Skip to main content

I daaya kiiladiiba Qariid baad ku dhamaysateene!

I daaya kiiladiiba Qariid baad ku dhamaysateene!

Nin qurbe-joog ah ayaa gabar guursaday. Markuu muddo maqanaadaba intuu yimaado ayuu inanta hotel la dagaa!. Shalay buu nin saaxiibkay ah ku yiri: ninyohow hotel aan aroos ku dhigto ii soo qabo, rag 40 ahna ii soo balami.

Wuxuu ugu jawaabay berigii hore sonkorta kiilo kiilo ayaa loo soo miisan jirey. Marka guriga la keeno ayaa ciyaalku hooyadood ku soo yaaci jireen iyagoo dhahaya: hooyo iigu shub (sonkor ay qariidaan bay doonayaan). Kolkaas bay midba xoogaa sacabka ugu shubi jirtey. Markay ku soo noqdaan ayay ku oran jirtay: war idaaya kiiladiiba qariid baad ku dhamayseene. Haddaba hebelow maxaa aroos ah wixiiba qariid baad ku dhamaysaye!.

Qisadaan iyo jawaabta saaxiibkay ninka siiyey waxyaabo badan bay isoo xusuusisay, waxaana garwaaqsaday inay jiraan waxyaabo badan oo qariid lagu dhamaystay. Waxaa ka mida cilmiga, dhaqaalaha, siyaasadda, qoyska, sharfta iyo sumcadda iwm.

Nin baa beri hore nagu yiri: " soomaalidu caajilka ayay jeceshahay" wuxuu ka wadaa waxa markaas la helayo oo liita ayay ka jecelyihiin wax dib ka imaan doona oo qiima leh. Tusaale qoraxda ka cad waxaa inoo ah sida aynu adduunyadaan liidata uga doorano jannooyinka aakhiro.
Dhinaca cilmiga nin baa waddada cilmiga cagta saara oo uu si fiican ugu baxaa ama albaabadiisu ugu furmaan. Kolkaas bay meel uga hillaacdaa dhadhamo adduunyo, qariid ayuuna ku dhamaystaa intaysan weli u bislaan mirihii uu beeranayey!.

Dhinaca siyaasadda nin weyn oo dadku qaddariyo, loona arko inuu yahay siyaasi weyn oo qaddiyad iyo mabaadi' xambaarsan ayaa markiiba waddadiisii uga janjeersada hunguri yar oo degdeg ah ama mowqif markaas taagan oo sidii uu rabey aan u socon. Waxaa dhici karta inuu sumcaddiisa, awooddiisa iyo khibradiisa oo dhan intaas galiyo oo ay ka soo fulaan hadalo ama ficilo aan meekhaankiisa ku munaasib ahayn, qariid ayuuna ku dhamaystaa wixii uu jago weyn ama hadaf qiimo leh ku xaqiijin lahaa!.

Dhinaca qoyska laftiisa dumarka qaarkood markay ninka is guursadaanba waxay xoogga saaraan siday nimankooda wax adduunyo ah uga kasban lahaayeen!. Ninkii ay naftiisa, maalkiisa iyo qoyskiisa oo dhan saldhigga u noqon lahayd ayay qariid markiiba ku bilowdaa, taasna waxay u keentaa inay weydo reer qiima leh oo nolol wanaagsan ku daa'ima.

Gabagabadii qariidka iyo ceeriin ku cunku meelna kuma fiicna, horayna waxaa loo yiri: "horey u cune dib uma cuno" ee aynu nafteena ka adkaano oo dib wax u eegno; waayo dunidu maanta kaliya maaha ee gadaal bay u badantahay!.

Comments

Popular posts from this blog

Walaalnimo

1- waa in ummadda muslimka ah ka nabadgasho afkaaga iyo addinkaaga oo aadan midna ku waxyeelayn naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. 2- waa in aad ula dhaqantid sida naftaada adoo ka duulaya xadiiskii nabiga ee ahaa "qofkiin mu'min noqon maayo ilaa uu walaalki la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay" ogow walaalku waa walaalka diinta. 3- darajada seddexaad waxaa weeye inaad walaalka naftaada wax uga doortid oo aad u hurtid waxaad aad ugu baahantahay. Haddaba adiga oo xasiloon si dagan uga fakar ninka oranaya: diinta iyo ehelkeeda ayaan wax u tarayaa oo wax uu muslimiinta y tara iska daaye ay ka maan heli waayeen.

فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري

بسم الله الرحمن الرحيم فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري بعث بعض الطلاب الصوماليين في الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية سؤالا حول منهج حسان حسين العقدي إلى علماء الصومال، وفيما يلي نص السؤال: إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله وبعد: فإن الله سبحانه وتعالي قد قيض لهذا الدين في كل زمان عدولا ينفون عنه تحريف الغالين وانتحال المبطلين وتأويل الجاهلين، وأمر بالرجوع إليهم في أمور الدين حيث قال سبحانه (فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون)، فهم مصابيح الدجى وأئمة الهدى، إليهم يفزع بعد الله في أوقات الفتن، واشتباه الحق بالباطل، ونحن طلاب الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية  نكن محبة لا توصف واحتراماً تقتضيه الديانة لعلمائنا الأفذاذ في الصومال الذين أحيا الله بهم منهج السلف بعد موات، وهدى بسببهم جموعاً لا تعد ولا تحصى، ونسأل الله أن يجزيهم عنا وعن المسلمين في الصومال خير ما جزى عالماً عن أمته وداعياً

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday              Tusmada kitaabka   Mowduuca                                                Bogga 1. Tusmo ……….………………………………1 2. Ducada Furfurashada ……………………..4 3. Mahadnaq …………………………………..6 4. Gogoldhig ……...……………………………7 5. Hordhac ...……....…………………………..12 6. Nabi Ibraahiim, Xaaskiisa Iyo boqorkii faajirka ahaa ...............................................................17 7. Habar khayrka aad ugu hanweyn ..............26 8. Dhagaxii la cararay maradii Nabi Muuse.. 33 9. Qorraxda oo Ilaahay Nebi Yuushac u joojiyey ..38 10. Samirkii Nabi Ayyuub ..………......……......44 11. Labo dumara oo mid wiilkeedii Yey ka cunay …52 12. Nabi Suleymaan oo ilmo hal jeex   ah u dhashay 58 13. Shan waxyaabood oo Ilaahay Nabi Yaxye ku amray . ...64 14. Nabi ay qowmkiisii cajabgaliyeen! ..............76 15. Nabigii quraanyada gubay ………………..81 16. Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday!