Shaki kuma jiro inay yihiin ubad soomaaliyeed oo mid walba
kasoo jeedo qoys ka mid ah qoysaskeena. In kuwo aan soomali ahayn ku
labanyihiina soomaalinimadooda wax ka badali mayso marka laga reebo inay ka
barteen faldambiyeedyo aan dalkeena laga aqoon, ka dibna ay ka darnaadeen (laga
barayba laga badi).
In ay soomaali yihiin ka dhalan mayso in dambiyada ay galeen
loo raacdo qoysaskooda ama qabaa'ilkooda adduun iyo aakhiro midna; waayo naf-na
ma xambaarto naf kale dambigeed haddii aysan sabab ku lahayn.
Tan kale ma jiro
qabiil ama qoys soomaaliyeed oo ilmihiisa u dirsaday shaqadaan ama raalli uga
ah ee dhab ahaan ubadkoodii ayaa balaayo ka qafaalatay, waxayna u adeegsatay
xasuuqa iyo dhibaataynta ummadda.
Arrinta kale ee muhiimka ah waxaa weeye in dadka faraha badan
ee Al-shabaab dabka ku shubayso aysan ahayn dadkii fikraddaan keenay ee
badankoodu waa dad la soo siray iyo kuwo marxalado kala duwan ugu biiray
sababao kala jaad ah, ka dibna is arkay iyaga oo qafaalan miskax ahaan ama jir
ahaan ama labadaba oo aan heli karin hab iyo meel ay uga baxaan baxarka ay
isgaliyeen.
Way koobnaayeen dadka fikradaan xambaarsanaa ee garanayey
ujeeddada laga leeyahay iyo waddooyinka loo marayo. Inta la socotayna waxay
ahaayeen dad caamo ah oo khayr loogu baaqay, awoodna aan u lahayn inay kala
hufaan runta iyo beenta, khaladka iyo saxda iwm. Wax kasta oo cad baruur buu la
ahaa, wax walba oo madowna timir buu la ahaa. Shuruuda dadka lagu qaadanayo
ayaa marka horeba waxaa ka mid ah:
1. Da’yari aan loo baahnayn 25
jir ka weyn
2.
Cilmi yari aan la qaadanayn
nin waxa loo diray su’aal ka keeni kara.
3.
Caqli-gaabni iyo wacyi yari
keenaysa in ninkaasi aqbalo sheeko kasta iyo tafsiir walba oo laga siiyo
diinta,
dhacdooyinka iwm haddii uu doono ha noqdo nin da’weyne.
Si kastaba ha ahaatee Al-shabaab marka hore dadka tilmaamo ayay ku
xulataa,dabadeedna been (jihaad iyo diin u hiilin) ayay ku soo xero-galisaa, ka
dibna run (bir iyo dab) ayay ku dhaqdaa.
Comments
Post a Comment