Skip to main content

Ma doonaysaa in lagu jeclaado?


Dadku waxay ka simanyihiin inay wada jecelyihiin in la jeclaado, la qadariyo, lana ixtiraamo. Ilmuhu way jecelyihiin in waalidkood jeclaado, waalidkuna sidoo kale in ilmohoodu jeclaadaan oo qadariyaan way jecelyihiin. Waxaa la mid ah macalinka iyo ardaydiisa, ninka madaxda ah iyo dadka uu xukumo. Dhalinyaradu waxay daneeyaan in asxaabtoodu jeclaadaan oo ixtiraamaan. Ilmaha qaar baa guryohooda ka taga oo suuqa iska gala waayo waxay ka waayeen jacayl, caadifad, ixtiraam iyo amaan. Gabdhuhu marar badan waxay guursadaan niman aan qiime lahayn; waayo waxay ka maqleen wax aanay guryohooda iyo dadkooda ka maqal oo ah waan ku jeclahay iyo waad qurxoontahay!.

Si gaara dadka is qaba rag iyo dumarba aad bay u qiimeeyaan in qofka ay is qabaan jecelyahay. Mid walba wuxuu ku dadaalaa in uu is jeclaysiiyo lamaanihiisa, wuxuu ku dadaalaa waxa jeclaysiinaya, wuxuuna ka dheeraadaa waxyaabaha nacsiinaya. Marar badan waxaa dhacda in gabari ninkeeda diido ama la dirirto iyadoo ku sababaynaysa ima jecla!.

Haddaba aynu is weydiino sababaha ay inoo jeclaan waayeen dadka aynu doonayno inay ina jeclaadaan?. Ma laga yaabaa in aynu dariiq qalad ah u marnay is jeclaysiinta dadka oo aynu jacayl ka doonay meel aanu jirin?. Ma dhici kartaa in aynu wixii la inagu nibcaan lahaa jacayl ku raadinayno?. Jawaabtu waa haa. Gabdhaha guur-doonka ah ee la guursan waayo soo qaarkood xijaabka kama tagaan ama ma khafiifiyaan bal si ay ragga quruxdooda u tusaan oo u soo jiitaan?. Wiilasha qaarkood si gabdhuhu u aqbalaan soo been iyo faataadhug uguma sheekeeyaan?. Dumarka la qabo qaarkood soo saygooda sixir iyo balaayo kuma qodbaan si uu u jeclaado?. Dad badan oo rag iyo dumar ah soo is tustus iyo wax la mida kuma kacaan bal si ay indhaha u soo jiitaan?.

Ugu horayn aynu caddayno in shareecadu ina amartay in aynu samayno wax kasta oo Ilaahay iyo ummaddu inagu jeclaanayaan, isla markaasna ay inaga reebtay wax walba oo Rabbi inoogu caroonayo, ummadduna inagu nacayso. Arrimaha la inagu jeclaanayo ee mudan in si gaara loo soo qaado waxaa ka mida:

1.                   In aadan qofna ku raalligalin wax Rabbi ka caraysiinaya. Haddii aad sidaa yeeshid Ilaahay waa kuu caroonayaa, dadkana wuu ku nacsiinayaa. Ogow dadka quluubtoodu Ilaahay gacantiisa ayay ku jirtaa sidii uu doono ayuuna ka yeelaa. Qofkii dadka kaga caraysiiya wax Ilaahay raalligalinaya Ilaahay raalli ayuu ka noqdaa, dadkana raali ayuu uga dhigaa. Haddaba qof walba ha ku dadaalo inuu sameeyo waxa Rabbi kaga raali noqonayo dadkuba ha ka caroodeene, qofna yaanu isku dayin cidda uu danaynayo inuu ku raalligaliyo wax Rabbi ka caraysiinaya.

2.                   In aad Alle iyo diintiisa rumaysid, camal saalix ahna samaysid. Kolkaas Allaha raxmaanka ah kalgacayl buu kuu galinayaa  dadka quluubtooda. Nabigu wuxuu yiri: “ Alle markuu addoon jeclaado Jibriil ayuu u dhawaaqaa: anigu hebel waan jeclaaday ee jeclow, kolkaas ayuu Jibriil jeclaanayaa, markaas ayuu inta samada joogta ugu dhawaaqayaa: Alle hebel wuu jeclaaday ee jeclaada, markaas bay samada ehelkeedu jeclaanayaan, ka dibna aqbal ayaa dhulka loo dhigayaa. Kolkii Alle addoon nibcaadana Jibriil ayuu u dhawaaqaa: anigu hebel waa nibcaaday ee nibcow, kolkaas ayuu Jibriil nibcaanayaa, ka dibna ehlu-samada ayuu ugu dhawaaqayaa: Alle hebel wuu nibcaaday ee nibcaada, markaas bay ehlu-samadu nibcaanayaan, ka dibna dhulka ayaa nacayb loo dhigayaa”. Wuxuu uga jeedaa kan Alle jeclaaday inta dhulka joogta baa la aqbalsiinayaa, kan Alle nibcaadayna inta dhulka joogta ayaa la nibcaysiinayaa.

Nin culumadii hore ah ayaa laga sheegay: haddaan Ilaahay caasiyo waxaan ka gartaa xaaskayga iyo daabbadayda dabcigooda!. Haddaad Alle ka baqdid arrimahaaga wuu kuu yasirayaa, farajna wuu kuu furayaa. Ciddii caasidana waa hubaal in sidaa badalkeeda uu la kulmayo.

Wiilkii ama gabadhii guur-doon ah ee doonaya in la jeclaado Alle ha raalligaliyeen waa la jeclaan, waana la guursane, saygii ama afadii doonaya in lamaanohoodo jeclaado Alle ha rumeyeen camal saalix ahna ha sameeyeen, waalidkii doonaya in ilmihiisu jeclaadaan oo baarri u noqdaan Alle ha raaliyagliyo, ilmihii doonaya in waalidkood jeclaado oo u duceeyo Alle ha raalligaliyeen.

