Skip to main content

Carruurtaada iyaga oo yaryar sidee xilkas uga dhigi kartaa??

Carruurtaada iyaga oo yaryar sidee xilkas uga dhigi kartaa??

Dad badan bay la tahay ilmuhu in aanay waxba fahmayn oo aan la isku dhibin carbintooda ama sare u qaadista garaadkooda iyo xilkasnimadooda ilaa ay weynaadaan. Soomaalida waxaa dhaqan u ah in ay ilmaha ka eryaan golayaasha dadka waaweyn ku kulmaan. Waxay ku dhahaan: ordaya ka taga dadka waaweyn!.

Dadkeenu ma dareensana in afka ilmuhu ku...

hadlo uu erey erey u bartay isaga oo aad u yar, ka dibna uu gaaray heer uu si faseex ah ugu hadlo isaga oo aan 2 ama 3 sano gaarin!. Ogow afkaas cidi ma barin ee wuxuu ku bartay la joogista dadka waaweyn iyo jilitaankooda!.

Haddaba ogow in ilmuhu dadka waaweyn ka baranayo cilmi, caqli, waayo-aragnimo, akhlaaq, habnololeed iwm isaga oo aan cidina si gaara isugu mashquulin fahansiinta iyo barista arimahaas. Carabtu ilamaha iyaga oo labo sano jira ayay golaha soo fariisiyaan, waliba waxay ka qaybgaliyaan dooda dhexmaraysa dadka waaweyn; si uu ugu tababarto. Tan kale waxaa loola hadlaa ama loola dhaqmaa sidii nin weyn ama naag weyn. Waxaa loogu yeeraa KUNYAH ( hebel aabihiyow ama hebel hooyadiyey); si loo dareensiiyo inuu yahay qof muhiim ah ama xilkas ah.

Ilmaha waalidku wuxuu siinayaa warbixin, isna wuu waraysanayaa, talo ayaa la weydiinayaa, ama wada tashi ayaa la samaynayaa. Ilmaha waxaa loo xilsaarayaa soo dhaweynta martida, sooryadooda iyo inuu la fariisto oo u sii sheekeeyo.

Dhaqankeena waxaa ku jira ilmaha in lagu qayliyo ama canaan lala dabagalo, taas oo keenaysa in uu niyadjabo ama isu arko qof hooseeya oo aan mudnayn in wax la weydiiyo ama la dhagaysto. Xataa waxa loo tarayo wuxuu u arkayaa dulmi loo gaysanayo waayo waxaa loogu bandhigayaa si cunfi ah: waryaa cun, kac qubayso, bax iskoolka aad iwm.

Gabagabadii waa suurtagale isku day in ilmahaagu isaga oo yar kala garto waxa ku habboon iyo waxa aan ku habboonayn , inuu garto xilkiisa iyo habkuu u gudan lahaa, ogowna inuu wax kasta u baran karo sida uu afka u bartay adoo aan juhdi kaaga bixin!.
Haddii kale u yara sug isaga oo 25 sano jira walaashi canjeela isii ha kula diriree!.

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Walaalnimo

1- waa in ummadda muslimka ah ka nabadgasho afkaaga iyo addinkaaga oo aadan midna ku waxyeelayn naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. 2- waa in aad ula dhaqantid sida naftaada adoo ka duulaya xadiiskii nabiga ee ahaa "qofkiin mu'min noqon maayo ilaa uu walaalki la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay" ogow walaalku waa walaalka diinta. 3- darajada seddexaad waxaa weeye inaad walaalka naftaada wax uga doortid oo aad u hurtid waxaad aad ugu baahantahay. Haddaba adiga oo xasiloon si dagan uga fakar ninka oranaya: diinta iyo ehelkeeda ayaan wax u tarayaa oo wax uu muslimiinta y tara iska daaye ay ka maan heli waayeen.

فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري

بسم الله الرحمن الرحيم فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري بعث بعض الطلاب الصوماليين في الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية سؤالا حول منهج حسان حسين العقدي إلى علماء الصومال، وفيما يلي نص السؤال: إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله وبعد: فإن الله سبحانه وتعالي قد قيض لهذا الدين في كل زمان عدولا ينفون عنه تحريف الغالين وانتحال المبطلين وتأويل الجاهلين، وأمر بالرجوع إليهم في أمور الدين حيث قال سبحانه (فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون)، فهم مصابيح الدجى وأئمة الهدى، إليهم يفزع بعد الله في أوقات الفتن، واشتباه الحق بالباطل، ونحن طلاب الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية  نكن محبة لا توصف واحتراماً تقتضيه الديانة لعلمائنا الأفذاذ في الصومال الذين أحيا الله بهم منهج السلف بعد موات، وهدى بسببهم جموعاً لا تعد ولا تحصى، ونسأل الله أن يجزيهم عنا وعن المسلمين في الصومال خير ما جزى عالماً عن أمته وداعياً

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday              Tusmada kitaabka   Mowduuca                                                Bogga 1. Tusmo ……….………………………………1 2. Ducada Furfurashada ……………………..4 3. Mahadnaq …………………………………..6 4. Gogoldhig ……...……………………………7 5. Hordhac ...……....…………………………..12 6. Nabi Ibraahiim, Xaaskiisa Iyo boqorkii faajirka ahaa ...............................................................17 7. Habar khayrka aad ugu hanweyn ..............26 8. Dhagaxii la cararay maradii Nabi Muuse.. 33 9. Qorraxda oo Ilaahay Nebi Yuushac u joojiyey ..38 10. Samirkii Nabi Ayyuub ..………......……......44 11. Labo dumara oo mid wiilkeedii Yey ka cunay …52 12. Nabi Suleymaan oo ilmo hal jeex   ah u dhashay 58 13. Shan waxyaabood oo Ilaahay Nabi Yaxye ku amray . ...64 14. Nabi ay qowmkiisii cajabgaliyeen! ..............76 15. Nabigii quraanyada gubay ………………..81 16. Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday!