Skip to main content

Khatarta guur la’aanta



                Guurku wuxuu ka mid yahay nicmooyinka waaweyn ee Ilaahay adoomadiisa ku galladaystay, ka tagistiisuna waxay qofka iyo bulshadaba ku leedahay saamayn xun. Khataraha ugu waaweyn oo ka dhasha ka dheeraanshaha guurka waxaa ka mida:

11-    Ka dheeraanshaha guurku wuxuu sababaa jirrooyin nafsi ah, sida: waali, islahadal, walwal iwm. Waxaa dhici karta in jirradaas isu badasho mid xubnaha ah oo daweynteedu adagtahay. Diraasad Maraykan ah oo cusub ayaa faa’iidaysay in guurku hagaajiyo caafimaadka miskaxda gaar ahaan dadka qaba murugta iyo isla-hadalka; sidaa darted waxaa lagama maarmaan ah inay guursadaan dadka qaba murugta, moral-jabka iyo dareenka kalinimo .

22-     Dadka aan guursan waxaa ku dhaca moral-jab ka yimaada dibu-dhaca haleelay iyo horumarka asaaggood sameeyeen; waayo dadkii ay isku ayniga ahaayeen ayaa noqday mudanayaal iyo marwooyin leh reer iyo ubad bulshadana ku dhex leh qadarin iyo maamuus halka iyo ay weli ciyaal xaafad yihiin!.

33-  Waxaa dhici karta dadka guurka dib u dhiga inay noqdaan ma dhalayaal ama ay gabdhaha iyaga oo waaweyn ay ku dhibtoodaan dhalmada ama uu ku bato dhiciska iyo dilanku ama carruurta ay dhalayso yaraato dibudhaca guurkeeda darti. Waxaa iyana dhacda in dadka guurka dib u dhiga ay haleesho cillad aanu helayn cid guursata laakiin haddii cillad heshi isaga o reer leh uma badna inuu reer la’aan muto.
4    
44- Ka dheeraanshaha guurku wuxuu dhaliyaa xilkasnimo la’aan iyo asaagga oo laga haro.

55-  Waxaa kale oo dhacda inuu qofkii guurka dib u dhigay dhinto isaga oo aan ubad ka tagin, sidaasna uu ku waayo cid geerida ka dib usoo ducaysa iyo magac ka hara labadaba.

66-   Ka dheeraanshaha guurku bulshada wuxuu u gaystaa dhibaatooyin ay ka mid yihiin:

a)      Tarankii dadka ee saldhiga u ahaa horumarka bulshada oo la dhimo.
b)      Sinada iyo xumaha oo bulshada ku dhexfaafa, ka dibna ay ka dhashaan jirrooyin khatar ah oo wax u dhima caafimaadka iyo dadnimada bulshada.
c)       Jariimooyinka iyo falal dambiyeedka oo ku bata bulshada dhexdeeda.
d)      Soo dagista ciqaabta Ilaahay ee aan barbar marin ciddii faaxishada si barer ah u muujisata.

Comments

Popular posts from this blog

Walaalnimo

1- waa in ummadda muslimka ah ka nabadgasho afkaaga iyo addinkaaga oo aadan midna ku waxyeelayn naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. 2- waa in aad ula dhaqantid sida naftaada adoo ka duulaya xadiiskii nabiga ee ahaa "qofkiin mu'min noqon maayo ilaa uu walaalki la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay" ogow walaalku waa walaalka diinta. 3- darajada seddexaad waxaa weeye inaad walaalka naftaada wax uga doortid oo aad u hurtid waxaad aad ugu baahantahay. Haddaba adiga oo xasiloon si dagan uga fakar ninka oranaya: diinta iyo ehelkeeda ayaan wax u tarayaa oo wax uu muslimiinta y tara iska daaye ay ka maan heli waayeen.

فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري

بسم الله الرحمن الرحيم فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري بعث بعض الطلاب الصوماليين في الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية سؤالا حول منهج حسان حسين العقدي إلى علماء الصومال، وفيما يلي نص السؤال: إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله وبعد: فإن الله سبحانه وتعالي قد قيض لهذا الدين في كل زمان عدولا ينفون عنه تحريف الغالين وانتحال المبطلين وتأويل الجاهلين، وأمر بالرجوع إليهم في أمور الدين حيث قال سبحانه (فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون)، فهم مصابيح الدجى وأئمة الهدى، إليهم يفزع بعد الله في أوقات الفتن، واشتباه الحق بالباطل، ونحن طلاب الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية  نكن محبة لا توصف واحتراماً تقتضيه الديانة لعلمائنا الأفذاذ في الصومال الذين أحيا الله بهم منهج السلف بعد موات، وهدى بسببهم جموعاً لا تعد ولا تحصى، ونسأل الله أن يجزيهم عنا وعن المسلمين في الصومال خير ما جزى عالماً عن أمته وداعياً

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday              Tusmada kitaabka   Mowduuca                                                Bogga 1. Tusmo ……….………………………………1 2. Ducada Furfurashada ……………………..4 3. Mahadnaq …………………………………..6 4. Gogoldhig ……...……………………………7 5. Hordhac ...……....…………………………..12 6. Nabi Ibraahiim, Xaaskiisa Iyo boqorkii faajirka ahaa ...............................................................17 7. Habar khayrka aad ugu hanweyn ..............26 8. Dhagaxii la cararay maradii Nabi Muuse.. 33 9. Qorraxda oo Ilaahay Nebi Yuushac u joojiyey ..38 10. Samirkii Nabi Ayyuub ..………......……......44 11. Labo dumara oo mid wiilkeedii Yey ka cunay …52 12. Nabi Suleymaan oo ilmo hal jeex   ah u dhashay 58 13. Shan waxyaabood oo Ilaahay Nabi Yaxye ku amray . ...64 14. Nabi ay qowmkiisii cajabgaliyeen! ..............76 15. Nabigii quraanyada gubay ………………..81 16. Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday!