Go'aamadii
shirka ayaa la soo bandhigay. Sidii uu jeclaa ma ahayn. Dood buu furay. Wuxuu
cilmi iyo caqli iyo waayo-aragnimo lahaa ayuu adeegsaday si uu uga horyimaado
go'aamadaas. Irdihii uu garaacay oo dhan markii laga soo xiray oo lagu yiri
waxa aad sheegaysid cilmi iyo caqli maaha ee waa caadifad ayuu ku jawaabay oo
miyaan arrinta marna caadifad lagu eegayn.
Ninkaan hala
yaabin; waayo jacayka aad shay u qabtid wuu ku indha-tiraa, wuuna ku
dhaga-tiraa ilaa aad gaartid inaad qorraxda arki weydid ama ay si kale kuula
ekaato. Waliba ninkaani aakhirkii waa ogolaaday in cilmi ahaan iyo caqli
ahaanba looga gar helay, wuxuuse jeclaystay mar uun in arrimaha caqliga iyo
cilmiga la dhaafo oo caadifad qur ah lagu eego.
Comments
Post a Comment