Skip to main content

Maxaa imaamka xaramka dadka looga celiyaa?

Imaamyada Masjid xaraamka iyo masjidka nabiga صلى الله عليه وسلم askar ayaa dadka ku soo yaacaya ka celisa markay masjidka galayaan niyo markay ka baxayaan. Sababtu waxaa weeye jacaylka iyo xiisah
a muslimiintu u hayaan culumada gaar ahaan imaamyada xarameynka; si aanay dadweynaha qiiraysan u waxyeelayn imaamyada ayaa laga celiyaa dadka ku soo qamaamaya.


Habeen hore markii Sheekh Maxamed Cumar Dirir Muxaadarada ka jediyey Masjidka Al-nuur ee magaalada Jigjiga ayaa dadweynihii rag iyo dumarba masjidkii soo buuxdhaafiyeen oo dadka qayb dibada ku tukatay, kuwa farabadana muxaadarada ka dhagaysaneyeen banaanada iyo waddooyinka masjidka ku xeeran.

Markii Sheekhu Darsigii dhameeyey oo cishihii la tukaday ayaa dadweynihii Sheekhii ku soo qamaameen gaar ahaan dhalinyarada oo masjidka u badnaa. Waxay noqotay in mixraabka la galiyo oo dadka makarafoonka lagala hadlo inay iska baxaan, loona sheego in sheekhu soo noqon doono laakin cidna hadalkaas dhag jalaq uma siin!.

Waxaan soo jeediyey in la keno miiskii oo sheekhu intuu fuulo uu dadka kor ka salaamo oo la hadlo si ay u qancaan, laakiin Sheekha ayaa markiiba MINBARKA u baxay oo dhalinyaradii salaamay, una sheegay inuu jecelyahay, kuna faraxsanyahay kulankooda iyo isbarashadooda. Kuwo badana waxay fursad u heleen inay gacanqaadaan isaga oo kinbarka saaran. Laakiin waxaas oo dhan dhalinyaradii kuma tagin ee halkoodii ayay sii taagnaayeen.

Ugu damabyn maamulka MU"ASSASADA ALSUNNA iyo maamulka masjidka dani waxay ku khasabtaya inay sheekha sidii askartii dhinacyada ka maraan oo sidaas albaabka lagaga saaro gaarigana toos loo galiyo. Intaa kuma ekaane rag ayaaba gaariga xaggiisa sare sii buuxiyey bal si ay fursad ugu helaan markuu hotelka tago inay gacanqaadaan. Sidaas ayaana dhacday.

Waxaa is weydiin leh dadkaan maxaa keenay inay sidaa culumada u jeclaadaan?. Maxayse tusaysaa arrintaasi?. Ilaahay cidda uu jeclaado addoomadiisa ayuu jeclaysiiyaa, waana calaamad tusaysa sida dadkeenu diintooda iyo culumada xambaarsan u jecelyihiin.

Ilaahay waxaan uga baryayaa Culumada iyo ehlu khayrka jecelba inuu jannada ku kulmiyo innagana inagu daro kuwa uu jecelyahay, adoomadiisana uu jeclaysiiyey.

Comments

Popular posts from this blog

Walaalnimo

1- waa in ummadda muslimka ah ka nabadgasho afkaaga iyo addinkaaga oo aadan midna ku waxyeelayn naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. 2- waa in aad ula dhaqantid sida naftaada adoo ka duulaya xadiiskii nabiga ee ahaa "qofkiin mu'min noqon maayo ilaa uu walaalki la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay" ogow walaalku waa walaalka diinta. 3- darajada seddexaad waxaa weeye inaad walaalka naftaada wax uga doortid oo aad u hurtid waxaad aad ugu baahantahay. Haddaba adiga oo xasiloon si dagan uga fakar ninka oranaya: diinta iyo ehelkeeda ayaan wax u tarayaa oo wax uu muslimiinta y tara iska daaye ay ka maan heli waayeen.

فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري

بسم الله الرحمن الرحيم فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري بعث بعض الطلاب الصوماليين في الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية سؤالا حول منهج حسان حسين العقدي إلى علماء الصومال، وفيما يلي نص السؤال: إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله وبعد: فإن الله سبحانه وتعالي قد قيض لهذا الدين في كل زمان عدولا ينفون عنه تحريف الغالين وانتحال المبطلين وتأويل الجاهلين، وأمر بالرجوع إليهم في أمور الدين حيث قال سبحانه (فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون)، فهم مصابيح الدجى وأئمة الهدى، إليهم يفزع بعد الله في أوقات الفتن، واشتباه الحق بالباطل، ونحن طلاب الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية  نكن محبة لا توصف واحتراماً تقتضيه الديانة لعلمائنا الأفذاذ في الصومال الذين أحيا الله بهم منهج السلف بعد موات، وهدى بسببهم جموعاً لا تعد ولا تحصى، ونسأل الله أن يجزيهم عنا وعن المسلمين في الصومال خير ما جزى عالماً عن أمته وداعياً

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday              Tusmada kitaabka   Mowduuca                                                Bogga 1. Tusmo ……….………………………………1 2. Ducada Furfurashada ……………………..4 3. Mahadnaq …………………………………..6 4. Gogoldhig ……...……………………………7 5. Hordhac ...……....…………………………..12 6. Nabi Ibraahiim, Xaaskiisa Iyo boqorkii faajirka ahaa ...............................................................17 7. Habar khayrka aad ugu hanweyn ..............26 8. Dhagaxii la cararay maradii Nabi Muuse.. 33 9. Qorraxda oo Ilaahay Nebi Yuushac u joojiyey ..38 10. Samirkii Nabi Ayyuub ..………......……......44 11. Labo dumara oo mid wiilkeedii Yey ka cunay …52 12. Nabi Suleymaan oo ilmo hal jeex   ah u dhashay 58 13. Shan waxyaabood oo Ilaahay Nabi Yaxye ku amray . ...64 14. Nabi ay qowmkiisii cajabgaliyeen! ..............76 15. Nabigii quraanyada gubay ………………..81 16. Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday!