Skip to main content

Kulankii aan galabta la yeeshay Ustaad C/laahi Sh. Maxamed X. Yuusuf

Waa aqoonyahan wax ku bartay Soomaaliya, Suudaan, Suuriya iyo Sweden oo Rabbi ku galladaystay indheergaradnimo, isla markaasna kasbaday khibrad, ummadaha kala duwan ee uu la noolaadayna wax badan ka faa'iidaystay.

Dalka ayuu booqasho gaaban ku yimid, wuxuuna ka qaybgalay shirkii siyaasadda ee dhawaan Muqdisho lagu qabtay. Muddo labo saacadood ah ayaan ku sheekaysanay Hotelka Jaziira ee aan daganaa.

Iswaraysigii khaaska ahaa ka dib waxaan ka sheekaysanay arrimo badan oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed khuseeya, ka dibna waxaan u gudubnay inaan falanqayno arrimaha waxbarashada, dacwada, wacyigalinta bulshada iwm. Ustaadku wuxuu ii soo jeediyey talooyin badan oo lagu hormarin karo dadkeena iyo dalkeena gaar ahaan xaruamaha iyo mu'assasadaha waxbarashada iyo dacwada.

Talooyinka muhiimka ah ee uu ii soo jeediyey waxaa ka mid ahaa in la unko kulliyado ama macaahid lagu barto maamulka masaajida iyo awqaafta. Khibradaha kale ee uu ka soo minguuriyey reer Sweden waxaa ka mid ahaa in macallimiinta la siiyo rukhso macalinimo ka dib markay soo dhamaystiraan shuruudaha looga baahanyahay, ayna ku gudbaan dhamaan imtixaanada looga baahanyahay.

Ugu dambayn Ustaad C/laahi aqoonta iyo khibrada uu hayo wuxuu jecelyahay inuu ku soo bandhigo website uu doonayop inuu dhawaan hirgaliyo ee ha la isugu daro duco, xogsiin, la talin, dhiirrigalin iyo ka faa'iidaysi.

Comments

Popular posts from this blog

Walaalnimo

1- waa in ummadda muslimka ah ka nabadgasho afkaaga iyo addinkaaga oo aadan midna ku waxyeelayn naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. 2- waa in aad ula dhaqantid sida naftaada adoo ka duulaya xadiiskii nabiga ee ahaa "qofkiin mu'min noqon maayo ilaa uu walaalki la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay" ogow walaalku waa walaalka diinta. 3- darajada seddexaad waxaa weeye inaad walaalka naftaada wax uga doortid oo aad u hurtid waxaad aad ugu baahantahay. Haddaba adiga oo xasiloon si dagan uga fakar ninka oranaya: diinta iyo ehelkeeda ayaan wax u tarayaa oo wax uu muslimiinta y tara iska daaye ay ka maan heli waayeen.

فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري

بسم الله الرحمن الرحيم فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري بعث بعض الطلاب الصوماليين في الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية سؤالا حول منهج حسان حسين العقدي إلى علماء الصومال، وفيما يلي نص السؤال: إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله وبعد: فإن الله سبحانه وتعالي قد قيض لهذا الدين في كل زمان عدولا ينفون عنه تحريف الغالين وانتحال المبطلين وتأويل الجاهلين، وأمر بالرجوع إليهم في أمور الدين حيث قال سبحانه (فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون)، فهم مصابيح الدجى وأئمة الهدى، إليهم يفزع بعد الله في أوقات الفتن، واشتباه الحق بالباطل، ونحن طلاب الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية  نكن محبة لا توصف واحتراماً تقتضيه الديانة لعلمائنا الأفذاذ في الصومال الذين أحيا الله بهم منهج السلف بعد موات، وهدى بسببهم جموعاً لا تعد ولا تحصى، ونسأل الله أن يجزيهم عنا وعن المسلمين في الصومال خير ما جزى عالماً عن أمته وداعياً

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday              Tusmada kitaabka   Mowduuca                                                Bogga 1. Tusmo ……….………………………………1 2. Ducada Furfurashada ……………………..4 3. Mahadnaq …………………………………..6 4. Gogoldhig ……...……………………………7 5. Hordhac ...……....…………………………..12 6. Nabi Ibraahiim, Xaaskiisa Iyo boqorkii faajirka ahaa ...............................................................17 7. Habar khayrka aad ugu hanweyn ..............26 8. Dhagaxii la cararay maradii Nabi Muuse.. 33 9. Qorraxda oo Ilaahay Nebi Yuushac u joojiyey ..38 10. Samirkii Nabi Ayyuub ..………......……......44 11. Labo dumara oo mid wiilkeedii Yey ka cunay …52 12. Nabi Suleymaan oo ilmo hal jeex   ah u dhashay 58 13. Shan waxyaabood oo Ilaahay Nabi Yaxye ku amray . ...64 14. Nabi ay qowmkiisii cajabgaliyeen! ..............76 15. Nabigii quraanyada gubay ………………..81 16. Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday!