Skip to main content

Xugunka guurka


Diinta islaamku guurka way jidaysay, xukunkiisana qayb cululmada ka mid ah waxay dheheen waa waajib qof kasta gaar u saaran, kuwana waxay dheheen waa farad-kifaayo (wax ummadda oo dhan nku waajib ah laakiin haddii qaybtood fuliso inta kale aysan dambaabayn, hadday ka wada tagaana ay wada dambaabayaan). 

Waajibnimada guurka waxaa loo daliishaday: Ilaahay wuxuu yiri: “wixii dumara ee idiin suubada guursada”. Wuxuu kaloo yiri: “u guuriya kuwa xaaslaawayaasha ah ee idinka mid ah (xorta ah) iyo biddoodkiina (dadka la leeyahay) wanwanaagsan ee rag iyo dumarba ah”. Nabigu wuxuu yiri: “ Jamaca dhalinyarooy ninkii idinka mida ee kara ha guursado; waayo isagaa indhaha laabi og, farjigana ilaalin og”. Waxay dheheen culumadaas: waa awaamiir Ilaahay iyo nabigu ina siiyeen, amarka in la raacana waa waajib.
Laakiin culumadu waxay u badantahay in la kala qaado:

1.       “Ninka guurka u baahan ee awooda, isla markaana aan xaaraan isaga baqayn inuu guursado waa sunno”. Waxaa hubaal ah qofka muslimka ah ee guurka awooda inay sunna tahay inuu guursado si uu u xaqiijiyo ujeeddooyinkii aynu ka soo hadalnay haddii uu doono yaanu baahi qof ahaaneed u baqine. Haddii uu guurka baahi usii qabana kaba sii adag.

2.       “Ninka guurka u baahan ee awooda, hadduu guursan waayana sino isaga baqaya waa ku waajib inuu guursado”. Dhalinyarooy bal cid kalaba yeelkeede wiilka ama gabadha guurka heli kara, una baahan, sinadana isaga baqaya ee aan guursanayn xaalkooda maxaynu ku sheegi karnaa?.

Gabagabadii dhalinyarooy waxaa is weydiin leh sababta loo fulin waayey shay qof ahaan iyo bulsho ahaanba loogu baahanyahay, faa’iidooyin badana laga helayo, dhibaatooyin badana lagaga fakanayo, awoodna loo heli karo, ajarna laga helayo?. Waxaa laga yaabaa inaad iigu jawaabtid waa inaan xoolo badan helo, waa in guri weyn la ii dhiso, aqal cajab lehan la ii dhigo, waa in hobolo ii heesaan, waa in xeero la ii sameeyo, waa in, waa in iwm, ana waxaan ku leeyahay adigu baahida iyo danta naftaada ayaad ka shaqayn mise dad heesaya ama xeeryo samaynaya?. Tan kale aniga qoyska muslimka ah ee dhismaya dan baa iigu jirta, ilmaha u dhalanayana dan weyn baa iigu jirta, dadkayga oo xiriir yeelanayana dan baa iigu jirta, dhalinyaradii oo ii xasisha, xumaantana ka badbaadana dan baa iigu jirta laakiin maxaan ka faa’iidayaa gawaari dad lagu soo raray oo suuqyada la wareejinayo iyo hobolo durabaan iyo qalaad lacagtii muslinka ku qaadanaya?.

Dhalinyarooy bal sanadkaan ha shaqeeyo cilmiga iyo caqligu, dibna ha la inoogu dhigo caadifada, faanka iyo is tustuska, ku dayashada shisheeye iyo dameeri dhaan raacdaynimada, hana la ogaado gabadha loo heesay, gawaaridana loogu alalaasay in aanay ka ilmo fiicnayn tan sidii diintu ahayd loo guursaday, loona dhistay!. Bal arka ilmo si wax ka yihiin oo la leeyahay hooyadi looma heesin ama ilmo cajaa’ib leh oo lagu macneeyey in hooyadi gawaari badan lagu galbiyey. Tan kale bal aad ugu fiirsada dumarka magaalada dhexmaraya oo bal kala garta mida sariir weyn ka soo toostay iyo mida darin ku seexatay ama isu eega carruurtooda oo ii sheega wax lagu kala garto. Ogaada idiin ma diidani inaad guryo fiican iyo dhar wanaagsan heshaan laakiin waxaan idin leeyahay haddii la waayo yaan loo say la’aan.

Comments

Popular posts from this blog

Walaalnimo

1- waa in ummadda muslimka ah ka nabadgasho afkaaga iyo addinkaaga oo aadan midna ku waxyeelayn naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. 2- waa in aad ula dhaqantid sida naftaada adoo ka duulaya xadiiskii nabiga ee ahaa "qofkiin mu'min noqon maayo ilaa uu walaalki la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay" ogow walaalku waa walaalka diinta. 3- darajada seddexaad waxaa weeye inaad walaalka naftaada wax uga doortid oo aad u hurtid waxaad aad ugu baahantahay. Haddaba adiga oo xasiloon si dagan uga fakar ninka oranaya: diinta iyo ehelkeeda ayaan wax u tarayaa oo wax uu muslimiinta y tara iska daaye ay ka maan heli waayeen.

فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري

بسم الله الرحمن الرحيم فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري بعث بعض الطلاب الصوماليين في الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية سؤالا حول منهج حسان حسين العقدي إلى علماء الصومال، وفيما يلي نص السؤال: إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله وبعد: فإن الله سبحانه وتعالي قد قيض لهذا الدين في كل زمان عدولا ينفون عنه تحريف الغالين وانتحال المبطلين وتأويل الجاهلين، وأمر بالرجوع إليهم في أمور الدين حيث قال سبحانه (فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون)، فهم مصابيح الدجى وأئمة الهدى، إليهم يفزع بعد الله في أوقات الفتن، واشتباه الحق بالباطل، ونحن طلاب الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية  نكن محبة لا توصف واحتراماً تقتضيه الديانة لعلمائنا الأفذاذ في الصومال الذين أحيا الله بهم منهج السلف بعد موات، وهدى بسببهم جموعاً لا تعد ولا تحصى، ونسأل الله أن يجزيهم عنا وعن المسلمين في الصومال خير ما جزى عالماً عن أمته وداعياً

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday              Tusmada kitaabka   Mowduuca                                                Bogga 1. Tusmo ……….………………………………1 2. Ducada Furfurashada ……………………..4 3. Mahadnaq …………………………………..6 4. Gogoldhig ……...……………………………7 5. Hordhac ...……....…………………………..12 6. Nabi Ibraahiim, Xaaskiisa Iyo boqorkii faajirka ahaa ...............................................................17 7. Habar khayrka aad ugu hanweyn ..............26 8. Dhagaxii la cararay maradii Nabi Muuse.. 33 9. Qorraxda oo Ilaahay Nebi Yuushac u joojiyey ..38 10. Samirkii Nabi Ayyuub ..………......……......44 11. Labo dumara oo mid wiilkeedii Yey ka cunay …52 12. Nabi Suleymaan oo ilmo hal jeex   ah u dhashay 58 13. Shan waxyaabood oo Ilaahay Nabi Yaxye ku amray . ...64 14. Nabi ay qowmkiisii cajabgaliyeen! ..............76 15. Nabigii quraanyada gubay ………………..81 16. Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday!