo galaan waxay la macne noqdeen xuduud qaybisa labo dal oo kala madax bannaan oo qolo walba ilaalo u joogto, wixii ku soo xadgudbana ay awood ku caabbiso.
Haysiga iyo dagista shisheeye dhib ma leh!
Waxaa yaab leh sida aan looga dhiidhiyayn haysiga iyo ka arriminta shisheeye ee deegaanka beesha iyo sida aan kala harka lahayn ee looga hortagayo barkad ama beer qof ama qoys walaalohood ah ka samaysteen deegaankay sheeganayaan!. Mar mar bay kugu soo dhacaysaa malaha dadkeena meeluu joogaba kumbuyuutarkaa loo eegay![2].
Calaamadaha kale ee gooni isu-taagga jifooyinka
Waxaa jira arrimo kale oo beryahaan jifooyinku ku muujiyaan madax bannaanidooda, waxaana ka mida samaysiga oday dhaqameed iyo qabqable u gaara jifada[3]. Haddii loo baahdana waa in la unko urur siyaasadeed oo kolley magiciisu S S ka bilowda. Waxay kaloo sameeyaan inay tolka ka goostaan magtii ay wada bixin jireen oo ay iyagu si gaara isaga baxshaan, si gaarana u qaataan.
Taas oo ka dhigan waxaan nahay: ummad gaara oo leh jiritaan, deegaan, dhaqan iyo hoggaan u gaara, ha ahaado hoggaan dhaqameed ama hoggaan siyaasadeede, mana jirto cid kale oo arrimahayaga wax laga weydiin karo ama magacayaga ku hadli karta. Sidoo kale waxaan nahay ummad isku filan oo wixii lagu yeesho si gaara isaga bixin karta, wixii ka maqana doonan karta iyadoon cidna la kaashan!.
Awliyada gaar ahaaneed ee jifada
Waxyaabaha beesha ama jifadu ku muujiso Gooni isu-taaggeeda waxaa ka mida inay caleemo-saarato weli u gaara, qabiilkeeda ama deegaankeedana ay uga baxdo awliyadii la wada siyaaran jirey. Qoladii aan awoowe welinimo loo yaqaan horay u lahayna waxay ku khasbanaatay inay odaygii beesha ama jifadu ka soo farcantay sheekh ama xaaji ku magacawdo, dhawr qisoo walinimadiisa caddaynaysana ay u falkiso!; waayo gar maaha inay qolo kale awowgeed la siyaaraan, awliyonimana u daba-fariistaan. Kuma koobna awliyada kaliya ee waxaa la mida soo caan bixinta abwaano iyo halyeyo jifadu ku faanto, haddaysan kuwa caana jirina la buunbuuniyo nin afareyda ka adag iyo mid dhurwaa neef ka ritey!.
Gooni u goosiga iyo ictiraaf raadintu ma jifooyinkay ku gaar tahay?
Mayee waxaa jira muuqaallo kale oo madax bannaaniyeed oo qaybaha bulshada qaarkood ku dhawaaqaan ama si ficila ugu kacaan, waxaana ka mida: a) gooni isu-taagga diimeed ee ururada iyo dariiqooyinka, b) gooni isu-taagga dumarka, gaar ahaan madaxbannaanida ay afadu uga xoroobayso saygeeda, c) gooni isu-taagga ubadku uga xoroobayaan waalidkood.
Waxaa la dhihi karaa ictiraaf iyo madaxbannaani raadintu waxay gashay nolosheena oo dhan. Haddii la dhiso shirkad ganacsi ama mid waxbarasho ama urur jaaliyadeed (community) muddo yar ka dib waxay u sii kala jabayaan intii la doono oo ururo iyo shirkado ah.
Hooseey ka halaawday!
Intii lagu mashquulsanaa dadka iyo dalka yaan qaybo waaweyn loo sii kala jarjarin baa qayb kasta jifo jifo iyo tuulo tuulo loo sii kala qoqobay. Waxaa la yiri: nin macallin ah baa arkay bisin si qaldan loogu qoray mundul dushiis, markaas buu yiri: i qaada aan laaxinka soo sexee, ka dibna raggii qaadayey midkood baa yiri: usbillaahi (bisin qaldan buu ku dhawaaqay). Kolkaas buu yiri macallinkii: war i dhiga! i dhiga!. Maxaa jira markii la yirina, wuxuu ku jawaabay: hooseey ka halaawday[4].
Waa maxay sababaha jifooyinku u goosanayaan?
Haddaynu ogaanay waxyaabah jifadu ku muujiso madax bannaanideeda, sida: tuulo dhisashada, suldaan samaysiga, qabqable magacaabashada, urur samaysiga, mag goosiga iyo awliyo soocashada waxaynu is weydiinaynaa sababaha jifooyinka ku kallifay inay goostaan?. Waxaa ka mida sababahaas:
- dhab ahaan waxaa lagu soo uruurin karaa hal sabab oo ah jahli iyo wacyidarro. Haddii aynu soo qaadno sababaha jifada kacdoonka galiyase waxaa ka mida:
- inay jifada is qabtaan suldaanka beesha ama qabqableheeda.
- inay jifada is qabtaan jifada suldaanku ka dhashay ama tan qabqabluhu ku abtirsado.
- waxaa kaloo arrimahaan ka qaybqaata abaabulka uu sameeyo nin oday dhaqameed ama qabqable noqon kara oo meeshii nin kale kaga gudbanyahay. Taa waxaa caddaynaya sida xawliga leh ee jifooyinku ay u samaysmayaan oday dhaqameedyada iyo qabqablayaasha, iyo deegaana hoosaadka jifo walba unkayso.
- Waxaa kaloo kala furfurka beelaha qayb ka ah siyaasadaha qalloocan ee dawladaha iyo hay’adaha arrinta Soomaalida faraha kula jira raacayaan. Tusaale ahaan: waxaa la qadinayaa qabiil aan qabqable haysan, waxaana cad libaax la siinayaa beel qabqablayaal haysata, sidii shirkii Imbagaati loo siiyey beesha Daa’uud kaliya labo wasiir, Wacaysle oo dhanna loo qadiyey. Waxaa kaloo dhacday in suldaanadii qabaa’ilka qaarkood waxba laga soo qaadi waayey qabqable la’aan awgeed. Taas waxay keenaysaa qoladii qabqable la’aan ama suldaan la’aan lagu ciilo inay is xorayso oo hoggaamiye cadkooda u soo dhacsha si gaara u magacaabato!.
Xalka aynu doonaynana wuxuu ka bilaabanayaa ninka mushkiladda dareensan naftiisa iyo ehelkiisa; waayo nin ilmihiisa iyo jifadiisa dhegta ugu sheegaya: reer hebel xinif baa ina ka dhaxaysee u dhug lahaada, isla markaasna masjidka, idaacadda iyo golayaasha ka oranaya: walaalaa la yahaye yaan la kala tagin cidina wax ka maqli mayso; maxaa yeelay dadku ficilkiisay raacayaane qawl ay caddahay inuusan daacad ka ahayn ninna ka yeeli maayo!.
Axmed C/samad
________________________[1] ) qormadani waxay ka mid ahayd taxanihii socdaalkaygii Jibbuuti, waxaanse gaar uga dhigay culayska mawduucu leeyahay.
[2] ) waa oraah la macne ah: waa la sixray.
[3] ) waa hubaal inay jiraan beelo salaadiinta baahi u samaystay, waliba dad wanaagsan xushay, waxaanse ka hadlaynaa waxa loo baxshay suldaan bararka.
[4] ) Intaan kor ka fakarayney bay xagga hoose ka xumaatay. Ninna wuxuu yiri: waar waxaa day, suuye: adigu waxaan day.
Comments
Post a Comment