3.                   Waxaa jira hab wanaagsan oo la doonayo in dadka oo dhan lagula dhaqmo qowl iyo ficilba iyo hab xun oo la doonayo in dadka lagula dhaqmo qowl ahaan iyo ficil ahaamba. Dadkuna way nibcaadaan qofka hadalka xun ee dhaqanka xun hadduu doono qaraabo ha noqdeene. Asal ahaana waxaa muhiim ah in aad ogaatid qofkaan dhaqanka xun in aanu ku sifoobin tilmaantii Alle ku jeclaan lahaa, dadkana uu ku jeclaysiin lahaa; waayo dhaqan xumada iyo hadal xumadu camal saalix ah maaha. Taa macneheedu waxaa weeye qofka Ilaahay si wanaagsan ula dhaqma ayaa dadkana si wanaagsan ula dhaqma. Qofka xaqa Alle ka soo baxay ayaa xuquuqda dadkana ka soo baxa.

Marka aynu ka hadlayno mowduuca jacaylka waxaa muhiim ah in qofka muslimka ah ee walaalkiisa muslimka ah jecel uu usheego inuu Alle darti u jecelyahay, kan la jeclaadayna uu ugu jawaabo: Allihii aad darti ii jeclaatay ha ku jeclaado. Waxaa iyana muhiim ah in waalidku ilmihiisa u muujiyo jacayl, afkana uga sheego, sayguna xaaskiisa mar walba u sheego inuu jecelyahay, iyaduna ay u sheegto kalgacaylka ay u qabto, isla mar ahaantaasna dhaqankoodu noqdo mid jacayl ku dhisan. Arrintaa waxaa loo samaynayaa in quluubtu isu soo dhawaato, wixii kala galay ee shaki ama cuqdad ahna ka baxdo; waayo diinteenu waxay xoogsaartay isjaxaylka, isku xirnaanta, isku kalsoonida, iskaashiga iwm.

Gunaanadka qormadeena aynu isla meeldhigno in ninkii ama gabadhii Ilaahay nibcaado, dadkana uu nibcaysiiyo aysan awoodi Karin inay lamaanohooda is jeclaysiiyaan; waayo Ilaahay baa quluubta xukuma ciddii uu doono ayuu jeclaysiiyaa, ciddii uu doonana wuu nacsiiyaa. Qof kasta oo doonaya in la jeclaado, lana qadariyo waa inuu noqodo mu’min, camal saalix ah sameeyey, Ilaahayna raaligaliya, kolkaas ayuu Alle jeclaan ummaddana jeclaysiin.

Comments

Popular posts from this blog

Walaalnimo

1- waa in ummadda muslimka ah ka nabadgasho afkaaga iyo addinkaaga oo aadan midna ku waxyeelayn naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. 2- waa in aad ula dhaqantid sida naftaada adoo ka duulaya xadiiskii nabiga ee ahaa "qofkiin mu'min noqon maayo ilaa uu walaalki la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay" ogow walaalku waa walaalka diinta. 3- darajada seddexaad waxaa weeye inaad walaalka naftaada wax uga doortid oo aad u hurtid waxaad aad ugu baahantahay. Haddaba adiga oo xasiloon si dagan uga fakar ninka oranaya: diinta iyo ehelkeeda ayaan wax u tarayaa oo wax uu muslimiinta y tara iska daaye ay ka maan heli waayeen.

فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري

بسم الله الرحمن الرحيم فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري بعث بعض الطلاب الصوماليين في الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية سؤالا حول منهج حسان حسين العقدي إلى علماء الصومال، وفيما يلي نص السؤال: إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله وبعد: فإن الله سبحانه وتعالي قد قيض لهذا الدين في كل زمان عدولا ينفون عنه تحريف الغالين وانتحال المبطلين وتأويل الجاهلين، وأمر بالرجوع إليهم في أمور الدين حيث قال سبحانه (فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون)، فهم مصابيح الدجى وأئمة الهدى، إليهم يفزع بعد الله في أوقات الفتن، واشتباه الحق بالباطل، ونحن طلاب الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية  نكن محبة لا توصف واحتراماً تقتضيه الديانة لعلمائنا الأفذاذ في الصومال الذين أحيا الله بهم منهج السلف بعد موات، وهدى بسببهم جموعاً لا تعد ولا تحصى، ونسأل الله أن يجزيهم عنا وعن المسلمين في الصومال خير ما جزى عالماً عن أمته وداعياً

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday              Tusmada kitaabka   Mowduuca                                                Bogga 1. Tusmo ……….………………………………1 2. Ducada Furfurashada ……………………..4 3. Mahadnaq …………………………………..6 4. Gogoldhig ……...……………………………7 5. Hordhac ...……....…………………………..12 6. Nabi Ibraahiim, Xaaskiisa Iyo boqorkii faajirka ahaa ...............................................................17 7. Habar khayrka aad ugu hanweyn ..............26 8. Dhagaxii la cararay maradii Nabi Muuse.. 33 9. Qorraxda oo Ilaahay Nebi Yuushac u joojiyey ..38 10. Samirkii Nabi Ayyuub ..………......……......44 11. Labo dumara oo mid wiilkeedii Yey ka cunay …52 12. Nabi Suleymaan oo ilmo hal jeex   ah u dhashay 58 13. Shan waxyaabood oo Ilaahay Nabi Yaxye ku amray . ...64 14. Nabi ay qowmkiisii cajabgaliyeen! ..............76 15. Nabigii quraanyada gubay ………………..81 16. Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday!