Skip to main content

Sida islaamku guurka u boorriyey


Islaamku siyaabo kala duwan ayuu dadka ugu boorriyey guurka, waxaana ka mida:
1. Wuxuu sheegay inuu guurku ka mid yahay dhaqankii (sunnadii) rushusha. Alle wuxuu yiri: “ waxaan hortaa soo dirnay rusul, waxaana u samaynay xaasas iyo ubad”.

 Bukhaari iyo Muslim waxay ka wariyeen Anas inuu yiri: seddex nin baa yimid guryihii nabiga  صلى الله عليه وسلم iyagoo weydiinaya cibaadada nabiga, markii loo sheegay ayay yaraysteen, waxayna dheheen annagu xaggee ka joognaa nabiga, isaga dambigiisii hore iyo dambigiisii dambeba waa loo dhaafaye. Midkood wuxuu yiri: anigu habeenkii ayaan tukanayaa waligey, midna wuxuu yiri: anigu samankoo dhan waan soomayaa mana afurayo, midna wuxuu yiri: aniguna naagaha ayaan isaga dheeraanayaa oo waligay ma guursanayo.

Nabiga ayaa u yimid oo ku yiri: “ma idinkaa kuwa sidaa iyo sidaa yiri?. Wallaahi aniga ayaa idiinku Alle ka cabsi badan, idiinkuna taqwo badan, laakiin waan soomayaa waana afurayaa, waa tukanayaa waana seexanayaa, dumarkana waan guursanayaa ee ninkii sunnadayda naca iga mid maaha”.

Bukhaari ayaa ka wariyey Cabdullaahi ibnu Jubayr in Cabdullaahi Ibnu cabbaas ku yiri: ma guursatay?. Waxaan iri: maya. Wuxuu yiri: guurso; waayo ummaddaan waxaa u khayr badnaa ciddii ugu naago badnayde. Wuxuu Ibnu Cabbaas ula jeedaa nabiga عليه الصلاة والسلام. Imaamu Axmadna wuxuu yiri: doobnimadu arinta islaamnimada meelna kagama jirto. Wuxuu kaloo yiri: qofkii kuugu yeera guur la’aan wuxuu kuugu yeeray wax aan islaamka ahayn.

Waxaan aad ula yaabay sida uu isu waafaqay hadalka Imaamu Axmad iyo sheekada habraha Soomaaliyeed ee ahayd “ qofkii meher la’aan dhinta waa laga dayrinayey!”.

 Waxaa kale oo yaab leh sida dad badan oo guurka baahi weyn u qaba, awoodna u leh aysan u guursan iyaga oo aanay jirin wax ka hortaagan. Waxaan soo xusuustay Sayid Cumar oo ku yiri: Abu-azzawaa’id: “guurka kuuma diidana waxaan ahayn CAJSI ama FUJUUR”. Bal dhalinyarada faraha badan ee tilmaantaan leh dib ha isugu noqdeen wiilal iyo gabdhaba.

2. Mar kale Ilaahay wuxuu inagu galladaystay inuu ina siiyey xaasas iyo ubad ka farcamay, wuxuuna yiri: “ Ilaahay wuxuu naftiina idiinka sameeyey xaasas, xaasaskiinana wuxuu idinka siiyey wiilal iyo kuwo ay sii dhaleen, risiq wanaagsana wuu idin siiyey”.

3. Mar kale islaamku amar toos ah ayuu ku bixinayaa guurka. Ilaahay wuxuu yiri: “guursada wixii idiin wanaagsanaada oo dumar ah”. Nabiguصلى الله عليه وسلم  wuxuu yiri: “dhalinyarooy ha guursado ninkii idinka mid ah ee kara culayska guurka (ninimo ahaan iyo dhaqaale ahaan); waayo isagaa indhahaa laabi og, farjigana dhawri og”. Ilaahay wuxuu yiri: “ u guuriya kuwa reer laawayaasha ah ee idinka midka ah iyo kuwa wanwanaagsan ee addoomadiina ah (rag iyo dumar).

4. Mar kale islaamku wuxuu sheegaa faa’iidooyinka guurka si uu dadka ugu boorriyo, waxaana ka mida: ajarka laga helayo, ubadka ka dhalanaya, xasiloonida iyo daganaanshaha, naxariista iyo kalgacaylka iwm.

Comments

Popular posts from this blog

Walaalnimo

1- waa in ummadda muslimka ah ka nabadgasho afkaaga iyo addinkaaga oo aadan midna ku waxyeelayn naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. 2- waa in aad ula dhaqantid sida naftaada adoo ka duulaya xadiiskii nabiga ee ahaa "qofkiin mu'min noqon maayo ilaa uu walaalki la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay" ogow walaalku waa walaalka diinta. 3- darajada seddexaad waxaa weeye inaad walaalka naftaada wax uga doortid oo aad u hurtid waxaad aad ugu baahantahay. Haddaba adiga oo xasiloon si dagan uga fakar ninka oranaya: diinta iyo ehelkeeda ayaan wax u tarayaa oo wax uu muslimiinta y tara iska daaye ay ka maan heli waayeen.

فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري

بسم الله الرحمن الرحيم فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري بعث بعض الطلاب الصوماليين في الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية سؤالا حول منهج حسان حسين العقدي إلى علماء الصومال، وفيما يلي نص السؤال: إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله وبعد: فإن الله سبحانه وتعالي قد قيض لهذا الدين في كل زمان عدولا ينفون عنه تحريف الغالين وانتحال المبطلين وتأويل الجاهلين، وأمر بالرجوع إليهم في أمور الدين حيث قال سبحانه (فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون)، فهم مصابيح الدجى وأئمة الهدى، إليهم يفزع بعد الله في أوقات الفتن، واشتباه الحق بالباطل، ونحن طلاب الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية  نكن محبة لا توصف واحتراماً تقتضيه الديانة لعلمائنا الأفذاذ في الصومال الذين أحيا الله بهم منهج السلف بعد موات، وهدى بسببهم جموعاً لا تعد ولا تحصى، ونسأل الله أن يجزيهم عنا وعن المسلمين في الصومال خير ما جزى عالماً عن أمته وداعياً

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday              Tusmada kitaabka   Mowduuca                                                Bogga 1. Tusmo ……….………………………………1 2. Ducada Furfurashada ……………………..4 3. Mahadnaq …………………………………..6 4. Gogoldhig ……...……………………………7 5. Hordhac ...……....…………………………..12 6. Nabi Ibraahiim, Xaaskiisa Iyo boqorkii faajirka ahaa ...............................................................17 7. Habar khayrka aad ugu hanweyn ..............26 8. Dhagaxii la cararay maradii Nabi Muuse.. 33 9. Qorraxda oo Ilaahay Nebi Yuushac u joojiyey ..38 10. Samirkii Nabi Ayyuub ..………......……......44 11. Labo dumara oo mid wiilkeedii Yey ka cunay …52 12. Nabi Suleymaan oo ilmo hal jeex   ah u dhashay 58 13. Shan waxyaabood oo Ilaahay Nabi Yaxye ku amray . ...64 14. Nabi ay qowmkiisii cajabgaliyeen! ..............76 15. Nabigii quraanyada gubay ………………..81 16. Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday!