Skip to main content

Al-shabaab yaa dhalay? 1aad

Kolkii lagu gubtay dabkii Xarakada Al-shabaab ayaa nin walba doonay inuu u abtiriyo oo waliba uu ku nabo ninkii xinif ka dhexaysey ama uu xumaan la jeclaa, taasna waxay keentay inay xarakadu yeelato ina-ayayaal badan iyo abtirisyo kala duwan. Cidda ugu badan ee nimankaas loo saariyo waxay noqotay Jamaacada Al-ictisaam oo la yiri: iyadaa dhashay oo barbaarisay oo waliba hubka u dhiibtay, waxa xuna way isla wateen ee markii culumada laga laayey ayay qaylo bilaabeen!. Haddaba aynu arrimo dhowr ah isweydiino intaynaan u banbixin abtirka Xarakada Al-shabaab iyo isirkeeda.

Tan koowaad Xarakada Al-shabaab oo magac la'aan ah waxay aad usoo shaacbaxday xilligii qabqablayaasha iyo maleeshiyaadkoodu Muqdisho qasayeen, beelaha qaarkoodna maxkamadaha samaysteen. Kolkii dagaalku qarxayna waxay noqdeen awood muhiim ah oo horseed ka noqotay la dagaalankii isbahaysigii isku magacaabay "argagixiso la dirirka".

Xilligaas oo bulshada Soomaaliyeed aad ugu baahnayd cid isbahaysigaan iyo maleeshiyaadkooda yac ka tiraahda, xarakada Al-shabaabna khayr laga filanayey nin walba iyo koox kasta waxay baarbaaraysey meel ay qaraabo ka noqdaan xarakada Al-shabaab ama ay iskaga xiriiriyaan, mana jirin xilligaas cid tiraahda Al-shabaab waa Salafiyo iyo waa Ictisaam toona, Ictisaamna laguma amaani jirin inay dhaleen ama soo rabbeeyeen xarakadaan barakaysan!.

Ka dib markii mashruuca xarakadu wadato ka horyimid danihii siyaasadeed ee raggii iyo kooxihii ay xilligaas isku duubnaayeen oo ay isla boodayeen, ayna soo caanbaxday khayrdarada iyo marinhabowga diimeed ee ay wataan ayaa nin walba iska fogeeyey ceebtooda, uuna u diiday inay abtir ahaan meel iska soo galaan, dad badana waxayba bilaabeen inay ku dhajiyaan ama ku kabaan Ictisaamkii awal loo quuri la'aa in waxyar laga siiyo abaalka loo hayo Al-shabaab.

Haddaba aynu qormadaan qaybteeda hore kaga baxno in aysan munaasib ahayn in dad la qaraabaysto oo dadka kale laga xigsado, kolkii hadhow wax xun ka soo dhexbaxaana laga bari noqdo, dad awal loo diidanaana dusha laga saaro ama loo tiiriyo; sidaa darteed dadkii Al-shabaab qaatay oo sheegtay xilligii la filayey in xukun iyo xoolo lagu helayo ha isku qaateen xarakada xumeheeda iyo samaheeda. Hadday la xumaatana istaaqfuru Allaah kaliya ha dheheen oo yaanay dhihin wixii wanaag ah annagaa leh, wixii xumaan ahna dadka kale ayaa leh.

Comments

Popular posts from this blog

Walaalnimo

1- waa in ummadda muslimka ah ka nabadgasho afkaaga iyo addinkaaga oo aadan midna ku waxyeelayn naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. 2- waa in aad ula dhaqantid sida naftaada adoo ka duulaya xadiiskii nabiga ee ahaa "qofkiin mu'min noqon maayo ilaa uu walaalki la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay" ogow walaalku waa walaalka diinta. 3- darajada seddexaad waxaa weeye inaad walaalka naftaada wax uga doortid oo aad u hurtid waxaad aad ugu baahantahay. Haddaba adiga oo xasiloon si dagan uga fakar ninka oranaya: diinta iyo ehelkeeda ayaan wax u tarayaa oo wax uu muslimiinta y tara iska daaye ay ka maan heli waayeen.

فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري

بسم الله الرحمن الرحيم فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري بعث بعض الطلاب الصوماليين في الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية سؤالا حول منهج حسان حسين العقدي إلى علماء الصومال، وفيما يلي نص السؤال: إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله وبعد: فإن الله سبحانه وتعالي قد قيض لهذا الدين في كل زمان عدولا ينفون عنه تحريف الغالين وانتحال المبطلين وتأويل الجاهلين، وأمر بالرجوع إليهم في أمور الدين حيث قال سبحانه (فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون)، فهم مصابيح الدجى وأئمة الهدى، إليهم يفزع بعد الله في أوقات الفتن، واشتباه الحق بالباطل، ونحن طلاب الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية  نكن محبة لا توصف واحتراماً تقتضيه الديانة لعلمائنا الأفذاذ في الصومال الذين أحيا الله بهم منهج السلف بعد موات، وهدى بسببهم جموعاً لا تعد ولا تحصى، ونسأل الله أن يجزيهم عنا وعن المسلمين في الصومال خير ما جزى عالماً عن أمته وداعياً

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday              Tusmada kitaabka   Mowduuca                                                Bogga 1. Tusmo ……….………………………………1 2. Ducada Furfurashada ……………………..4 3. Mahadnaq …………………………………..6 4. Gogoldhig ……...……………………………7 5. Hordhac ...……....…………………………..12 6. Nabi Ibraahiim, Xaaskiisa Iyo boqorkii faajirka ahaa ...............................................................17 7. Habar khayrka aad ugu hanweyn ..............26 8. Dhagaxii la cararay maradii Nabi Muuse.. 33 9. Qorraxda oo Ilaahay Nebi Yuushac u joojiyey ..38 10. Samirkii Nabi Ayyuub ..………......……......44 11. Labo dumara oo mid wiilkeedii Yey ka cunay …52 12. Nabi Suleymaan oo ilmo hal jeex   ah u dhashay 58 13. Shan waxyaabood oo Ilaahay Nabi Yaxye ku amray . ...64 14. Nabi ay qowmkiisii cajabgaliyeen! ..............76 15. Nabigii quraanyada gubay ………………..81 16. Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday!